Go’aanka Guurtiddu soo saartay oo ah kii Xildhibaanada Reer Awdal uu Guddoomiye Cirro ka diiday

0
91

Hargeysa(Waaheen) Go’aanka Golaha Guurtiddu soo saareen ayaa ah talaabadii ugu haboonayd ee ay hore Xildhibaanada Golaha wakiiladda ee Gobolka Awdal labada garab ugu soo jeediyeen bilowgii khilaafkooda balse uu C/raxmaan Cirro ka diiday.

Dhawr iyo tobanka Xildhibaan ee Golaha kaga jira Gobolka Awdal oo si taxadir leh u eegay cawaaqib xumada dagaalka siyaasadeed ee ka dhex socday Golaha ayaa bilaabay dhex dhexaadin ay isugu soo dhaweynayeen labada Garab, waxaanay ku horeeyeen Xildhibaanada Kulmiye iyo Xukuumadda oo ka aqbalay soo-jeedin ahayd in ay Guddoomiye Cirro ka daayaan in ay xilka ka qaadaan si uu kalsooni ugu helo in uu fuliyo Mooshinka uu ka giigay ee Kulmiye wato.

Isla markii ay kalsoonidaas siisay xukuumaddu in aanay ridayn Cirro ayay u tageen waxaanay cirro u bandhigeen in ay kalsooni uga sidaan Kulmiye ah inaan la ridayn balse taas bedelkeeda isna uu aqbalo in laba iyo afartan mudane ridi karaan sida labadiisa ku-xigeen uu ka yeelay maadaama uu isagu furay albaabkaas isla markaana ay la sinaadaan labadiisa ku-xigeen xaga fadhiga.

Soo jeedinta Ergadaas Golaha ka tirsan ee Reer Awdal Guddoomiye Cirro wuu ka gaabsaday isagoo ka baqay in aanu isku halayn karayn, wallow Xildhibaanada Reer Awdal Kitaab u mareen in aya isaga la saafan doonaan haddii ay Kulmiye ka baxaan balantaas, taasoo haddii uu Cirro qaadan lahaa marna aanay Xukuumaddu u hesheen Cod ay ku rido.

Labada soo jeedimood ee Xukuumadu midna aqbashay midna Cirro diiday ayaa wax aka faa’iidaystay Guddidii dhex dhexaadinta ee Golaha Guurtidda kuwaas oo labada dhinacba ku qanciyey labadii qoddob ee ay Xildhibaanada Reer Awdal ku taliyeen, waxaanay labada dhinacba ku soo dhaweeyeen qalbi furan, wallow aan la saadaalin kari kal-fadhiga danbe wax aka dhalan doona siyaasadda is rog roga badan ee Siyaasiyiinta Somaliland.

Si kasta ha ahaatee Somaliland marxalad kasta oo Suryo ah oo ay galo Loolanka Siyaasadeed waxa sharciyadda ka weyn dhex dhexaadinta loo arko danta Qaranku in ay ku jirto, taasoo ay somalialand kaga soo talowday duruufo qaranka Gil-gilay.