Faysal Cali waraabe oo kaga dhabeeyey gacan qaadkii uu u balanqaaday wasiiradda, kii ugu horeeyeyna dirqi lagaga qabtay

0
68

dag1Hargeysa(Waaheen) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa maanta u gacana qaaday wasiirka wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo shaqada Maxamud Axmed Barre Garaad kadib markii ay isku weerareen hadalo siyaasadaysan oo ay ka jeediyeen xaflad Abaal marino lagu guddoonsiinayey koox Suxufiyiin ah.

Faysal Cali Waraabe oo si xun u weeraray Xukuumadda, Wadaada siyaasiyiinta noqda iyo Suxufiyiinta Xukuumadda ku milmay ayaa markii uu dhamaystay waxa hadal lidi ku ah faysal jeediyey wasiir Garaad oo kaasoo maahmaaho Reerkooda oo Beeralay ahi leeyihiin ugu maahmaahay “ Dibiga Hirdida badiya Reer kayagu waxay yidhaahdaan madaxaa jaba” isagoo uga jeeday Faysalow dagaalka badan ee Xukuumadda madaxaa kugu xanuuni.

Wasiir Garaad intaas kagamuu hadhine waxa uu raaciyey “ Faysalow hadaad maalin walba hadasho dadku waxay odhanayaan waa kii Faysal wixiisiiye iska daaya”. Intaas markii uu marinayo ayuu faysal xanaaqay oo inta uu Mobolkiisii kor u qaaday damcay in uu ku dhufto, bale markiiba waa laga qabtay.

dag2

Xanaaqa faysal ayaa cirka isku shareeray waxaana galay madashii lagu soo martiqaaday Mucaarad iyo Muxaafadba buuq qaatay in muddo la kala lad-qabeeyo, iyadoo xafladdii isu badashay madal ay ku loolamaan labada Xisbi Mucaarad iyo wasiiradii xukuumadda ka socday oo kala ahaa Garaad iyo Cukuse.

Guddoomiye Faysal Cali waraabe ayaa markii laga soo dareeray xafladda Raali-gelin ka bixiyey dagaalkii uu ku qaaday Wasiir Garaad, waxaanay isku saamaxeen banaanka kadib markii faysal Cadhadii ka ba’day