Taliyaha khaaska ah ee ilaalada Madaxweyne Siilaanyo oo laba qof jiidhay

0
93

BreakingNewsHargeysa(Waaheen) Taliyaha Ciidanka khaaska ah ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa manta duhurkii gaadhi uu watay jiidhsiiyey laba Nin oo marayey agagaarka xaafadda Pepsi-ga magaaladda Hargeysa.

Taliye Caabi oo wakhtigaas gacantiisa ku watay gaadhi uu gaar u leeyahay kaasoo shilka galay, waxaana labada qof soo gaadhay midkood dhaawac culus halka ka kalena dhaawac waxoogaa ahi soo gaadhay.

Labada qof ayaa loola cararay Cisbitaalka Hargeysa halkaas oo lagu daweynayo, illaa hadana ma jirto talaabo laga qaaday Taliyaha maadaama uu shil galay.

Shilku markii uu dhacayw axa goobta ku soo xoomay dad farabadan oo marayey jidka iyo kuwo ka soo yaacay xaafadaha u dhaw, waxaanay  isku dayeen in ay qabtaan dirawalka shilka galay oo ahaa taliyaha khaaska ah ee ilaalada Madaxtooyadda balse buuq ayaa ka dhashay arrintaas, kaasoo sababay in uu diido Taliyuhu in la xidho.

Taliyaha khaaska ah ee ilaalada Madaxweyne Siilaanyo oo laba qof jiidhay