XILDHIBAANADII GOLAHA WAKIILADU U SAARAY XALINTA KHILAAFKA OO DHINACBA DHINACA KALE KU EEDEEYAY MASUULIYADDA XAALADA CAKIRAN EE GOLAHA

0
92

golahaHargeysa(Waaheen):- Garabada Golaha wakiilada Somaliland u saaray dhexdhexaadinta Khilaafka cakirnaa mudooyinkii u dambeeyay ayaa maanta ku kala kacay fadhiyo maalmihii u dambeeyay ay laheeyeen. Xildhibaanada dhexdhexaadinta goluhu u saaray oo 14 xubnood ahaa ayaa dhinacba dhinaca kale ku Eedeeyay masuuliyada khilaafka Golaha iyo Isfahan la’aanta guddida khilaafka loo saaray.

Xildhibaan Muxaafidka u hadlay ayaa sheegay in Mudanayaasha Kulmiye xaq u leeyihiin Mooshinka ay wataan, waxa uu gudoomiye cirro u soo jeediyay inuu ogolaado waxa aqlabiyada Goluhu doonayso, waxaanu yidhi “ Qoladdii dooda aanu kuwa jiray waxay Xukumadda halkaa iska fadhida ay ugu yaacayaan garan mayno, Anagaa is hayna oo xildhibaano ah. Maanta majooratigii anagaa haysana . maaha Ninku marka uu Majooratiga waayo inuu galgasho oo cid kale eeda saaro. Waxaa makhraati ka ah ama gar ha ahaato ama gardaro e shalay markii 42 cod laga dhigayay labada gudoomiye xigeen oo la mida gudoomiyaha lana xeer ah, markii awooda laga qaadayay ee dhulka la fadhiisinayay Cirro wuu ag-fadhiyay oo ma diidin, inta badan ee goluhuna way aqbaleen. Maanta sababta ay u diidayaan Cirro iyo saaxiibadii ee ay qaylo dhaanta iyo Golaha waan xidhay ugu cararayaan waa gardaro iyo caddaalad daro.”

Dhinaca ka soo hor jeeda Mooshinada Golaha hor yaala ee lagu dalbanayo in Gudoomiye Cirro Codka lagu ridayo laga dhigo 42 mudane oo hore Goluhu uga dhigay labada gudoomiye xigeen waxa u hadlay Xildhibaan Rayte oo Xisbiga Waddani ka tirsan. Waxa uu Xildhibaanada Kulmiye ku Eedeeyay in go’aamo looga soo yeedhinayay Madaxtooyada islamarkaana aanay haysan Awood ay ugu tanaasulaan wixii xal u noqon lahaa Golaha.

“ Runtii dadku waxay heshiiyaan marka Cida la isku saaray ay leedahay awoodda ay taladu ka go’ayso ee waxna ay ka tanaasuli karaan waxna ay ku kordhinkaraan. Nasiib daro waxaa muuqata in qoladii aanu is hor fadhiisanay aanay taladooda jeebka ku sidan ee meel kale oo golaha ka baxsan laga hagayay oo xukumaddu lug ay ku leedahay taasina bulshada kama qarsoona.” Ayuu yidhi Xildhibaan Rayte.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa Xukumadda ku eedeeyay inay Lug ku leedahay Khilaafka Golaha wakiilada islamarkaana Liverpool looga soo hanjabayay. Waxa uu sheegay in hore goluhu u midaysnaa oo si mugle uu u ansixiyay Xeerhoosaadka Golaha.

Xeer-hoosaadka Wakiilada ee dhawaan la ansixiyay ayaa kor u qaaday khilaafka Golaha wakiilada ee mucaaradka iyo muxaafadka. Qodob xeerhoosaadka ka mida oo sheegaya in labada ku xigeen Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Awyuusuf codadka lagu ridayo laga dhigo 42 mudane ayaa si wayn ay uga biyo diideen Xukumadda iyo Xildhibaanada Kulmiye. Mucaraadka ayaa sheegaya inay ka tanaasuleen in codka labada ku xigeen lagu ridayo halkoodii lagu celiyo balse muxaafadku ku adkaystay in hoos loo soo dhigo Gudoomiyaha codka lagu ridayo oo haatan ah 55 mudane.