Wasiirka Arrimaha dibeda oo maanta u kicitimaya safar Ingiriiska ah.

0
88

maxamed biixiHargeysa(Waaheen) Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa lagu wadaa in uu maanta u kicitimi doono Dalka Ingiriiska.

Lama oga ujeedada rasmiga ah ee wasiir Maxamed Biixi u tagayo Dalka Ingiriiska, hase yeeshee waxa loo tirinayaa in uu la xidhiidho martiqaad uu ka helay Dalka ingiriiska oo xidhiidh dhaw la leh Somaliland isla markaana ku bixiya mashaariic horumarineed oo kooban.

Wasiir Maxamed Biixi ayaa toddobaadkii dhawaa ka soo laabtay safar muddo qaatay oo uu ku tagay Dalal ku yaala Galbeeda Afrika, halkaas oo uu ku soo indho indheeyey qaabka ay shirkadda Balore oo wadahadal u socdaa ay u maausho Dekeddaha Dalalkaasi.

Wasiir Maxamed Biixi oo aanu isku daynay inaanu khadka Telefoonka ku weydiino ujeedada safarkiisa ayaanay noo suurtogalin kadib markii uu naha qaban waayey.