Warsaxaafadeedka Ergada Aqoonyahanada ee Dhexdhexaadinta Khilaafka Golaha WakiiladaJ

0
114

Waxa soo saaray Afhayeenka Ergada taariikhyahanada,oo ah qoraaga buugga “Yagleelka Nidaamka Dowladeed” ee 4ta Hormo ah,Mr Cali Dool Axmed,Cali waa qoraa,waana nin aad ayuu xog ogaal ugu ah, golaha arrimaha wakiilada kaasoo.ilaa 1998dii ilaa 2014kana,dhegeystayaashii shicibkaahaa ee doodaha golaha ayuu ka mid ahaa,xilligana waa shaqsiga ugu dood dhegeysiga badan.

Uj 1aad:Xogsiinta muwaadiniinta Somaliland ee deganaanshahadowladooda,cimri dhererka geedkooda dowladeed ama cimri dheer yeelashadaqaranimadooda,wada shaqeynta waaxaha qarankooda,xallinta khilaafka baarlamaankooda iyo horumarka dalkooda iyo dadkooda Jeceliyo ku feejigo gelinta muwaadiniintaas,ee nooca khilaafka wakiiladu yahay iyo qotadiisa.

Uj 2aad: Usoo gudbinta muwaadiniinta Somaliland iyo mudanayaasha baarlamaanka Somaliland ee qoraalkii aanu 13.02.014kii Ergadu gaadhsiisay gudoomiye C.raxman G.wakiilada iyo dhammaan ergadii dhexdhexaadinta waday ee Guurtida iyo wakiilada ka socday

Faahfaahinta Warsaxaafadeedka

Mudanayaal ahmiyadayada 1aad waxa weeye,inaad ka bogataan, oo si fiican u akhrisaan,qoraalkii 4ta bog ahaa ee taariikhiga noqday,arkiifiyada kaydka ee wakiiladagalay,ee 7dii aqoonyahan ay gaadhiisiiyeen gudoomiyaha golaha wakiilada ee jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro),idinka oo xaggga hoose kaga bogan doono.

Mar labaadkana waxaanu halkan idinku wargelinaynaa,inaanu ergo ahaan howshii dhexdhexaadinta sii wadi doono siina ballaadhin doono ergada ilaa maalinta khilaafkaas laga gaadhayo heshiiska buuxa,anaga oo maalmaha sabtida iyo axadda oo ka hadhsan 7dii maalmood ee golaha wakiiladu fasaxa ahaa,aanu  ergo ahaan sii shaqeyn doono,oo ergooyinkii naga horeeyay la kulmi doono iyo labadii gudoomiye xigeen ee wakiilada mudane Baashe M. Faarax,Dr Cali Yuusuf iyo weliba dhammaan xubnaha golaha wakiilada ee 82da xildhibaan ah,islamarkaana xubinkasta xog guud siin doono iyo weliba qoraalkayagaas gaadhsiin doono,”haddii alle idmo”

Muwaadiniinta reer Somalilandna waxaanu si xushmad leh warsaxaafadeedkan ugusoo gudinaynaa,laba arrimahan a) inaanu tilmaan guud ka bixino ama masaal ka siino qaybaha uuka kooban yahay,geedka dowladeed ee ka taagan dalka Somaliland,ta labaad b),waxaanu doonaynaa inaanu idiinsoo tabino farriin muujinaysa nooca uu yahay khilaafka soo dhexgalay golaha wakiilada gudihiisa iyo gudoomiyaha golahaas iyo xukuumadda manta talada haysa,khilaafkaasoo ah mid siyaasadeysan ayna ugu horeyntii kiciyeen labada gudoomiye ku xigeen ee mudane Baashe iyo Dr Cali,dakib markii ay tirtireen,go,aankii golaha ee isku shaandheyntii gudiyada golaha ee uu hore ula dhaqangeliyay gudoomiyaha, lana  saxeexay Dr Cali Yuusuf oo ah gudooomiye xigeenka labaad,markii dhacdadasa lagaga gar heleyna,waxa loo gudbay oo la ansixiyay wax ka bedelkii qodobadii xeerhoosaadka,taasoo codeyn gole ku dhaqan gashay,imikina markii aanu saluuggii qodobadaas u kuur galay ee aanu Cirro usoo jeedinay inuu aqbalo,inu maamuus ka xayuubinta 2da gudoomye xigeen laga dhigo 55 cod,iyada oo hal mooshin oo ansixinta 55ta cod ah golaha la horkeenayo isniinta,fasaxisiina uu galo,markii uu warkaas nagasoo baxay,ilaa shalay khamiistii kadib,waxa ergadayadii qaarkood soo gaadhay,dhawaaqyo fara badan oo ay xildibaanaddii golaha ee mooshinada cusub keenay iyo rag wasiiro ahi oo aanan magacyadooda xusaynin,ay aqbalkii Cirro iyo qodobadayadii dhexdhexaadintaba ay ku daadifeynayaanama ku durayaan,iyaga oo aqbalaaddii ergada ee gudoomiyaha wakiilada ka naxay,una arkay inay ka hor joogsan doonto qorshayaal kale oo malahayaga ay wateen,,taasina cabsi weyn iyo welwel ku saabsan xaaladda khilaafku halka ay gaadhi doonto ayay nagu dhalisaye ogaada,Somaliduna waxay ku tidhaahdaa,ergo diid waa Alle diid.

bulshooydhammaantiin waxaad ogaataan,in Ilbaxnimada Aadamuhu waxay kasoo bilaabataa,xilligii ay bulshooyinka Adduunku degaamoobeen,ee ay magaalooyinka dhisteen,islamarkaana ay wax akhriska iyo wax qorista barteen ee ay cilmiga ururiyeen,kadibna tallaabadii labaad ayaa loo baahday,taasoo ahayd dhismihii ama yagleeliddii nidaamkii ama awooddii dowladeed ee bulshadooda  talada u qaban lahayd ee caddaaladda ugu kala xukumi lahayd.

Wakhtigaas wixii ka dambeeyay,ayay Aadamuhu horey u qaadeen, tallaabooyinka kale ee dhinaca horumarinta noloshooda ku saabsan.hadaba waxada ogaataan in labada cadowga ugu khatarsan ee umadi ay yeelato ay yihiin,koowcidkasta ama cadowga nidaamkooda dowladeed ee sida geedka ahi xididada uu ku taagan yahay rujinaya amageedkaas xididadiisa gunta ka jarjaraya,”geedka dowladnimana xididada uu ku taagan yahay,waa golaha baarlamaanka,jirriddusuna waa garsoorka,laamihiisuna waa xukuumadda,hadhkiisuna waa nabadgelyada,midhihiisuna waa cilmiga iyo horumarkafarsamo”cadowyadaasna waxa ugu khatarsan cadowga xidida geedka rujinaya,kaasoo doonaya inuu awoodooda dowladeed dumiyo,si uu umaddaas khasaare weyn oo qarniyaal la socda u gaadhsiiyo,ogaada oo dalna dunida horumar ma gaadhin, iyada oo aanay dadku xorriyad buuxda helin, kadibna aanay dowlad dhisanin,aan idhaadodalka aanay dowladnimo tala wadaag lahayn,ee awood qaybsi lagu qanacsan yahay aanay dowladnimadiisu ku salaysayn aanu,nabadgelyo,caddaalada,degrenaansho siyaasadeed iyo horumar cilmiyeed aanuboqolaal sano ku gaadhin,markaas dowlad wanaagsan la,aantuna waa caddaalad la,aan,horumar la,aan iyo sharaf la,aan umadeed,waxaanan idinka codsanaynaa,inaad aad uga feejignaataan,mushkiladkasta iyo kilaafkasta oo wanaagaa dowladdda Somaliland caqabad ku noqon kara.deganaansho laanna abuuri kara.

Diyaariye qoraa Cali Dool Axmed Jimce 14kii .02..014.

“Halkan ka akhri farriintii oo dhamaystiran”

Farriinta Bulshada Somaliland iyo Ergada  Aqoonyahanka ee Isu xilqaantayDhexdhaadinta Khilaafka Golaha Wakiilada

Ku :Gudoomiyaha golaha wakiilada, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Maxamed(Cirro)

Ku: Guoomiye ku xigeenada golaha mudane Baashe M.Faarax iyo Dr Cali Yuusuf

Og:dhammaan Ergooyinkii Isu Xilqaamay Dhexdhexaadinta Khilaafkaas

UJ: Mabaadiida Arrimaha ayErgada Aqoonyahanku kasoo Horjeedaan iyo Arrimaha ay Doonayaan

Salaam xurmeyn xambaarsan kadib,mudanayaal dhammaantiin waxaad fahamtaan in muwaadiniinta reer Somaliland,ee ay matalayaanergadan aqoonyahanada ahi,ay kasoo horjeedaan,khilaafkasta,xilgudasho la,aankasrta,khiyaamo kasta,hagardaamokasta oo masuul qaran uu ula yimaaddo dadka iyo dalka jamhuuriyadda Somaliland,arimahaasoo dib u dhac keenaa,dhinaca kale waxay diidan yhiin,sharcikasta,ama xeerkasta oo caqabad ku noqon kara,geeddi socodkii bulshada ee jihada horumarka ku waajahnaa,waxayna dagaal khadhaadh ku qaadayaan, barnaamijkasta oosiyaasadeed, oo gaadhista Himilooyinka waa weyn ee u hadhsan bulshada dalka jamhuuriyadda Somaliland higsanayso caqabad ku oqon kara..

1)     Ilaalinta Himilooyinka waa weyn ee ay Ummadda Somaliland Gaadhay

 

  • Umadda Somaliland waxay gaadhay Xorriyad Buuxda,waanay laashanaysaa,
  • Umadda Somaliland waxay Gaadhay Yagleelista Nidaam Dowladeed,waanay ilaashanaysaa,
  • Umadda Somaliland waxa kale oo ay gaadhay nabadgelyo buuxda,waanay ilaashanaysaa,

2)     Himilooyinka u Hadhsan ee ay Higsanayso iyo Dariiqa ay ku Gaadhi karro

  • Inay bulshadu yeelato dhaqan caddaaladeed, shaki la,aana  ay hesho garsoor si Caddalaad ah, muwaadiniinta u kula xukumaya(to obtain Overall of Justice Culture and attain equal rights under the law )
  • Inuu dalka Somaliland Gaadho Xasillooni Siyaasadeed oo buuxda (to attain  a Political stability in  full scale)
  • Inay horumar ka gaadhaan dhinaca aqoonta (to obtain higher education with Social Reforms)
  • Ugu dambeyntana inay Gaadhaan Horumar  Nololeed oo Dhinackasta ah (ultimately to attain higher levels standard of life)

 

Xusuusinta Xidhibaanada ee Mushiladaha Burburiya Nidaamyada Doladeed ee Dalalka soo Koraya

HordhacaFarriinta Aqoonyahanada

Mudanayaal cali dool Axmed oo madaxa ergadan ahi,waa taariikhyaqaan cilmiga bulshada ku takhasusay,islamarkaana muddo 13 sano ah daraasad ku sameynayay mushkiladaha nidaamyada dowladeed ee caalamka burburiya,iyo kala duwanaanshaha nidaamyada dowladeed ee dalalka degenaansha siyaasadeed  iyo horumarka nololeed gaadhay,isaga oo noockasta daraasad buuxda ku sameeyay,hadaba habka yaglkeelka nidaamka dowladeed ee dalalkaas,iyo weliba yagleelka nidaamka dowladeed ee dalalka soo koraya,kuwaasoo 72 dal oo ka mid 50kii sano ee ugu dambeysay qarnigii 20aad ay colaado aad u badan oo kala duduwan iyo xasuuqyo shacab ka dheceen,ay kuna nafwaayeen ilaa 20 milyan oo ruux

Sida ay sheegtay  warbixin uu qoray machadka kale ee la yidhaahdo “International Institute for democracy and electoral assistancesanaddii 1998dii,labadaas hay,adood waxay faahfaahin ka sameeyeen, xidhiidhka ka dhexeeya ,Qaabdhismeedka dowladeed ,dimuqraadiyadda iyo colaadihii qotoda dheeraa ee dalalka dunida ka jiri jiray nusqarnigii ugu dambeeyay oo ay ku nafwaayeen 20 milyan oo ruux..

.

Sida aan qoraa ahaan,kasoo xigtay buugga la yidhahdo,(Law and State Abiannual Collection of Recent German Contibutions to these fields) – by the Institute for scientific  Co-operation Federal Republic of Germany 1983th ,Prepared by Dr F. Bour,Tubingn, Dr K.H.Bechtold,Tubingen, Dr O.kimminich,Regnsburg iyo Rittbergen ,Tubingen

Dalalka dunida soo koreysa,markay ka xoroobeen gumaystayaashii reer Yurub,waxa xilkii waddamadaas kala wareegay oo loo dhisay,nidaamyo dowladeed oo u qaabaysan sidii oo ay wax ku meelgaadh ah yihiin,dowladnimadaasoo inay muddo dheer gaadho ama ay mustaqbalka fog jirto aan loogu talagalin,sababtuna waxa weeye,waxa laga ilaaliyay inay dowladahaasi yeeshaan xidido dhaqan oo adag oo cimri dherer u yeela,gumaystihiina wuxuu maamulkii dalalkaas hogaamintoodii ku wareejiyay,nidaam dowladeed oo  qabyo ah,(incomplete system of government or an emergence entity) micnuhu waa nidaam maamul oo degdeg ah,oo aan mustaqbal iyo cimri dherer loogu talagalin,maxaayeelay dastuurada nidaamyadaas dowladeed iyo waaxahooda,ayaa wax ku cusub muwaadiniinta oo aanay dhaqan ahaan fahmi karin ahaa.waxa aan shuruucda dowladahaas aan meella lagaga xusin, kaalinta uu maamul dhaqameedkii odayada ahaa ee  bulshada dalalka a u ogaansanaayeen ama ay xurmayn jireen ayaa laga ilaaliyay in nidaamkii dowladeed lau daro..

Dabadeed waxay daraasaddaasi sheegeysaa, inay dowladaha dalaka soo koray, ay si fudud u dumiyaan mushkilado kaga yimaado guda-galka ama fulinta Barnaamijyada dowliga ah ( The Crisis of Penetration),arrintani waxa weeye,marka ay dowladaha dunida saddexaad bilaabayaan, howlaha mashaariicda ah ee dowladda u qorshaysan, ayay la kulmaan muran iyo diidmo dadweyne oo xoog leh,iyaga oo shacbigoodu u arko inay barnaamijyadaas fulintoodu mushkilad cusub u keeni doonto,oo ay xumayn doonto noloshooda shacbi ee gaarka ah.taasina waxa ay gabboodsataa,hanaan xumada madaxdooda iyo  aqoon darrada guud ee bulshada iyo weliba wacyi xumada siyaasadeed shucuubtaas.

Waxa kale oo dowladaha dalakaas awoodohooda wiiqa amaba dumiya,mushkilado kaga yimaado habka ka qaybgalka muwaadiniinta ee mansabyada golayaasha dowladeed( The Crisis of Participation).taas micneheedu waxa weeye, iyada oo aanay hogaamiyayaasha dalalka soo korayo iyo dastuuradooduba aanay ogolaanin, in habka ka qaybgalka golayaasha dowladeed loo raaco dhaqankii bushada iyo qaabdhismeedkoodii maamul ee maamuuska qadiimiga ah lahaa..sidaa awgeed mushkiladaha ugu badan ee ay la kulmaan dowladaha soo korayo waxa weeye ,sida looga qaybgalo iyo cidda xaqa u leh ka qaybgalka  golayaasha dowladeed iyo go,aamada dowladeed habka loo gaadhayo,waxa wanaagsanayd in la qeexo, ciddee ayaa xaq u leh inay waxka ogaato oo ay qaybgasho golayaasha dowladeed ?.iyada oo fursad la siinayo, oo la tixgelinayo cidihii weligoodba bulshada usoo talin jiray,

Waxa kale oo dowladaha dalalka Afrika iyo Aasiyaba dumiya,mushkilad kaga timaada dhinaca sharciyadda dowladeed,( The Crisis of Legitimacy).mushkiladani waxa weeye,iyada oo ay dowladaha dunida saddexaad la kulmaan,ismanadhaaf ama muran ku saabsan xaqa sharciyeed ee ay madaxda dowladdaas  ku xukumayso waddanka,ama ay dadweynuhu ugu hogaansamayaan madaxdooda,iyaga oo aan hoogaaminta madaxdooda xaqnimadeeda si buuxda ugu qanacsanayn,,tusaale ahaan waxa weeye, markii hore ayaan dhismihii tiirarka dowladeed  loo raacin dhaqankii bulshada waddanka ku nool , markii dambana waxaba lagu murmaa natiijadii doorashooyinka iyo hanaankii codbixintii doorashooyinka oo dhan. ama Marka ay ciidamadu xoog ku qabsadaan sow sharcinimadii xukuumaddii dalku muran gali mayso?

Dowladaha daalka soo koraya,waxa kale oo dumiya,muhkilad kaga timaada habka qaybinta khayraadka dalka,( The Crisis of Distribution). Xaqiiq ahaan mushkiladani waxay timaadaa, marka ay kooxdii xukunka haysatay dhaqaalihii dalka ku naasnuujiyaan, dad gaara oo ay xulufo siyaasadeed yihiin, taasina ay keento kala shaki iyo dhaqaalihii dalka oo khalkhal gala..tusaale ahaana kooxaha xukunka haya ee dalalka dunida saddexaad iyo saaxiibadood ayaa doonaya, inay intay dhaqaalihii waddanka si aan sharci ahayn ku gurtaan, ay sidaas iyagu dabaqad dhaqaale oo sharciya ku noqdaan ,iyo weliba dabaqaddii sare ee xukunka xaqa u lahayd.marka dhinaca dalalka reer galbeedka la eego,arrintan qaybinta khayraadka dalka waxa loo raacay ,oo loo sharciyeeyay habdhaqankii dhaqaale ee bulshooyinkaas ee taariikhiga ahaa,kuwaasaao nidaamka dabaqadaha dhaqaale ee kala duwan, ee la isla ogol yahay mudaba kusoo noolaa.kuna dhisnaa.

Mudanayaal ukuumad iyo sharcidejinba,dhammaantin waxaanu idiin rajenaynaa,inaad ka digtoonaataan,soo ifbaxa mushkiladaha dalalka curdinka ah dumiya, islamaraakaana aad si xeel dheer,oo caqli weynaan iyoxariifnimo siyaasadeed ay ku jirta,aad nidaamka dowladeed ee Somaliland oo ay soo yagleeleen odayaashii ama ergooynkii shirkii Borame 1993dii,idinka iska ilaalinaya inaad damacyadiia shaqsiyeed ku wiiqdaan wixii inoo dhisnaa,waxana aan idinka filiaynaa inaad qarankan ka gufeysaan,goldoloolokasta oo sharciga ku jirta,ama ka iman karta qabyada  qaabdhismeedka dowladeed yo xeerarka maamul.

Ka Hortagga Khilaafkasta oo Waaxaha Dowladda Somaliland Wiiqi kara iyo in Kala Madaxbanaanida Waaxaha Qaran Laga Gudbo

Sida uu sheegayo qodobka dastuurka ee 93aad firqadiisa 3aad, gudoomiyaha golaha wakiiladu,waxa weeye xubinta saddexaad ee qarankan jamhuuriyadda Somaliland ugu maamuus sareeya ama qofka 3aad ee ugu mudan nidaamka dowladda Jmahuuriyadda Somaliland ahaan,laakiin (iyada oo aanu xagga oose kufaahfaahin doono),2aadgudoomiyexigeen ee wakiiladuma laha maamuuskaas sare ee uu gudoomiyaha wakiilada qodobkaas dastuurku siinayo.

Mudanayaal sida aad ogtihiin,jagada gudoomiyanimada golaha waiiladu, waa kursi qaran oo heerkiisu sareeyo oo weliba meerto ah,kaasoo kolba uu ninka loo doorto uu ku fadhiisan doono,iyada oo weliba ay fiicnaan lahayd,in dhaqan beeleedkeenii hore iyo asbaabo siyaasadeedba buuxin kursigaas loo eego..

Hadaba markaanu u kuur galay,ficiladdii xildhibaanada golaha ee ka dhashay,saluggii gudiyadii la dhisay ama isku shaandheyntii gudiyada wakiilada,anagaeedeymihii ay xildhibaanada qaarkood waaxda xukuumadda dusha u saarayeen inay howlihii golaha faragelin taban ku hayso, alalkii ugu horeeyay ee khilaafkan huriyay,waxaanu shaki la,aan isku qancinay,in asbaabta wakhtigan loo doonayo, in laga dhigo,maamuuska xayuubinta gudoomiyaha golaha wakiilada,waxaanu u aragnaa,inay cadowga jamuuiyadda Somaliland,gudheena ka hirgelinayaan xeelad ay dowladnimada dalka kala mid dhigayaan,dowlad ku sheegta Somaliya,gudoomiyeheeda baarlamaanka kolba koox yari gacanta u taagayso,ee xilka laga xayuubinayo,islamarkaana ay maalinba nin madaxweyne ah ay kursiga cod baarlamaan ay kaga tuurayaan,taasoo deganaansho la,aan siyaasadeed inoo horseedeysa,

Waxaanu qabnaa inuu goluhu xaq u leeyahay una madaxbanaan yahay dejinta xeer hoosaadkiisa,iyaga ooxeer hoosaadka golaha wakiiladu ku xardhi karo,tirocusub oo lagu ridayo labada gudoomiye ku xigeen,

Ujeedada labaadna waxay noqon kartaa,in uu gudoomiyaha wakiiladu habrado, oo uu noqdo nin markasta ka baqanaya, in mansabkiisa gudoomiyanimo saacad keliya ay 42 mudane soo saxeexaan oo ay ka tuuraan kursiga.sidaasi waxay horeedeysaa deganaansho la,aan siyaasadeed iyo xassilooni darro ggud.

Waxaan qabnaa inay cadowga Somaliland doonayaan inuu gudoomiyaha wakiilado uu ahaado shaqsi aan awood u lahayn inuu dheelitiro waaxada xukuumadda,inuu ahaado shaqsi aan khiyaamo qaran kusoo oogo haddii uu madaxweynaha jamh.dalkiisa khiyaameeyo. Sinaba.

Gunaanad

Ergada aqoonyahanada ahi waxay gudoomiyaha wakiilada iyo labada gudoomiye ku xigeen iyo dhammaan xubnaha golaha wakiiladaba soo jeedinayaan,qodobadan dhexdhexaadinta ah

1)       In dhammaan mooshinaddii golahala hor keenay iyo kuwii kusoo foolahaaba la wada joojiyo,

2)       In  la hor keeno mooshin cusub,kaasoo sheegaya,in maamuus ka xayuubintii labada gudoomiye ku xigeen laga dhigaya 55 cod.

3)       Ergadu waxay si adag u diidan tahay,inay waaxda xukuumaddu faragelin ku sameyso howlaha waaxda sharcidejinta,

Waxa kale oo ay ergadu kazoo horjeeddaa,in kursiga gudoomiyaha wakiilada maamuus ka xayuubintiisa 42 Cod Laga Dhigayo,qodobkaasoomeesha ka saaraya,isdheelitirkii dhinaca awoodaha ee waaxaha baarlamaanka iyo xukuumadda,iyo weliba sababihii golaha wakiilada looguyagleelay shirkii Borame ee 1993dii ee sharci ku ilaalinta waaxda xukuumadda ahaydba,islamarkaana inuu qaranka Somaliland cimri dheer yeesho caqabad ku noqon doonto kadibna laga dhaxli doono kelitalisnimo,khilaafaad,colaado sokeeye  iyo ugu dambeynta qaran burbur xun.

 

Magacyada Ergada Aqoonyahanada ah

 

  1. Cali Dool Axmed Taariikhyahan ahna afhayeenka ergada
  2. Xassan Cumar Xaggaa,
  3. Aadan Suldaan Cabdiraxmaan-garyaqaan
  4. Maxamed Axmed Suldaan
  5. Naasir Cabdi Odawaa
  6. Maxamed Aadan Dubbe
  7. Farxaan M.Jmaamac

..