Jawigii Siyaasadee Is-Raacii ka dib W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
93

1Xubnaha Baarlamaanka labda dhinca ee Somaliland iyo Soomaaliy oo ka koobnaa 123 xubnood, oo kala ahaa 33 xubood oo reer Somaliland ahaa,. Halka reer soomaaliy ayaahyeen 90 xubnood. Xisbiyadad kala hogaamiyayey aqlabiyad ayaa waxay kala ahaayeen SYL oo soomaaliya aqlabiyad ku lahaa Baarlamaanka. Somaliland waxa aqlabiyad ku lahaa xisbigayada is-bahaystay ee SNL/USP oo haystay 32 xubnood. Maamulkii dalka ka talinayey wuxuu ku fashalimay inuu xakameeyo musuq-maasuuqii, eexdii, qabyaalladii iyo nin jeclaysi. Ka dib madaxdii ururada, aqoonyahanadii iyo bulshadii rayidka ayaa ku fikiray sidii loo bedeli lahaa xisbiga SYL ee talada dalka hogaaminyey.

Doorashaddii Baarlamaanka ee 1964-kii.

  • Ka hor intii aan la qabab doorashada ayey Maxamed X. Ibraahin Cigaal iyo Sh. Cali Jimcaale samaysteen  xisbi cusub oo lagu magacaabo SNC (Somali National Congress). Labadan siyaasi waxay ku heshiiyeen in Sh. Cali Jimcaale loo sharaxo jagada M/weynaha ka dibna Maxamed X. Ibraahin Cigaal Raysal wasaare loo magacaabo. Madaxda xisbiga SNC oo ka faa’idaysanaya kalsooni daradii ay shacabku ka muujiyeen dawaladii Aadan Cabbulle Cismaan ( Adan Cadde) iyo Raysal wasaare C/rashiid Cali Sharmaarke. Waxay ololahooda ku saleeyeen dhawr qodob oo wakhtigaasi caqabad ku ahaa dawlada, oo kala ahaa:
  • Shaqaalaha oo  qaab xaafadaysan lagu qaadan jiray, Waxa tixgelin ahna lama siin jirin aqoonta iyo waayo-aragnimada.
  • Hanitda ummadda oo si shakhsiyan ah jeebka loogu shuban jiray.
  • Qabyaalad qaawan oo toos uga socotay xafiisyada dawalada.
  • Waxay soo bandhigi jireen mucaawimo la siiyey dawalda oo aan waxba loogu qabn bulshada.

Qoraaladan qaarkood waxa qoray jaraa’ido ka soo baxay adduunka oo dawladii Soomaaliya ee wakhtigaasi ugu yeedhi jiray inay tahay “ xabaashii mucaawanada”.  Xisbigii SNC wuxuu taageero weybn ka helay gobollada waqooyi (Somaliland). Markii la galay doorashadii Baarlamaanka sannadkii 1964-kii ayey kuraastii ugu badnayd ku guulaysteen xisbigii SYL, halka xisbigii SNC helay tiradii ugu badnayd gobollada waqooyi (Somaliland).

Dhismihii dawladdii C/risaaq X. Xuseen 1964-kii

Markii la so oaf-jaray doorashaddii Baarlamaanka waxa guddoomiy loo doortay Axmed Sheekh oo ahaa xubin laga soo doortay magaalada Berbera. m/weyne Aadan Cabdulle Cismaan (Adan Cadde) ayaa Raysal wasaare u magaacabay C/risaaq X. Xuseen, kuna bedelay C/rashiid Cali Sharmaarke.

Qorshihii dawladdii C/risaaq X. Xuseen

Dawladii C/risaaq way ka tayo fiicnayd tii C/rashiid markii hore, balse markii dambe ayey hoobad gashay. Qodobo dhawr ah ayaa qorshe u ahaa:

  • La dagaalka musuq maasuqa hadheeyey maamulkii dawlada iyo hayadaha madax banana.
  • In la dhiso dawald ka kooban aqoonyahano da’yar ah.
  • Waxay halku-dhig ka dhigatay” qofkii lunsada hal shilin, in isna la waayo, oo shaqada laga eryo”.
  • Waxa la eryey shaqaale fara badan oo mushar iska qaadan jiray, oo aan shaqaysn jirin.
  • Waxay dib-habayn ku samaysay siyaasaddii arrimaha dibada.

Cadaadiskii ay dawladdii C/risaaq saartay Somaliland (waqooyi)

Dawaldani kumay guulaysan inay fuliso qorshihii ay hore u dejisatay, balse waxa ka horyimid qaar kale o oculus. Caqabadaha ugu waaweyni waxay ahaayeen:

  • Waxa soo if-baxay inay dawladu cadaadis gaar ah saartay gobolada waqooyi ( Somaliland) iyagoo kaga aargoosanaysa taageerada ay siiyeen xisbigii SNC ee Maxamed X. Ibraahin Cigaal iyo Sh. Cali Jimcaale.
  • Ganacsigii dekeda Berbera ayaa cidhiidh la geliyey. Dhammaan ganacsatadii reer waqooyi (Somaliland) waxa khasab lagaga dhigay inay ruqsada ogolaanshaha ganacsiga u doontaan muqdisho.
  • Ganacsigii dalka ayaa u gacan galay shakhsiyaad gaar ah, oo xuurto ku qabsaday ( Monopoly).
  • Ardayda dhamaystay waxbarashad dugsiga sare ee reer waqooyi ( Somaliland) markay deeq waxbarasho doonaan muqdisho ayey tegi jireen, markaasa laga hormarin jiray reer koonfureed( soomaaliya). Deeqaha waxa inta badan qaadan jiray reer koonfureed.
  • Baasaboorada, waraaqaha caafimaadka iyo ruqsadaha dhammaan muqdisho ayaa laga bixin jiray.
  • Waxa la abaabiyey wasaaradii danaha soomaaliyeed ee taageeri jirtay ururadii gobonimo-doonka ahayd ee ka dhisnaa Jabuuti, NFD iyo Soomaali Galbeed. Shacabkii reer waqooyi (Somaliland) waxay ka niyad jabeen rajadii shanta soomaaliyeed.

Cali cabdi coomay

calicoomay@hotmail.com

Suxufi, qoraa ah.

B.A in journalism

Hargaysa, Somaliland

Xigasho:

Taariikhda Ummadda Soomaaliyeed…………. Cali Jaamac Qalinle

British Protectorate Office………………………….Unpublished Paper