Bahweynta SOMALI PEN Oo Hambalyo U Diraya Wasiir Aadan iyo Dr Muha Jire

0
84

hambalyo-meher1Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale, Farduus Siciid Dirir Guddoomiye ku-xigeenka Somali Pen, Siciid Maxamuud Gahayr, Khaalid Jaamac Qodax, Abwaan Axmed Aw Geeddi, Marwo Sacdiya Muuse Axmed, iyo dhammaan xubnaha naadiga Hal-abuurka iyo Qalinleyda Somali PEN waxa ay hambalyo u dirayaan

Aadan Xasan Aadan (Beleloo), Wasiirka Dhaqanka, Warfaafinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Dr Muha Daahir Faarax Jire oo dhawaan meherkoodu ka dhacay caasimadda Jabuuti.. Waxa ay leeyihiin noqda reerkii lagu nasto ee lagu negaado, baarakaallahu lakum, wabaaraka calaykum, wajamaca baynakumaa bilkhayr aw filkhayr..

 

Aamiin… Aamiin…