Wasiiraddii Sanaag ku maqnaa oo qabyo kaga yimi hawshii ay u tageen

0
125

Hargeysa(Waaheen) shan wasiir oo Gobolka Sanaag  u tagay hawlo dhinaca Ciidanka ah ayaa shalay Dalka ku soo laabtay kadib markii ay dhamaan weyday hawshii ay halkaas u tageen oo qodaxda laga gurayo.

Wasiiradda Gobolka Sanaag ka soo laabtay oo kala ahaa Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiiru-dawlaha Maaliyadda, Wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo Tamarta, wasiiru-dawlaha Waxbarashada ayaa soo noqday kadib markii carqalad kala kulmeen Ciidan beeleed ay doonayeen in ay ku qaybiyaan ciidamo kale oo Gobolka ku sugan.

Warar hoose oo aanu ka helnay Gobolka Sanaag ayaa sheegaya markii ay is mari waayeen Ciidan Beeleedka iyo Wasiiraddu in loo qabtay muddo sadex Cisho ah in ay jawaab ku keenaan, isla markaana ay ka soo daba diraan Wasiiradda.

Wasiiradda ayaan ka hadal hawsha ay qabyada kaga yimaadeen, hase yeeshee waxa la filayaa marka ay jawaab ka helaan in ay go’aan qaadan doonaan, kaasoo aan la saadaalin Karin nooca uu noqon doono.