Mawqifka difaacayaasha xuquuqda aadamiga somaliland ee marxalada dalku marayo iyo qalalaasaha golaha wakiilada somaliland

0
125

Damiirka Aadaminimo iyo kan muwaadinimo ayaa nagu khasbaya in aanu u soo bandhigno Madaxwaynaha, Mudanayaasha Golayaasha Sharci Dajinta iyo Shacabka Somaliland xogaha qarsoon ee ku lamaan qalaasaha ka oogan aqalka hoose ee baarlamaanka Somaliland.

Anagoo ah Difaacayaasha Madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland oo ka kooban qaybaha kala duwan ee ururada bulshada oo ka dhisan guud ahaan gobolada dalka Somaliland.

Anagoo si taxadar badan leh ula socona guud ahaan dhacdooyinka dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee dalkeena gudihiisa iyo dibadiisaba ka, isla markaana xogogaal u ah xaalada iyo duruufaha u gaarka ah ee dalkeenu uu la nool yahay dhinaca xidhiidhka caalamiga ah ee hoos taga nidaamka Qaramada Midoobay iyo kuwa qaaradeed ama goboleed (AU, IGAD).

Kuna baraarugsan marxalada haatan dalkeenu marayo, qabyada jirta iyo wuxuu daaran yahay qalalaasaha ka oogan Aqalka Hoose Ee Sharci Dajinta.

Difaacayaasha xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay si xoogan uga walaacsan yihiin in ay ogaadaan ilaa xad heerka Khatarta badan leh ee Qalalaasaha Golaha Wakiilada Somaliland uu si toos ah ugu gaystay mustaqbalka iyo danaha qaran ee dalka Somaliland. Taasi oo ah tan maanta aanu qaylo dhaantan u jeedinayno. Natiijooyinka uga soo baxay baadhitaano ay sameeyeen Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa aanu ku ogaanay in Qalalaasaha Wakiiladu in uu ka gun dheer yahay mid ku kooban tartan dhinaca awooda ah oo u dhexeeya Axsaabta Qaranka

BILOWGA QALALAASAHA WAKIILADA IYO WAREEGII 5AAD EE WADAHADALA SOMALILAND & SOMALIA

Dhinaca Somaliand dhawr arimood ayay kaga kaga duwanaayeen wadahadaladii ugu dambeeyay ee magaalada Istanbul ku dhexmaray ergooyin ka kala socday Somaliland iyo Somalia 16-19 Janaury 2014. Ergada Somaliland waxa aan la soconin Madaxda 2da Xisbi Mucaarid, dhinaca kale xubnaha Ergada Somaliland oo ay ka wada muuqdeen beelaha Somaliland ayaa dhinacyada farsamada iyo diyaargarowgaba ka horumarsanayd marka loo eego wareegyadii hore.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland waxanu aaminsan nahay in Wadahadalada Somalia iyo Somaliland ay la mid yihiin Wadahadaladii badhtamihii sanadkii 1959 magaalada London ku dhexmaray Boqortooyada Ingiriiska iyo Ergo ka socotay Maxmiyadii Ingiriiska ee Somaliland Protectrate ku waasi oo kala ahaa – RABI NAXARIISTIISA JANO HAKA WARAABIYO DHAMAANTOODE:

Mohamed Ibrahim Egal, Garad Ali Garad Jama, Ahmed Hajji Duale (Keyse), Hajji Ibrahim Nur, U fiirso ergadaasi waxay ka koobnaayeen dhamaan beelaha wada dega dalkeena. Ergadan oo London u tagay in ay soo dhiraandhiriyaan Xoriyad Maxmiyada ka hesho gumaysigii Ingriiska, way ku soo guulaysteen.

55 Sanadood kadib Duruufo aan laga sheekayn karin kadib waxa haatan socda Wadahadalo Siyaasi ah oo la miisaan ah Wadahadaladii sababay xoriyadii ay Somaliland ka heshay boqortooyada Ingiriiska.

BALSE NASIIBDARADA INAGU DHACDAY AYAA AH: In wareegii ugu dambeeyay markii uu ka socday Istanbul ergooyinkii Somalia iyo Somalialnd oo miiskii wadahadalka wada fadhiya in Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI uu soo hor dhigay golaha mooshin dhabarka lagaga tooganayo xubno ka mid ah Ergada u matalaysay Umada Somaliland wadahadalada ujeedkoodu yahay Xidhiidhka Mustaqbalka ee Somaliland iyo Somalia ay wada yeelan doonaan. Gudoomiye K/xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland Darwiish Mudane Baashe Maxamed Farax oo ka mid ahaa xubnaha ugu miisaanka culus ergada Somaliland dhinaca wadajirka iyo midnimada beelaha Somaliland ayuu Gudoomiye Ciro mooshin lagu sadqaynayo golaha wakiilada duuduub kaga ansixiyay.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland waxay u arkaan talaabadaasi Gudoomiyaha Wakiilada iyo Xisbiga WADANI Falaadh uu la bartilmaameeday Aayaha iyo mustaqbalka Qaranimada Somaliland. Anaga (Bulshada rayidka ah ee Somaliland) waxa aanu si xoogan u aaminsanahay miisaanka culus ee

Gudoomiye K/xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland Mudane/Darwiish Baashe Maxamed Farax ay u lahayd ergada Somaliland taasi oo la mid ah MIISAANKII iyo DOORKII Rabi naxariistiisa jano haka waraabiyee Marxuunkii/Darwiish Garad Ali Garad Jama, uu ku lahaa ergadii 54 sano ka hor bishii May 1960 Mustacmarkii Ingiriis wadahadaladii xoriyada Somaliland ku yeelatay magaalada London .

Dhinaca kale, Ergadii ka socotay Xukuumada Federaalka Somalia iyagoo miiskii wadahadalada fadhiya ayaa Dawlada Federaalka Somalia xilal cusub u magacowday qaar ka mid ah ergadoodii oo labo (2) ka mid ah u magacaabeen xilal wasiiro ah. Halka xubno ergada Somaliland kuwii ugu Miisaanka culus aa golaheena wakiiladu ay dhabarka ka tooganayeen.

Talaabadaasi Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland waxay u arkaan fariin nacayb ah oo Gudoomiyaha Wakiilada Somaliland ku kala fogaynayo bulshada wada leh Qarankan isla markaana uu ku mijo xaabinayo wadajirka is aaminka shacabka iyo beelaha Somaliland wada dega.

Xogta taasi ka sii yaab badan ee aanu shacabka u sheegayno ayaa ah mid ka dhexmuuqata wax ka bedelka xeer hoosaadka iyo isku shaadhaynta gudi hoosaadyada Golaha Wakiilada Somaliland, Gudoomiyaha Wakiilada Somaliland wuxuu u magacaabay gudiyada ugu miisaanka culus gudihoosaadyada Wakiilada,gaar ahaan gudoomiyaha gudida joogtada ah Xildhibaan Mahdi Buubaa oo la dhashay Ismail Buubaa oo ka mid ah Ashkhaasta farokutiriska ah ee Dalka iyo Umada iyo Distoorka Somalilandba KHIYAAMEEYAY hadh iyo habeena DHAGARAHA u soo maleegaya.

DHAQAN KU CUSUB DALKA

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland waxay xogogaal u noqdeen rag Muqdisho dhexdeedana todobaado ka hor kaga jiray olole ay ku rabaan xilal in ay u magacawdo Xukuumada Federaalka Somalia, markii ay ku soo hugoobeena maalmahan u dambeeyay Caasimada Somaliland Shirar Jaraa’id ku qabanayay oo ku goodiyay in dhiig sokeeyo ay ku daadan doono.

Falalka noocaasi ah dhaliisheeda waxa iska leh Xukuumada Madaxwayne Siilanyo gaar ahaan Wasaarada Arimaha Gudaha iyo hay’adaha sharci fulinta.

Sidoo kale Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland waxay bulshada caalamka iyo dalalka ka taageera dimuquraadiyada dalkayaga Somaliland in caqabada ugu wayn ee soo foodsaartay haatan geedi socodka nidaamka dimuquraadiyada Somaliland ay ka mid yihiin Rag beelaha dhexe ee Somaliland u yaqaanaan Mujaahidiin kana mid ah koox la baxday Madasha WadaTashiga iyo Toosinta Qaranka kuwaasi oo sida difaacayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland ku diiwaangaliyeen dhagaysiyo dacwado argagixiso oo Maxkamadaha Somaliland ka garnaqayeen oo lagu soo bandhigay cadaymo

muujinaya shir qarsoodi ah oo dhexmaray Ibraahim Dhagawayne iyo wakiilo dhinaca Mirataniga ah oo ka tirsan Xarakada Alshabaab ujeedkooduna ahaa Inqilaab lagu afgabiyayo xukuumadii tan maanta jirta ka horaysay oo shacabka Somaliland si dimuquraadidga ah ay u soo doorteen.

Waxa kale oo aan la yaraysan karin soo galitaanka Siyaasada Somaliland ay ku soo biireen kooxo ka mid ahaa Maxaakiimtii Islaamiga ahaa ee sanadkii 2006 qabsaday koonfurta iyo badhtamaha Somaliland, xogtan oo aanu ka soo xiganay warbixin ay qoreen koox ka tirsan Kormeerayaasha Caalamiga ah ee Doorashadii ugu dambaysay ee Golaha Deegaanka Somaliland kuwaasi oo kormeer hordhac ah oo ay ku qiimaynayeen diyaargarow doorashadaasi ku yimi Somaliland ka hor doorashadii golayaasha Deegaanka ee dabayaaqadii sanadkii hore dalka ka qabsoontay.

Warbixintaasi waxay hoosta ka xariiqday in urur siyaasadeedkii kali ahaa ee islaamiga ahaa oo doorashii deegaanka ku hadhay uu la midoobay XISBIGA WADANI.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland ayaa diiwaangaliyay badhtamihii sanadkii 2006 ashkhaas iyo kooxo isugu jiray ururada diinta ee xagjirka ah iyo hogaamiye dhaqameedyo ay samaysteen ayaa dalka ka waday dhaqdhaqaaqyo xoog u abaabulan oo ku baaqaya in isku xukunka shareecada islaamka lagaga dhaqmo Somaliland dadkaasi oo shirar abaabulan u qabanayay beelaha Somalialnd dalka ka kiciyay duufaano lagu khalkhalinayo nidaamka kala dambaynta iyo distoorka Dimuqraadiga ah ayaa haatan ka mid ah Xisbiga WADANI.

SAAMAYNTA XUN EE NIDAAMKA DAWLADNIMO DOORASHOOYINKA UU KU LEEYAHAY KHILAAFKA XISBIGA KULMIYE DHEXDIISU

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland waxay u arkaan mushkilad qaran khilaafka ka jira gudaha xisbul xaakimka Somaliland ee KULMIYE ilaa xad waxanu dareensanahay in khilaafka Xisbiga KULMIYE uu caqab wayn ku yahay socodsiinta hawlaha qaran ee ay Xukuumada dalku qaranka u hayso iyadoo dalku marayo marxalad xaasaasi ah oo u baahan in nidaamka dawladnimo uu si buuxda u shaqeeyo ayaa khilaafka KULMIYE oo gaadha in uu markasta dibada iyo warbaahinta u soo baxo taasi oo curyaamin karta habsami u socodka hawlaha qaranka.

Sidoo kale waxa uu gaadhay in uu markii ugu horaysay Khilaafka Xisbiga KULMIYE fursado siiyo cadowga Somaliland iyo in Wakiiladii Somaliland meel mariyaan Mooshino dhabarjab ku ah qaranimada Somaliland.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland waxay ugu baaqayaan Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mud. Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxwaynaha Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siilaanyo” in ay sida ugu dhaqsaha badan u

qaadaan talaabooyin degdeg ah oo lagu soo afjarayo Khilaafka Xisbiga KULMIYE ragaadiyay oo haddii xal kama dambays ah ay u heli waayaan saamayn fool xun ku leh qaranka Somaliland.

DIIWAANGALINTA MUWAADINIINTA IYO TAN CODBIXIYAYAASHU LABO ISKU CADOW AH.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland oo ka faaiidaysanaya waayo aragnimadii Somaliland ka heshay diiwaangalintii muwaadinimada iyo tii codbixiyayaasha oo hore hal mar looga wada qabtay dalkeena taasi oo fashilaad ku dhamaatay.

Isla markaasina anagoo og muhiimada aan la qiyaasi karin oo ay dalka Somaliland u leedahay sugida diiwaangalinta muwaadiniinta u dhalatay dalka oo si habsami ah u qabsoonta kana wada hirgasha dhamaan deegaanada Jamhuuriyada Somaliland.

Xogogaalna u ah Kaalinta wax ku oolka ah ee suurtogalinta diiwaangalinta muwaadiniinta Somaliland ay u leedahay dhinacyada dhaqaalaha, amaanka iyo horumarka arimaha bulshada caafimaadka, waxbarashada iyo maalgashiga

Waxanu ugu baaqaynaa Xukuumada Somaliland, Xisbiyada Siyaasada, Dalalka iyo Ururada caalamiga ah ee inaga taageera hawshan, golayaasha qaranka iyo dhamaan muwaadiniinta Somaliland in loo hawlgalo sidii ay u kala madaxbanaan lahaayeen Diiwaangalinta Muwaadiniinta iyo Diiwaangalinta Codbixiyayaashu, oo haddii hal mar la wada qabto sida ay dhawaan dhinacyada arimahani khuseeyaan ku heshiiyeen aan lagu guulaysan doonin in la sameeyo diiwaangalimo sax ah oo muwaadinimo iyo mid codbixiyeyaal.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland waxay waxay rumaysan yihiin in Axsaabta Siyaasada Somaliland aanay danaynaynin Ahmiyad Culus ee diiwaangalinta Muwaadiniintu u leedahay dalka iyo dadka Somaliland balse taasi lidigeeda ay danaynayaan kaliya sidii doorsho ay talada dalka ugula wareegi lahaayeen.

Hadii hal mar la wada qabto Diiwaangalinta Muwaadiniinta iyo tan Codbixiyayaasha Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyada Somaliland waxay ka digayaan in natiijo la aamini karo oo saxi ahi ka soo baxaynin sababtoo ah waxanu aaminsahay in xamaasad iyo olole gobalaysi, deegaan iyo mid qabyaaladeedba xisbiyada Siyaasada Somaliland galin doonaan hawshaasi sidaana tacab wakhti iyo miisaaniyad badani kaga khasaari doonto Qaranka Somaliland.

Suleiman ismail Bolaleh

Afhayeenka Difaacayaasha Madaxabanaan Ee Xuquuqda Aadamiga Somaliland

MAGACAYDA URURADA AYIDAY

1. Horn of Africa Human Rights Watch Committee (HORNWATCH)

2. Activist Network for Disabled Persons (ANDP)

3. Ubah Social Welfare Organization (USWO)

4. Disable Children Association (DCA)

5. Somaliland Youth Voluntary Organization (SOYVO)

6. Barako Women Organization (BARAKO)

7. United Togdheer Women Umbrella (UNITA)

8. Togdheer Youth Voluntary Organization (TOGOYOVO)

9. Naaso-Hablood Handicap Association (NAHA)

10. Daami Youth Development Organization (DAYDO)

11. Welfare Tumaal Organization (WAAB)

12. Tumaal Development Foundation (TDF)

13. Women Minority Organization (ISIR)

14. Somaliland Culture and Sport Association (SOCSA)

15. Somaliland Journalist Association (SOLJA)

16. Community concern Somalis (CCS)

17. Saaxil Handicap Organisation (SHO)

18. Voluntary Youth Organization (VAYS)

19. Berbera Marine University

20. University of Burao

21. University of Erigavo

22. Golis University

23. Admas University

24. Alkownin Women Voluntary Organization (ALKOWNIN)

25. Agriculture Rehabilitation and Women in Development (ARWO)

26. Association for the Somaliland Women’s Advancement (ASWA)

27. Aw Barkhadle Women Development Organization (AWDO)

28. Ayaan Women’s Development Association (AYAAN)

29. Barwaaqo Lakulan Women Association (BAKWA)

30. Barwaqo Voluntary Organization (BVO)

31. Candlelight for Health and Education (CLHE)

32. Committee for Concerned Somalis (CCS)

33. Dareen Rural Relief & Development (DAREEN)

34. Dulmar for Women’s Development Advocacy and Peace (DULMAR)

35. Female-Headed Households Association (FEDHA)

36. Hanad Women’s Welfare Association (HWWA)

37. Hargeisa Voluntary Youth Committee (HAVAYOCO)

38. Hargeisa Women’s Group (HAWO-GROUP)

39. Hargeisa Women on Focus Organization (HAWFO)

40. Mother Land Rescue Group (MRG)

41. Lama-Huraan Women’s Association (LMWA)

42. Somaliland Women’s organization (SOLWO)

43. Somaliland War Widow Organization (SWWO)

44. Somaliland Women’s Development Association (SOWDA)

45. Somaliland Women’s Research and Action Group (SOWRAG)

46. Somaliland for Progress, Advocacy and Peace (SOWPO)

47. Somaliland Young Women’s Association (SOYWA)

48. Tawakal Women & Children’s Organization (TAWAKAL)

49. Voluntary National Youth Organization (VONYO)

50. Women’s Action for Advocacy and Development Association (WADA)

51. Women’s Rehabilitation and Development Association (WORDA)

52. Women Inter-Action Group (WIAG)

53. Women’s Action Advocacy and Progress Organization (WAAPO)

54. Somaliland Handicap Association (SHA)

55. Nasa-Hablod Handicap Association (NAHA)

56. Hargeisa Youth Development Association (HADYA)

57. Hargeisa Deaf School (HDS)

58. Activist Network for Disabled Persons (ANDP)

59. Orthohope Rehabilitation Center (ORC)

60. Hargeisa School For Special Needs (HSSN)

61. Hargeisa Handicap Association (HHA)

62. Tawakal Women’s Association (TAWAKAL)

63. Hargeisa Handicap Women (HHW)

64. Somaliland Blind Society (HABS)

65. Somaliland Red Crescent Society (SRCS)

66. Borama Deaf and Blind School (BD&BS

67. Sahil Handicap Organization (SHO)

68. Tawakal Lifeline Organization (TLO)

69. Erigavo Handicap Organization (EHO)

70. Las-anod Handicap Association (LHA)

71. Somaliland Catholic Church (SCC)

72. Somaliland Non State Actors (SONSAF)