Golaha wakiiladda oo Guurtidda ka dalbaday in ay u fursad u siiyaan labada garab wadahadalka koowaad

0
87

Waxay iska soo dhex saareen laba Guddi oo ka kala socda labada kooxood ee ay isku hayaan

Hargeysa(Waaheen) labada garab ee Golaha wakiiladda oo laba guddi u saaray xalka khilaafkooda ka dhashay Xeer hoosaadkooda ayaa Ergadii dhex dhexaadinta ee Golaha Guurtidda ka dalbaday in kulankooda koowaad fursad loo siiyo in ay toos u wadahadlaan Odayaashuna dusha kala socdaan.

Kulan maanta shirguddoonka iyo labada Guddi ku yeesheen Golaha wakiiladda ayaa la iskula qaatay kulankooda koowaad oo berry dhici doona in loo kala baxo labadooda guddi si ay iskula soo dhaweeyaan wixii caqabad ah ee ay isla meel dhigi karaan, haddii ay xaliyi kari waayaana u bandhigaan Guurtidda.

Kulanka Berri ayaa la filayaa in labada Guddi ee labada dhinac ka kala socotaa miiska soo dhigi doonaan qoddobada ay isku hayaan isla markaana qolo kastaa waxay dhinaceeda u sharixi doontaa Doodeeda iyagoo u eegi doona Xeer hoosaadkoodii hore iyo ka cusub ee khilaafku ka dhashay wixii ay ku saxayaan khilaafka dhex yaala.

Lama oga labada kooxood mid ka uu ajandahoodu guulaysan doono hase yeeshee waxay u muuqataa in ay muujin doonaan xilkasnimo ay kaga maarmaan faragalin iyo dhex dhexaadin kaga timaada Dibeda.