Al-shabaab ku dhimatay gaadhi ay walxo qarxa ku cabaynayeen oo ku qarxay iyo sarkaal Nabad-sugida ah oo ay qarax la beegsadeen

0
80

Buula-Barte (Waaheen) – Saraakiil ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa ku dhintay Qarax ka dhacay Degmada Buula-barte ee Gobolka Hiiraan.

Gaadhi ay Maleeshiyada Kooxda Al-Shabaab ku rarayeen Walxaha Qaraxa oo ahaa Gawaadhida Nooca Raaxada ayaa ku Qarxay xaafadda Oktoobar ee degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan.

Dad Goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in halkaasi ay ku dhinteen Maleeshiyaad farabadan oo ka tirsan Al-shabaab islmarkaana ay ku jireen Horjoogayaal Hoose.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in Dadka Dhintay ay gaadhayaan 11-Ruux, Tobon kamid ahna ay ahaayeen Maleeshiyadii Qaraxa abaabulaysey. Sidoo kale waxaa Goobta ku dhaawacmay ugu yaraan 8 kale.

Waxaana Qaraxa ka dib Goobta soo gaadhay Maleeshiyaad badan oo ka tirsan Kooxda Al-shabaab islamarkaana Dadka u diiday in ay soo eegaan Goobta shalay Qaraxu uu ka dhacay.

Magaalada Buulo-burte ee uu qaraxu ka dhacay ayaa wali ku jirta gacanta kooxda Al-Shabaab, mana aha mid Cusub in Qarax ay Maleegayeen Maleeshiyada Al-shabaab uu ku Qarxo.

Dhinaca kale, Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa lala eegtay Gaadhiga Axmed Cumar Mudane oo ah Guddoomiye kuxigeenka dhanka Ammaanka ee Gobalka Shabeellaha Hoose,waxaan la sheegay in Gudoomiyaha uu dhaawaca kasoo gaadhay qaraxaasi.

Qaraxa ayaa ahaa mid lagu xidhay Gaadhiga uu watay Axmed Cumar Maxamed Mudane, kaasi oo ka dhacay Agagaarka Daarta Tareebiyaano, gaar ahaan Hotel Ambassador hortiisa ee Wadada Makka Al Mukarama.

Dhaawac Gudoomiyaha oo la sheegayo inuu yahay mid Culus, ayaa la dhigay Isbitaalka Madina. Ma jirto Cid sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxa, hase ahaayee Al shabab ayaa Weerarada Noocan oo kale ka geysata dalka. Illaa 4 Qof oo kale oo Goobta marayay ayaa ku dhaawacmay Qaraxa, sida ay Wararku sheegayaan.