War deg deg ah: Dagaal gacan Ka hadal ah oo dhex maray xildhibaano iyo ergadii guurtida ahayd oo soo dhex gashay golaha.

0
105

Breaking_NewsUgu yaraan afar Xildhibaan oo Ka tirsan Golaha wakiiladda oo kala ah Cali bare, Jaamac, c/raxmaan xoog iyo daleebaan Yuusuf Cali koore ayaa isku fara muruxsaday kadib markii golaha sawaxan iyo buuq Ka bilaabmay, hase yeeshee xildhibaanada kale ayaa markiiba kala dhex galay oo kala qabtay.

Xildhibaanada ayaa ka soo kala jeeda labada garab ee isku khilaafsan awooda golaha, waxaana imika degan xaaladda, iyadoo ergadii guurtidda ahaydna soo horfadhiisatay golaha.

Illaa hada wax hadal ahi muu bilaabmin, waxaanay u muuqataa heshiis la sheegayo in labada dhinac laga dhex dhaliyey in la isla soo jilcinayo qaabkii golaweynaha loo soo dhex dhigi lshaa.

Labada guddoomiye ku-xigeen ayaa soo galay golaweynaha, hase yeeshee waxa wali la sugayaa guddoomiye cirro oo xafiiskiisa ku jira.

Cod-baahiyaha golaha yaala ayaa laga sheegayaa in ciidan booliis ah oo mararka buuqu dhasho soo galayaa in ay na baxaan.

Golaha ayaa dib u dhacay waxaanay saacadu ku sii siqaysaa xiligii ay mudanayaashu ka rawixi jireen, hase yeeshee xaaladu maanta way ka duwan tahoo waxay u muuqataa ilaa xal la gaadho oo golaha laga sheego inaan laga dareeri doonin fadhiga.

Maanta waxa dhamaad ah Kal fadhigii 23aad ee Golaha Wakiilada kaas oo xidhmi lahaa balse khilaafka jira dardii iyo mooshinada yaala ee lagu dalbanayo in bil dib loo dhigo ayaan la garanayn dhinaca uu u dhici doono.