TANINA WAA DARXUMO KUU MAQNAYD DHEH-XVI

0
115

Markay xukuumaddeenii ku fashilantay xil-gudhashadii qaran ee loo igmaday; Markay xukuumaddeeni awoodi kari weydey sii ambaqaado heerkii dalku marayey maalintay xilka la wareegtay; 

 
Markay xukuumaddeenii ku guuldarraysatay in ay jawaab ka bixiso hanjabaadaha iyo farogelinta koonfurta Soomaaliya oy kow ka tahay maamul goboleedka Majerteeniya ee uu horboodayo Cali Gaas;
 
Markay caddaatay in wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland ka dhexeeyey ku dambeeyeen natiijo la’aan;
Markay xukuumaddeenii yaqiinsatay in ay lumisay kalsoonidii ummaddii codkeeda u hibaysey; markay ogaatay in aanay sinaba ugu sii negaanayn talada dalka haddii maanta loo dareero doorasho xalaalana; 
 
 Markay xukuumaddii Kulmiye aragtay muddo xileedeedii oo gabaabsi ah kana cago-jiidaysa dhammaystirka xeerarka doorashada qabyada ka ah sida Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo xeer isku miisaama tirada kuraasta gobolada oo ku salaysan tirada wadarka codbixiyeyaasha dalka iyo gobol waliba inta uu ka helo;
 
Iyo marka aynu aragno hantidii ma guurtada ahayd iyo daxalkii ummadda ee bad iyo berriba ku jirtay oo laga xaraashayo shirkado ajnebi ah, dhegahana ka furaysatay xukuumaddu in ay Golaha Wakiilada horkeento Heshiisyada ay shirkadaha shisheeye la gashay.
 
Haddaba iyadoo taladii dalku docwalba ka baylahday, ayaa hawlmaalmeedkii xukuumadeena dabaday lama baano waxay ku soo ururtay oy awoodeedii isugu geysey xil ka xayuubinta Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Muxamed Cabdillaahi iyo waxka bedelka xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada ee dhowaan mudanayaashu ansixiyiin. Waxa xukuumadda Somaliland cod dheer iyo mid gaabanba loogu sheegayaa in ay xaaraantahay in cashuurta danyarta laaluush loo adeegsado halkii ummadda loogu adeegi lahaa. Kharashka sifahaa sharciga baalmarsan waxa ka haboon in baylahaha qaranka ee tirada beelay lagu fooga tiro waana arrin berri ka maalin laga xisaabtamay oo taariikhda gelidoonta.
Sida distoorka qaranka ku qeexan awoodaha iyo masuliyadaha hay’adaha xukuumaddu way kala xadeysanyihiin; golaha xukuumaduna xaq uma laha in uu farageliyo xeer hoosaadka labada hay’adooda kale (Sharci dejinta iyo Garsoorka).
Golaha wakiiladu waxay ku fadhiyaan codkii ummadda sida madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa. 
 
Talo maroorsi iyo amar ku taaglaynina dalka Somaliland ka hirgelimayso. Haddii ay xukuumaddu u tafaxadaytay in ay dib u soo cusboonaysiiso dakaalo sokeeye iyo majarhabow siyaasadeed iyana waa mid aan maanta suurtoobayn e’ dadkan taladii dalku u gacan-gashay naftooda runta ha u sheegaan oo maalmaha u hadhsan si sharaf leh ha ku joogaan.
 
Sifa xukuumaddu u dhaqmayso marnaba ugu suurto gelimayso muddo korodhsi si ay xilka ugu sii negaadaan.
 
Dhegihii Allah waaniyaa weedha kaa maqleey maba oga warkaa!!!
Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
February 9, 2014,