Garabka labada Guddoomiye ku-xigeen ee Golaha wakiiladda oo laba Mooshin arroorta Golaha keenaya iyo Guurtidda oo u muuqata in ay faro dhexdood ka baxayso

0
100

Hargeysa(Waaheen) Garabka labada Guddoomiye ku-xigeen ee Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa xalay isla qaatay in ay berri btrrtGolaha geeyaan laba Mooshin oo midkood yahay in Cirro tirade codka Xilka lagaga qaadi karo ay ka dhigaan 42 sidii dhawaan labada Ku-xigeen looa dhigay isla markaana ay labadii ku-xigeen Hab maamuska fadhiga shirguddoonka ku celiyaan iyo qoddobka kale oo ah in ay muddo Bil ah ku daraan Kalfadhigan si ay Guddoomiye Cirro xilka uga xayuubiyaan.

Go’aamadan ayaa caawa ka soo baxay fadhi ay ku yeesheen illaa dhawr iyo konton xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiiladda guriga Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici, kaasoo lagu lafa guray waxa laga yeelayo talaabada berri la qaadi doono.

Dhinaca kale, warar xogogaal ah ayaa Farriinnews.com u xaqiijiyey in Ergadii Glaha Guurtidda ee Golaweynaha Wakiiladda ka codsatay in ay kulanka manta dib ugu dhigaan ay ka baxayaan dhex dhexaadintii ay doonayeen in ay ka galaan Mooshinada ay isku baacsanayaan Golaha wakiiladdu, waxaana eeda ka bixitaankooda ay dusha u saarayaan Guddoomiye C/raxmaan Cirro oo shalay ka soo daba saaray go’aan uu shan xildhibaan kaga saarayo guddida joogtada ah taasoo sii cadho galisay kooxda ka soo horjeeda.

Isla shalayba waxa la sheegay Garabka Cirro ka soo horjeedaa in ay la kulmeen mudanayaashii iyo guddoomiye ku-xigeenak Golaha Guurtidda ee ka codsaday dhex dhexaadinta waxaanay u gudbiyeen Dacwad ka dhan ah Cirro oo ay kaga dalbadeen Ergada in uu Cirro ka noqdo talaabada uu shanta Xildhibaan kula kacay.

Guurtidda ayaa la sheegay in ay isla shalayba Cirro ka dalbadeen inuu ka noqdo talaabada haddii uu doonayo dhex dhexaadinta in ay galaan, balse illaa hada Guddoomiye Cirro kamuu noqon go’aankiisii, taasina waxay u muuqataa in ay sabab u noqon karto Guurtiddu in ay berri ku dhawaaqi doonto in ay ka baxday Dhex dhexaadintii.

Si kasta ha ahaatee waxa berri la filayaa in Mooshinadii dib u istaadhmaan.