Wasiiradda Madaxtooyadda iyo Arrimaha gudaha oo Qaadhaan bixiyayaasha gaar ula kulmay

0
98

Hargeysa(Waaheen) Wasiiradda wasaaradaha Arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade xirsiyo Madaxtooyadda Xirsi Cali X Xasan ayaa shalay qasriga Madaxtooyadda kula kulmay qaadhaan bixiyayaasha Somaliland ka taageera Doorashooyinka, kuwaas oo xilligan ku mashquulsan Diiwaan gelinta Cod bixiyayaasha.

Kulanka labada dhinac wada yeesheen ayaan wax war ah oo faahfaahsan laga helin, hase yeeshee waaheen oo diirada ku haysay maalmahanba dhaqdhaqaaqa la xidhiidha labada Mashruuc ee Diiwaangelinta Madaniga ah iyo ta Cod bixiyayaasha ayay ilo wareedyo u dhuun daloolay kulankaasi u sheegeen in labada wasiir u bandhigeen sida ay xukuumadda uga go’antahay in la helo kaadhka muwaadinka inta aan la samayn Diiwaangelinta Cod bixiyayaasha.

Labada wasiir ayaa la sheegay in ay ku doodeen in ay muhiim tahay in Qaadhaan bixiyayaashu qabsadaan hawshooda haddii ay diyaar u yihiin balse waxa ay hor dhigeen in ay lagama maarmaan tahay xaqiijinta cida la siinayo kaadhka Cod bixintu inuu ahaado mid la aqoonsaday.

Kulanka Wasiiradda iyo Qaadhaan bixiyayaashu yeesheen aya adaba socday kulan ay axsaabta iyo Daneeyayaasha Doorashooyinku ku yeesheen xarunta Komishanka Doorashooyinka, kaasoo uu ka maqnaa Wasiirka Arrimaha gudaha oo la sheegay in lagu marti-qaaday.