Durba miyaad Ilawdeen?

0
152

durbaDaan-daansi badanaa,durbamm

Duhur kuu badheedhee,

Dib-u-rooti kuu dhigay,

Libta looma daayee,

Dacarsiga dhirbaaxada,

In ad kaga dambaysay,

Dooddani ku faraysaa.

 

Maansadii Dir-sooc ee Ibraahin-gadhle, 6/4/1990kii, Jiidihii hore ee halgankii hubeysnaa, 6/2/2014ka, Hargeysa,

 

cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com  

 

Ka-hadalka Wada-hadallada Kala-hadalka

 

Haa! Qabyadeennu badanaa, maxaan degel gufaynnaa. Haddana bogaggu igu soo yaraa. Hadda Khamiis kasta waa 1,000 ilaa 1,200 oo erey. Haddana wax baad qortay is-ma lihi, idinkuna is-ma lihidin. Ilaah baa mahadda leh. Wargeysyada iyo Mareegaha idiin soo xanbaara ayaa mudan. Milge iyo maammuusna akhristayaasha ayaa iska leh. Haa! Bal Intaasi waa nabar……Arar dadab-galkeedii.

 

Waa wada-hadallo laga khatoobay oo tan iyo Feeberweri 2012kii soo taxnaa. Waa la tagaa laga yimaaddaa. Wax naf lihi kama soo baxaan. Shirarka baadi-soocdan leh waxa la xusuustaa marka ay maalin ama laba ka hadhay. Sidii dhidar danab ku kacay ayaa dareen la’aan lagu hinqadaa. Wax diyaar-garow la yidhaahdaa ma dhaco, marka laga reebo kii ugu dambeeyay oo casharro-ku-sheeggii ay Addis-ababa ku qaadanayeen ay Akaademiga ama hay’ado badan oo kale oo waddani ahi ay siin karayeen. Taana war ayaa la inooga dhigay.

 

Doorkan waxay inagala dhammaan waayeen xasuuqii ayaanu nimankii Wanlo-weyn ka saxeexnay. Wuxu wefdigeennu ka hadlayaa waa wixii dhacay 1988kii. Iyaga xasuuqu waqtigaas ayuu ugu suntan yahay. Xilligaas ayuu uga bilaabmaa uguna dhammaadaa. Waa la isku laayaa oo la isku qabsadaa cidda wefdiga ka mid noqonaysa. Dano gaar ahaaneed ayaa loogu murmaa ee danteenna ma aha. Malahayga, tabta shirarkan Soomaalida ayay yidhaahdaan: “Wixii ay la yimaaddaan ayaynu wax ka odhanaynaa.” Mar-dhoofnimadana wax kaga dara iyo qoor-xidhka (neck-tie) qaadashadiisa oo inta badan ku cusub.

 

Soomaalidu ma ay lahaan jirin dhaqanka buug-qoraalka, bal se maanso ayay dhacdooyinka iyo maalmaha ku diiwaan-gelin jireen. Halkaas ayaa laga raadinayaa cabashadii iyo tabashadii ummaddan silica iyo saxariirka la baday.

 

26kii Juune 1960kii Somaliland ayaa xorowday. 1dii Juulay 1960kii Soomaaliya ayaa Talyaanigii ka xorowday, waxaana is-raacay labadii Gobol oo sameeyay Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed. Waxa geeddi loo ahaa sidii shanta Soomaaliyeed loo mideyn lahaa. Ujeeddada dhowi is-raac ama isku-dar ayay ahayd. Ujeeddada fog ayaa ahayd midnimo Soomaaliyeed oo shan gobol ama dal ka dhexeysay berigaa. Laaxin laga jari maayo. Waa iyadii oo kooban. Ereygan Midnimo ee la inagu dawikhiyay wuxu soo baxayaa waa sagaashannadan.

 

Aan ku noqonno maansooyinkii iyo heesihii oo dib u raacno xilliyadii tabashada iyo cabashadu bilaabantay. Xilliyadii duudsiga iyo dudduuca. Mar aan baadhayay maansooyinkii Timacadde 1976kii ayaan galay qolka keydka cajaladaha ee Radio Hargeysa. Cabdikariim Xaaji Ducaale ayaa xilligaa madax ka ahaa. Cajalad Timacadde ku duubnaa galkeeda ayaa waxa ku qornaa 8/8/1960kii. Waxa ku duubnaa Maansada Socdaal oo uu u tiriyay wefdi uu hoggaaminayay Dr. Cabdirashiid, Ra’iisal-wasaarihii xilligaas oo booqasho ku marayay Kalabaydh. Barnaamajkaa maalin Khamiis ahayd ayuu Xaaji Cabdi Ayuub sii daayay, waxaana la odhan jiray: “Wiiggan iyo Hargeysa”. Maansooyin Cabdi Iidaan Faarax lahaa ayaa iyaguna barnaamajkaa ku jiray.

 

8/8/1960kii maalin Isniineed ayay ahayd oo barnaamajka ayaa la duubay, Khamiistiina waa la sii daayay. Tuduc Timacadde lahaa oo ku jiray geeraarkaas ayaa ahaa:

 

 

“Dugsigii barlamaankiyo,

Dekeddii Xamar baa leh,

Berbera daadku ha qaado,

Doonniyi yaanay ku leexan,

Ha daadduumo dadkeedu,

Duqeydii \Barlamaankaay,

Danteennaa laba diiddaye,

Labadaa kala daaya oo,

Yaan loo daymo la’aan,”

 

 

38 maalmood ka dib markii la isku jiray, ayuu Timacadde oo aad soomaalinnimadiisa garanaysaan cid walibana qiiraysaa, geeraarkaa saluuggaa ah tirinayaa. Waqti yar ka dib ayay maansoyahankii ka hadlayaan tabashadii iyo cabashadii shacbigii reer Somaliland. Dhibta iyo xasuuqa maanta dadku ka hadlayaa waa dibudhac iyo dulmi tan iyo maalintaa soo taagnaa, soo taxnaa oo hadba isa soo tarayay. Cabdi Iidaan Faarax maansooyinkiisii xilligaa waxa ka mid ahaa tuducan. Waa markii Maandeeq dad gaar ahi oo nidaamkii millateriga ka horreeyay iska yeesheen, waxaanu yidhi:

 

 

“Cadho-legeddeydaa lagu sawiray, calanka hoostiisa,

Car yaa maalay oo loo liisoo, caawa garanaaya,”

 

Cali Sugulle Dun-carbeed, Riwaayaddiisii Indho-sarcaad ee 1961kii, hees ku jirtay waa kii lahaa:

 

“Walle ama calan jira oo caana baad ahaan,

Oo lagu cawaansayeey,

Ama calal maryaha la cayn ah baad ahaan,

Oo ciirsi weynayeey,

Caydhiin iyo bisayl mid uun ku caano-maal,”

 

Sidii Is-raacaas ama Isku-darkaas loogu hungoobay, waa kii Cabdillaahi Qarshe lahaa:

 

“Lixdankaan haybin jiray maxaa helay,”

 

Xuseen Aw Faarax waxaynu ka soo qaadan karnaa 1961kii:

 

Isku-darkii wuxuu yidhi:

 

 

“Inteennii kaloo maqan,

In aad Xamar is-raacdaan,

Haddaad isla ggolaateen,

Idinkoo itaal daran,

Waa la arki doonaa,

Irriddu way bannaantee,”

 

 

Heestan waxa jiib u ah: eedaadka soo maray, ummul baa illowdee, Allow sahal ummuurahan, adaa noo aqoonee. Hadda u fiirsada Xuseen Aw Faarax kama hadlin Midnimo ee ‘Isku-dar’ ayuu ka hadlay e’.

 

Saxardiid Maxamed, Jebiye waa kii isaguna lahaa:

 

 

 

 “Intaan gudin afaystaan,

  Laabatada is-gooyoo,

  Caqligayga guuroo,

  Galabsaday xumaantee,

  Wixii ila garaadoow,

  Gobannimo ha tuurina,”

 

Axmed Ismaaciil, Qaasim isaguna sow kii lahaa:

“Dubka midabka Soomaalidaad, dugulka mooddaaye,

 Misna laguma diirsado qalbiga, waa dirkii Karale,

 Ma dorraato raadkaan dhigaan, dib ugu soo laabtay,

 Sidii oon dayaysnahay miyaan, dawgi ka habaabay,”

Tan iyo maalintaa waa la heesayay….Waa la gabyayay…..Riwaayadaa la dhigayay. 1961kii isku-daygii inqilaab ee millateriga ayaa gobolladii woqooyi ka bilaabmay iyo dhacdooyin kale oo badnaa. Halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee SNM horseedka ka ahayd ee lagaga fal-celinayay xasuuqii nidaamkii Siyaad Barre ayaa ka dambeeyay.

Maanta xukuumaddeenna ugama fadhino shirar jaraa’id oo ay wasiirradu isku khilaafayaan oo midba meel ka fad-kudinayo. Mawaaqiif cad cad oo mabaadii waddaniya oo qarannimo ku fadhida ayaa laga rabaa. Sidee ayay shir ula geli karaan oo wax ula saxeexan karaan nimanka Xamar ka doobyaya ee xusaya: Xooggii Dalka, Ciidammadii Booliska iyo Nabad-sugiddii dadka Soomaaliyeed xasuuqay?  Adduunka miyaynu ku haynaa cid wixii xasuuqay wada-hadal la gasha oo wax la saxeexata? Maxay daarran tahay taasi? Nidaamka Xamar ka taliyaa miyaanu ahayn sii wadidda nidaamkii Siyaad Barre marka uu sharfayo ee qiimaynayo kuwii dal iyo dadba burburiyay ee dhiiillada Soomaaliyeed ee maanta taagan sababta u ahaa?

Mise, Cabdikariim, Wasiirka Amniga ee Dawladda Federaalka ah ayaynu ka siisannaa in uu innaga inoo dhigo Riwaayaddii Cunaaye oo inta uu hadba meel ka soo baxo ina yidhaahda: “Haddana way kan.” Dabbaal-degyada dooxatadii Xamar isaga ayaa fadhiya oo sharfaya, Istanbuulna isaga ayaa wefdigeennii amranaa hor fadhiya. Ma waxay odhan kari waayeen: Kuma ayaad ahayd? Mise tolow caynka uu u eg yahayba ma yaqaanniin! 9/1/2014ka wuxu Xamar ugu dabbaal-degayay Xuskii 40aad ee Nabadsugiddii la eeday, maalmo ka dibna wefdigeennii ayuu la joogay Istanbuul.

Xukuumadda waxa looga fadhiyaa in ay qorto, filimmo ka samayso, ku heesto, sawirto oo meel walba ku xaradho: Lixdankii maxaa dhacay? Sidee la isugu tegay? Maxaa la isugu tegay? Sharciyaddu maxay ahayd? Sannadihii ka dambeeyay maxaa taws iyo tabaale ummaddan la baday? Xasuuqii nidaamkii millateriga ahaa geystay? Halgankii hubeysnaa? Soo-dhicintii Maandeeq? La-soo nqooshadii madax-bannaanida iyo sharciyaddeedii? Ololayaal is-daba-joog? Waxan iyo waxyaabo la mid ah ayaa laga rabaa ee loogama fadhiyo shirar-jaraa’id oo ay wasiirro ka dhiibtaan afkaar iska hor imanaysa.

Curfigii iyo dhaqankii caalamiga ahaaba waa laga baxay. Waa wefdi. Waa wefdi ummadeed. Waa wefdi xukuumadeed. Ummad mid ah….xukuumad mid ah. Bal se waxa masilayaa waa wefdi wufuud ah. Waa wufuud wefdi ah. Wefdigu miyaanu madax u hadasha lahayn? Ama af-hayeenba lahayn? Haddii ay hadlaan se maxaa looga dabo-hadlayaa maa laga aammuso? Bal ka warrama marka saddex ilaa afar wasiir midba meel Istanbuul kaga sheekeeyo? Istanbuultan baasi badanaa? Ma dhowr meelood oo kala duwan ayay kala joogeen? Hadmaa xaal sidaa ahaan jiray? Mise waa hababkan dambe ee hannaanka dawladnimo ee qowlalan, qallaxan, qalaalan, qaawan, qofaysan, qafaalan, qoofalan, la qar-qarsiyay ee qoqobaha ku jirta?

 

Dhammaad iyo tirsiga 10aad ee Khamiista dambe, haddii Eebb idmo.