MUUQAALKA SOOMALIDII HORE Qalinkii: khadar Mohamed Omer

0
202

DSC_0259Soomalidii hore waxay lahaayeen oo hadadan  lagu  arki karaa muuqaalo u gaaraha oo dadka aduun weynaha ku nool lagaga  sooco, hadaba waxan in yar dul istaagi doona muuqaalkii somalidii hore .

Muuqaalka jidhka

Soomaalidii hore way  dhaadheeraayeen, midabkooduna wuxuu ahaa madaw iyo maariin dhalaal. Waxayna  ahaayeen qaar aad u qurux baddan oo qorqoran (slim) jidhkooduna aad u xoogan yahay, waxayna isku muuqaal ahayeen faraaaciintii masar.

Muuqaalka Huga

Ragga soomaalidu waxay hu, ahaan u xidhan jireen hoos_gunti hilaab sare. Timaha way la bixi jireen,waxayna galin jireen fidhine, waxayna sidan jireen waqtiga nabadda barkin iyo ul dheer, ninka guur doonka ahi waxa uu  qaadan jiray jeedal.

Haweenka soomalidu  waxay xidhan jireen garees, xundhurta dusheeda ilaa dacalka hoose oo xagga hore  waxay  ku xidhan jireen maro qurux  badan oo la yidhaahdo boqor waxaana ka sarayn jiray xadhig xariir ah oo labadiisa dacal ku leh bul oo ay dhexda ku xidhani jireen dhacaladaas oo isu qaban jiray gareyska iyo boqolka.

Gabdhuhu  mudada aanu naasku u soo bixin waxa hugeeda lagu xidhi jiray naasaha korkooda  waxaana qaawanaan jiray xabadka sare ilaa madaxa waxa loo yeeli jiray dhoor. Gabadha marka ay naaso muuqda yeelato, huga waa loo gareysi jiray, timahana  waa loo tidci jiray.Gabadha  marka  la bixiyo ee nin la siiyo waxa madaxa loogu  xidhi jiray sun ku leh badhanka meel buuran oo la xigsiiyo wajiga.gabadha marka lala guri galo waxa loo xidhi jiray shaash ama gambo rucubyo leh.

Tilmaamahaas  aan soo sheegay baa lagu garan jiray marxalada gabadhu  ay ku jirto.

Hooyadu ilmaheeda  marka ay meel dheer tageyso waxay ku qaadi jirtaye  qayad oo ay dhabarka  marin jirtay amba ay marin jirtay dhinceeda hore.

Milgaha gabadhaha soomaalidu 

Gabaddhaha soomaalidu waxay u ahaayeen beelaha danjire xidhiidhiya labada qabiil ee midna ay ka dhalatay midna ay u dhaxadaye. Labada qabiil ee dagaal dhexmaro aslaaxinta iyo heshiisiinta dhexmara waxa gogol_dhig iyo tiirar adag u ahaaa gabadho la is dhaafsado oo la idhaa “godob_reeb” godob_reebtu waxay ahaan jirtay gabadhaha kuwa u mudan ee la rabo inay xilka danjiraha si haboon u gutaan.

Dhaqanka iyo maamulkii  soomaalida

Soomaalidii hore waxa ay lahaayeen oo hadadan  laga arki karaa ismaamulka ku dhisan wada  tashi,ismaqal iyo isu hogaansami ku dhisan cadaalad iyo iskaashi walalanimo. Waxa ay caam ku ahaayeen deeqsinimo, soo dhewyn iyo geesinimo. Waxayna lahaayeen madax ismaamul, xeerar, garsoor kala sareeya iyo ciidamo ku salaysan qabiil.

Sumaddaha soomaalida

Soomaalidii hore waxay kala lahaayeen dad iyo xoolaba sumad u ah baadi_sooc oo ay isku kala gartaan. Sumada xoolaha oo ilaa hada jirta, balse sumadii dadku ay baaba,day inteeda badneyd. Sumada dadka waxa ka mid ahaa ilko qorid, dhaban-jeex, san_jeex ,  iyo bog_jeex. Sumadahan  oo beelaha somalida qaar ka mid ah laga helo hadda.

Soomaalidu meherad ahaan waxay soomaalidii hore ku kala tilmaanaayeed saddex tilmaamoo d oo kala ahaa So,maal oo macnaheedu  yahay kuwii ku tiirsanaa dheefta xoolaha  iyo ugaadha,

Biyo maal oo macnheedu yahay kuwii ku tiirsanaaa  biyaha sida beeraha, kalluumaysiga iyo ganacsiga. Tumaal oo macnaheedu yahay kuwii nolashoodu ku tiirsanayd farasamada_ gacmeedka.

Hargeisa_ Somaliland

Qalinkii:   khadar Mohamed Omer