Maareeyaha Wakaalada Biyo Hargaysa Ayaa Ka Warbixiyay Xaalada Guud Ee Wakaalada Iyo Mashruucii Biyo Galinta Iyo Balaadhinta Hargaysa‏

0
96

44Hargeysa(WAAHEEN)  Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa Mudane Ibraahim Siyaad Yoonis  Ayaaa Ka War Bixiyay Xaalada Wakaalada Biyaha , Balaadhinta Biyo Galinta Hargaysa  Mashaariicda Hor’umarineed , Dib Dhiska Iyo Habaynta Shaqaalaha Iyo Qorshaha Sanadkan Cusub .

Haddaba Ugu Horayntii Wuxuu Maareeyuhu Ka Hadlay Balaadhinta iyo biyo galinta Hargaysa wuxuuna  sheegay inay waddaan mashruucii biyo galinta ee ceelasha biyaha Xunbo Wayne , Jaleelo oo Qoddidii Ceelashu Ay Dhamaaden Oo Sanadkan Insha Allaah Aya Bilaabi Doonaan Dhuumihii Biyaha Qaadaayay Taas Sanadkan Bilaabi Doona , Waxaa Kale Oo Iyaguna Socda Mashruuca Balaadhinta Biyaha Geedeeble Taas Oo Ceelal Iygana Laga Qoday Hora-haadle .

Mar Maareeyaha Wakaalada Biyaha La Waydiiyay Su’aal Ahayd Haddii La Dhamaystiro Mashruucaa Biyo Soo Saarka Xunbo Wayne Iyo Balaadhinta Geedeeble Ayaa Wuxuu Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa Mudane Ibraahim Siyaad Yoonis Ku Jawaabay Haddii Mashaariicdani Ay Waddaan Midaw-ga Yurub Inoo Dhamaadaan Waxaan Rajaynaynaa Insha Allaah in Ay Hargaysa Kafayn Doonto Ama Boqolkiiba Shan Iyo Sagaashan Ay Heli Doonaan Biyo . Mar Uu Maareeyuhu Ka Hadlaayay Qiyaasta Biyaha La Filaayo In hargaysa La Soo Gaadhsiiyo Ayaa Wuxuu Sheegay In Biyaha Ceelasha Xunbo Wayne Ay Dhan Yihiin 5000M3-6000 Halka Balaadhinta Biyaha Geedeeble Ee Horo-haadlay ay dhan yihiin Qiyaas Ahaan 3000-4000 m3  . Mar Uu Maareeyuhu Ka Hadlaayay Biyihii Dhawaan Ay Heshay Xaafada Sheekh Cumar Ee Daafaha Koonfur Galbeed Waxaa Uu Maareeyuhu Isaga Oo Sharaxaaya Biyahaas Ayaa Wuxuu Yidhi Horta Biyuhu Waa Laba Qaybood Qayb Ceelal Laga Soo Saaro Oo Illaah SWT Uu Dhulka Hoostiisi Kayd Ahaan U Dhigay Iyo Qaar Kuwa Ku Xidhan Cimilada Oo Xiliyada Gu’gii La Helo Oo Ah Kuwa Dooxyada Laga Helo markaas Biyahan Xaafadaas Sheekh Cumar Iyo Xaafado Kaleba Waa Kuwa SEASONAL Ah Oo Cimilada Ku Xidhan Waxaana La Rajaynaa In Sagaalka Bilood Ee GU’GA Biyo Ku Filan Xaafadaas iyo Xafaadaha Kaleba In Ay Ka Helaan . Isaga Oo Maareeyuhu Hadalkiisa Sii Wata Ayaa Wuxu Sheegay Insha Allah In Ay Hargaysa U Rajaynayaaan Inay biyo ku filan heli doonto haddii qorshan biyo galintu soo gabagaboobo oo imika dhamaaday wajigii koowaad ee ceelal qodidda oo imika la soo daayay wajigii labaad ee dhuumaha biyahaas soo qaadaaya loo soo dhigi lahaa.

Ibraahim Siyaad Yoonis Waxaa kale oo uu Carabka ku dhuftay inay imika qorshaynaya ama ay rajaynayaa inay hayadda ka helaan Capacity Building Taas oo qalabayn iyo dib u qaabayn loogu samayn doono Wakaalada Biyaha .

Ugu Danbayntii Maareeuhu Wuxuu Mahad Naq U Soo Jeediyay Dadwaynaha Reer Hargaysa Waxa Kale Oo Uu Baaq U Diray Macaamiisha Wakaalada BIYAHA HARGAYSA Oo Uu Sheegay Inay Ka Haqab Tiro Dooonaan Biyo Ku Filan Insha Allaah , Wixii Cabasho Ah-na U Soo Gudbiyaan Wakaalada , Iyaguna Ay Biyaha Si Fiican Iskaga Bixiyaan Oo Ay La Shaqeeyaan Shaqaalaha Wakaalada , Isaga oO Hadalka Sii Wata ayaa wuxuu yidhi in dadka reer hargaysa ee aan wali biyo gaadhin wakaaladu in iyagana insha allah ay gaadhsiin doonaan dhawaan biyo ku filan ayna u soo duceeyaan hawsha ay qranka u hayaan iyaguna ay samraan ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay.

Isku Soo Wadda Xooriyoo Hargaysa Oo Muddooyinkii U Danbeeyay Ay Dadwaynuhu Ka Caban Jireen Biyo La’aan Ayaa Waxaad Moodaa Hadda Inay Dadaalka Ay Wakaaladu Ugu Jirto Inay DADWAYNAHA Reer Hargaysa ay Haqab Tiraan Biyo Ku Filan Haddaba Haddi Ay Sidooda U Soo Dhamaadaan Biyo Soo Saarka Iyo Baladhintan Ay Imika midawga yurub wadaaan inay ay hargaysa heli doonto biyo ku filan.