Xildhibaan Cagayare oo xoghayaha Dawladda Hoose la dagaalamay iyo Dacwad ka taagan falkaasi

0
127

HargeysaWaaheen) Xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xirsi (Cagayare) ayaa doraad dagaal gacan ka hadal ah ku qaaday Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa Mawliid Waris C/laahi, taasoo ana illaa hada cadayn sababta keentay.
xildhibXoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa Mawliid Waris C/laahi ayaa shirkii toddobaadlaha ahaa ee shalay ee Golaha Deegaanka Hargeysa kaga dhawaaqay falka uu xildhibaanku ku sameeyey, isagoo ka dalbaday goluhu in ay talaabo ka qaadaan Xildhibaanka.
Xoghaye mawliid Waris waxa kale oo uu Golaha Deegaanka ku wargeliyey in uu Dacwad ka dhan ah talaabada Xildhibaanku ku dagaalamay geeyey Hay’addaha Sharciga gaar ahaan Xeer ilaalinta Qaranka si talaabo sharci ah looga qaado.
Dagaalka Xildhibaanku ku qaaday Xoghayaha ayaa noqonaya kii sadexaad ee inta la ogyahay uu ku kaco, isagoo Xildhibaano iyo shaqaalaha Dawladda Hooseba gacanta hore ugu qaaday, balse marna waxa talaabo Anshax marin ah oo Golaha Deegaanka Hargeysi ka soo saaray lama arag.
Xoghayaha Dawladda Hoose ayaa ah sarkaalka Sadexaad ee ugu sareeya Dawladda Hoose ee Hargeysa isla markaana waxa uu yahay Wakiilka Dawladda Dhexe u jooga xafiiska Golaha Deegaanka, waxaanu kaga jiraa kaalin muhiim ah Hawl maalmeedka Dawladda Hoose taasoo u saamixi karta in falkan aanu ugu dul qaadan sida ay yeelaan Xildhibaanada iyo shaqaalaha Dawladda Hoose.
Golaha Deegaanka Hargeysa ayaa lagu Eedeeyaa in ay yihiin koox baabi’isay Meeqaamka Golahaasi lahaa, iyagoo isku mashquulsan dhexdooda halkii ay ahayd in ay Masuuliyadda Caasimadda ee dul taal ee fadhiidka ah dhinac uun u dhaqaajiyaan.
Xildhibaanada qaarkood ayaa Caadaystay in ay maalin kasta Rabshad iyo Buuq la taagnaadaan Golaha Deegaanka Hargeysa, halka dadweynihii shaqada ka sugayey bayhoofayaan xafiisyadooda oo aanay fadhiisanba.