Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo ka qayb galay Xuska 20 Guuradii Aasaska Ciidanka Qaran Somaliland.

0
146

P121066116 00 01 1 02 2 03 3 04 4 05 5 06 6 07 7 8 09 9 11 12 13 15Hargeysa(Waaheen) Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Ku-simaha Madaxweynaha  Md.Cabdiraxman Cabdilaahi Saylici ayaa Maanta ka Qayb gallay Sanad Guuradii 20 ee Asaaska Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Munaasibadan  aadka u balaadhnayd ayaa wax lagu qabtay xarunta taliska ciidanka Militariga ee loo qayaano Qaybta waxaan ka Soo qaybgalay Wasiirka Maaliyada Cabdi casiis Samaale, Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iiman, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdi awdaahir, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Asluubta,  Guddomiyaha Golaha wakiialda Cabdiraxman Cirro, Wasiir Ku-xigeenka Gaashandhiga Cabdi daahir Camuud, Taliyaha Ciidanka qaranka Sarreya gaas Ismaciil Shaqale, iyo saraakiisha ciidamada qaranka.

Munaasibaadasi oo si qurux baddan loo soo diyaariyey ayaa wax lagu soo badhigay Riwaayd ka tujumaysa sidda ugu Fiican ee dalka loo maalgashan karro, loolana soo biixi laha nimcada ku duugan dalkeena.

Taliyaha Ciidanka Qaran Ismaciil shaqale oo xafladaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in munaasibadani tahay Munaasibad lagu xusayo asaaska ciidanka qaranka jamhuuriyadda Somaliland oo dhidibada loo tagay 1994-kii, waxa kale oo uu ka halday heerarkii kala duwan ee ay soo mareen cidiimada qaranku, isaga oo tilmaamay in haatan marayaan meel aad u fiican oo shacabka somaliland kalsooni ku qabaan in ciidankoodu difaaco xududaha dalkooda.

Wasiir Ku-xigeenka gaashandhiga Cabdi Daahir camuud oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in ciidanka qaranku ay u diyariyeen tababaro faro badan oo loo kala diray wadamada jaarka iyo kuwa Yurub.

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Ku-simaha Madaxweynaha  Md.Cabdiraxman Cabdilaahi Saylici  ayaa isaguna  hoosta ka Xariiqay in  ciidanka Somaliland yihiin kuwo loogu tallo galay difaaca dalkooda hooyo, basle aan loogu tallo galin in ay dalalka jaarka ah ku gaafan, waxa kale oo u baaq u diray Maamulka Puntland ee Somaliyeed isaga oo ugu baaqay in ay iska dhaafan dhulka Somaliland ee ay sheeganayaan.