Masuuliyiinta D/Hoose Degmadda Koodbuur oo ka waramay waxqabadkoodii

0
56

Muuqalka-Caasimadda-HargeysaHargeysa (Waaheen)-Gudoomiyaha degmada koodbuur ee Caasimadda Somaliland Md Naasir Caydiid Maxamed oo uu wehelinayo ku xigeenkiisa Mowliid Saxardiid Cabdi ayaa ka warbixiyey waxqabadkii degmadaasi ee sanadkii 2013 iyo qorshayaasha u degsan sanadkan cusub ee 2014.

Mas’uuliyiintu waxay faahfaahin ka bixiyeen qaab dhismeedka degmada Koodbuur oo u kala baxda xaafadaha kala ah Xero-Awr, Lixle, Guul-Allah iyo Jigjiga Yar,

Iyagoo ka hadlay hawlaha ugu waaweyn ee degmada waxa ay sheegeen inay ugu horeeyaan hawsha cashuur ururinta iyo maareynta dhulka, waxana ay xaqiijiyeen inay sanadkan dhamaaday degmadu soo xaraysay dakhli dhan afar bilyan iyo sadex boqol oo milyan oo shilinka Somaliland ah.

Dhinaca horumarinta waxqabadka waxa mas’uuliyiintu tilmaameen inay dhamaystireen hirgelinta 10 waddo oo laami ah oo degmada laga sameeyey iyo Suuqa jaamac Gunti oo sariibadiisii loo raray dhanka Cali maaweel, iyo School-ka Axmed dhagax oo dib u hagaajin lagaga sameeyey qaybta garoonka.

Gudoomiyaha Degmada Koodbuur waxa uu sheegay inay wadaan qorshayaal loogu talogalay sanadkan 2014 kaasoo uu ugu horeeyo Biriij isku xidhi doona xaafadaha 31 May iyo badda cas, Dhismaha sariibadda xaafadda jigjiga yar iyo in la bannayn doono wadooyinka xidhan, lana labanlaabi doono dakhli soo saarka.

Md Naasir caydiid Maxamed Gudoomiyaha degmada koodbuur iyo ku xigeenkiisu waxay farriin u direen dadaweynaha degmada oo ay uga mahadceliyeen sida wacan ee ay cashuuraha ku waajiba isaga bixiyaan, waxana ay ka codsadeen inay kala shaqeeyaan dhinacyada nabadgelyada, dakhli soo saarka iyo hagaajinta bilicda Degmada