Is-Raacii Somaliland iyo Soomaaliya. W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
79

coomayMarkii la gaadhay 1 juulay ee sannadkii 1960-kii ayuu Raysal wasaarihii Somaliland Maxamed X. Ibraahim Cigaal iyo wefti uu hogaamimiyo u kicitimay dhinacaa iyo Muqdisho si ay uga qaybgalaan dabaal-dega iyo xafladaha ka dhacayey Muqdisho. Weftigan waxa la socday afartii wasiir ee Somaliland, ururadii siyaasad iyo cuqaal. Markii uu dhammaaday xuskii iyo debaal-degii waxa loo soo jeestay dhismihii dawlada.

Dhismihii dawladii Somaliland iyo Soomaaliya ka koobnayd.

Ka hore intii aan lagu dhawaaqin dawlada iyo Raysal wasaaraha, ayaa laga codsaday labadii Raysal wasaare ee Somaliland iyo Soomaaliya oo kala ahaa: Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo C/laahi Ciise, ayaa laga codsaday inay soo gudbiyaan qoraal ay isku casilayaan si loo soo magacaabo Raysal wasaare cusub oo ee Somaliland iyo Soomaaliya yeelato.

Intaasi ka dib Maxamed X. Ibraahim Cigaal ayaa ka biyo diiday qoraalka bilaa shuruuda ah, balse markii la saaray culays fara badan wuu aqbalay inuu qoro waraaqdii is-casilaada. Ka dib waxa fadhiistay Baarlamaankii labada dhinaca oo kala ahaa 33 xubnood oo Somaliland ka socday iyo 90 xubnood oo ka socday Soomaaliya. Markii codka loo qaaday waxay Madaxweyne u doorteen Aadan Cabdulle Cismaan ( Adan Cadde). Ka dibna M/weyne Adan Cadde wuxuu Raysal wasaare u magacaabay C/rashiid Cali Sharmarke. Labaduba waa reer koonfureed (Somaaliya).

Saamigii reer Somaliland ka helaan dawlada.

Dawladii la soo dhisay ee ka koobnayd labada Baarlamaan waxay Somaliland ka heshay:

  • Jaamac C/laahi Qaalib……………………………….Guddoomiyaha Baarlamaanka
  • Cabdi Xasan Buuni…………………………………….Raysal-wasaare ku-xigeen
  • Maxamed X. Ibraahim Cigaal……………………Wasiirka Difaaca
  • Cali Garaad Jaamac………………………………….Wasiirka Waxbarashad
  • Axmed X. Ducaale…………………………………….Wasiirka Beeraha
  • Gen. Ismaaciil Axmed Ismaaciil………………..Taliyaha Ciidanka Asluubta

Markii lagu dhawaaqay xubnaha dawlada ka kooban tahay, waxa markiiba saluug weyn iyo guux muujiyey reer Somaliland oo ka biyo diiday inaan si siman wax loo qaybsan, balse reer Soomaaliya wada qaateen xubnihii ugu mihiimsanaa dawlada. Taasina waxay reer somalialand ku calacaleen “ anagaa bilaa shuruud ku raacnay, markaa waa abaalkayo”.

 

Aftidii distoorka ee Juun 1961-kii

Bishii juun ee sannadkii 1961-kii waxa dadka soomaaliyeed loo soo bandhigay distoo dalka lagu maamulo si loogu codeeyo. Waxaana lagu codaynayey” HAA amma MAYA”. Ururadii siyaasada iyo aqoonyahanadii reer Somaliland waxay shacabka ugu baaqayeen in lagu codeeyo MAYA. Dadkii reer Somaliland way raaceen baaqii. Tirada dadweynaha Somaliland ka codaysay ayaa lagu qiyaasay 100,000 (boqol kun oo qof).

Waxaana la xaqiijiyey in ka badan 75% ay ku codeeyeen MAYA. Dawladii wakhtigan jirtay waxay doonaysay in la ansixiyo distoorka, ka dibna way ku shubatay codcodkii, waxa ay ku dhawaaqday in lagu ansixiyey distoorka cod aqlabiyad ah. 99%. Ka dib Baarlamaankii ayaa dib u doortay Aadan Cabdule Cismaan (Adan Cadde) inuu noqdo M/weyne. Isna wuxuu mar kale Raysal Wasaare u doortay C/rashiid Cali Sharmarke.

Saamigii  labaad ee reer Somaliland ka heleen Dawlada.

Dawladii labaad ee la soo dhisay waxay reer Somaliland ka heleen afar wasiir. Jagadii Raysal wasaare ku xigeenka waa la tirtiray.

  • Maxamed X. Ibraahim Cigaal………………………….Wasiirka Waxbarashada
  • Sh. Cali Ismaaciil Yacquub………………………………Wasiirka Difaaca
  • Cali Garaad Jaamac………………………………………..Wasiirka Hawlaha Guud
  • Axmed Xaaji Ducaale………………………………………Wasiirka Beeraha

Ku dhawaaqista dawaldan ayaa mar kale god madow ku sii rday Rajadii reer Somaliland ay ku doonayeen in is-leeg wax loo qaybsado. Iska daa in wax loo kordhiyo, ee saluugii hore ay u qabeen ayaa lagu sii kordhiyey, oo jagadii Raysal Wasaare ku xigeenka ayaa laga jaray.

Cali cabdi coomay

calicoomay@hotmail.com

Suxufi, qoraa ah.

B.A in journalism

Hargaysa, Somaliland

Xigasho:

Taariikhda Ummadda Soomaaliyeed…………. Cali Jaamac Qalinle

British Protectorate Office………………………….Unpublished Paper