Odayaal soo qabtay nin ku Eedaysan Dil dhawaan ka dhacay Deegaanka Ceel af-weyn

0
121

 

.

Laas-doomaar(Waaheen) Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda deegaanka Ceel af-weyn ayaa maanta xukuumadda u soo gacan geliyey nin la yidhaahdo Sharmaarke Cabdi Oogle oo lagu eedaynayo in uu dhawaan deegaanka Oog ee gobolka Sool ku dilay Marxuum la odhan jiray Cabdi Aadan Jaqaf.

Eedaysanaha loo haysto Dilkaa marxuumkaas ayaa muddo dhawr bilood ah lagu daba jiray isagoo baxsaday markii uu Dilka gaystay kadib, hase yeeshee labada nin ee Dilku kala gaadhay oo ka soo wada jeeda beel ayaa dedaal ugu jiray soo qabashadiisa.

Wararka qabashada Ninkan ku Eedaysan Gacan ku dhiiglanimada ayaa sheegaya in maanta odayaashu ku qabteen Laas-doomaar meel la yidhaahdo oo ku taala degmadda Ceel Af-weyn, kadibna ay ku soow argeliyeen wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Booliiskaba qabashadiisa.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Odayaasha Beesha uu ka dhashay ee soo qabtay ay ku soo wadaan deegaankii uu Dilku ka dhacay oo ah Oog, halkaas oo khilaaf ba’ani kaga dhex taagnaa labada Juffo ee ay ka soo jeedaan Marxuumkii la dilay iyo gacan ku dhiigluhu, kuwaas oo ka soo kala jeeda Biciide iyo Cali Barre (Muuse Abokor).

Labada reer ayay dhawr Dil muddooyin isku dhaw dhaw kala gaadheen taasoo dhalisay in cabsi dhinaca aar-gudashada ah oo Miyiga aad ugu badani kala gaadho, balse soo qabashada ninkan ayaa ka dhex abuurtay isku calool samaan iyo niyad wanaag, halka wali qaarkood dilalkaas dadkii fuliyey lagu raad joogo.