Xarunta Xannaanada Hooyada & Dhallaanka Ceerigaabo Oo Noqotay Meel Lagu Qaybiyo Cuntooyinka Iyo Waxyaabaha Waqtigoodu Dhacay.

0
123

Raashinkan waxa laga keenay MCH-ka waxana loo wadey Maqaaxiyaha habeenkii lagu caweeyo
“Xildhibaan Golaha Degaanka Ceerigaabo”

raashin dhacay 1Craashin dhacay 1eerigaabo(Waaheen) goor cadceeddu sii dhacaysey maanta (Salaasa) ayaa mid ka mid ah xildhibaannada golaha degaanka Ceerigaabo gaar ahaan guddida arrimaha bulshada wuxu suuqa Ceerigaabo ku qabtay Kaaryoone ay saaran yihiin Saddex kiish raashin isugu jira Misir iyo Galleyda ay bixiso Hay’adda Caalammiga ah ee WFP  iyo nin xammaal ah oo aashinkan ku riixayey kaaryoonahan raashinkan oo ahaa mid waqtigiisu ku ekaa Bishii 8/2012 kaddibna muran badan oo dhex maray xildhibaankan iyo xammaalkan dadweyne badanina kusoo urureen kaddib waxa muddo kaddib goobtaas oo xataa ninkii raashinkan usoo dhiibey  oo goobta yimid iyo xammaalkii oo kaaryoonkisii kaxaystayba ka tageen waxa yimid mid ka mid ah gawaadhida boliiska kaasoo halkaas ka qaaday Raashinkaas keliya una qaaday dhinaca saldhig kamid ah saldhigyada boliiska Ceerigaabo.

“Raaashinkan waxa laga sooo qaaday MCH-ka lagu xannaaneeyo hooyooyinka iyo dhallaanka waxana loo wadey maqaaxiyaha habeenkii lagu caweeyo waana cuntada habeenkii dadka loo sameeyo arrintaasna waannu daba gelaynaa”. Sidaas waxa yidhi xildhibaankan oo ka gaabsaday magaciisa in la shaaciyo.

“Waar ilaa saakaba waxan meesha waa laga soo daadguraynayey”. Sidaasna waxa yidhi mid ka mid ah bulshadii faraha badnayd ee goobtaas kusoo ururtay.

Sikastaba ha ahaatee waxa cad in xaruntan caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ee loogu tala galay in lagu daaweeyo ay tahay goob dadka loogu qaybiyo raashinka iyo waxyaabaha kale ee dhacay arrintaasoo u baahan dabagal dheer in xaruntaas lagu sameeyo.