KUWII LOO WANQALAYEE MAGACOOD LAWAAYEY!!!!!‏

0
84
Sida aynu wada ogsoonahay isla markaana ka wada dharagsanaha jamuuriyada Somaliland kumay iman ciyaar iyo dhalanteed waxay inagu taagan tahay qasaare naf iyo maalba ina soo gaadhay waxaa iyada dared u dhintay islamarkaana ciida hoos maray geesiyaal farabadan agteenana qaali ka ahaa.
waxaa u agoomoomay caruur fara badan waxaa sidoo kale u goblamay hooyooyin fara badan dhinaca kale waxaa u naafoobay dad farabadan oo rag iyo dumarba leh waxaa u caydhoobay dad fara badan oo hantidoodii ku waayey.
waxaa mustaqbalkoodii wax barasho uga tagay dhalinyaro fara badan isla markaana qoriga u qaatay sidii ay wadan kooda xornimadiisa ugu dagaalami lahaayeen.
hadaba waxaasi oo dhib ah een sare ku sheegay ama ku xusay waxaan kaga gam aynaa markaad manta wadeenkii oo xor ah oo ilahay mooyee cid aad ka baqanaysaa jirin oo hore u marku maalinba maalinta ka danbaysa soo siyaadaayo aad aragto.
nabada Somaliland iyo hore u marka aynu manta wadnaa iyo waliba wada jirka umada Somaliland waa mid aan cid dafiri karaysaa jirin si kale hadaan u dhaho waa cadceed soo baxday oo aan baabaco la saari karahayn ninka dafiraana isaga ayaa xiiqi doona.
jamuuriyada Somaliland waxaa hogaanka u haya isla markaana daadihinaayaa waa ragii duhur cad u badheedhay isla markaana qoriga u qaatay sidii kaligii taliyhii siyaad bare uga takhalusi lahaayeen isla makaana usoo celin lahaayeen xornimadeenii aan ceelka qudhunka iyo dhoobaa badan ku tuurnay.
waxaa sidoo kale madaxwaynaha garbo iyo baalal uu ku duulo u ah waa rag hawl kar ah oo aan looga baqahayn in ay marnaba dayacaan hawlaha qaranka waa rag cid walba uga lexo jeclo badan waayo waa ragii duurka u galay so celinta ama soo dhicinta xornimadii inaga ambatay 1960kii ee aan sida indha beelka ah u tuurnay.
hadaba iyadoo ay xaqiiqadu sidaa tahay oo aan cidina dafiri karahayn ayaa waxaad arkaysaa rag waaweyn oo odayaal ah balse ay iskaga qasan tahay mucaaridnimada iyo danta qaranku waxaad malinkastaba warbaahinta ku arkaysaa iyagoo ku hadaaqaaya erayo farxad galinaaya cadawga Somaliland ee tirada badan isla markaana iyaga laftooda fool xumo iyo sumacad daro ku ah.
waxaan leeyahay waar kala garta danta qarank iyo mucaaradnimada waayo mucaaradnimadu maaha mid wax lagu dumiyo balse waa mid wax lagu dhiso isla markaana wax saxda.
guntii iyo gaba gabadii waxaan leeyahay inagoo wado wada marayna ayeynaan kala weecsanaane aan wada socono danta qarankana aan kawada shaqayno.
hadii sidaasi dhici waydo waxaad noqondoontaan kuwii loo wan qalayee magacood la waayey.
GARYAQAAN: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)