Xisbiga Kulmiye oo sidii UDUB looga dareeray, Muuse Biixi oo xalay madaxtooyadda soo dhoobay Mus-danbeedkiisii iyo Garabyo Lusha oo laga yaabo in ay dhakhso u go’aan

0
140

Wareegii labaad ee wadahadalada Garabyada Kulmiye oo xalay bilaabmay iyo guddida oo gogosha u fidsatay sidii ay Ciriqa u gaadhi lahayd

klHargeysa(Waaheen) toddobaadkii u danbeeyey waxa Xisbiga Kulmiye ka dareeray taageerayaal iyo masuuliyiin kala duwan oo ku biiray Axsaabta Mucaaradka ah ee Wadani iyo UCID, kuwaasoo xafladdo balaadhan ku kala qabsaday Burco iyo Hargeysa, iyagoo ku dhawaaqay in ay ka baxeen, isla markaana Eedo badan u xambaariyey Hogaanka iyo Xukuumadda is-khilaafsan.

Labadan kooxood ee Mucaaradka u firdhaday ayaa u muuqda kuwo ka caal waayey khilaafka daba dheeraaday eek a taagan Xisul xaakimka Kulmiye, waxaanay u diga rogteen mucaaradka oo ay dan moodeen kadib markii ay gar iyo garawshiiyo ka waayeen hankoodii siyaasadeed oo ay arkeen in mugdi galay.

Toddobaadkii u danbeeyey waxa socda kulamo u dhaxeeya Guddi Madaxweyne Axmed Siilaanyo usii magacaabay turxaan bixinta khilaafka hogaamineed ee sac sacay shirweynihii Xisbiga oo ay ahayd in lagu soo doorto hogaan iyo Gudiyo xisbiga ka saara Doorashada soo socota, waxaanay kulamo gaar gaar ah la yeesheen labada Garab ee uu xisbigu u qaybsan yahay, sida ka muuqata Guddida Madaxaweynuhu u saaray.

Guddida ayaa kulankoodii ugu horeeyey la yeeshay garabka Muuse Biixi oo ka koobnaa dhawr xubnood, kadibna waxa ay kulan balaadhan la qaateen garabka kale oo tiro badnaa, waxaanay labadooda dhinac ba bandhigeen qoddobada ay isku hayaan iyo kuwa ay xalka u arkaan.

Hadana waxa xalay mar kale, Qasriga Madaxtooyadda ka bilaabmay wareeg kale oo uu Muuse Biixi ku soo dhoobay madasha lagu kulmayey Mus-danbeedka Garabkiisa oo ka koobnaa shan iyo labaatan xubnood oo Haween iyo Ragg ahaa, kuwaas oo la sheegay shalay in uu soo abaabulay si ay weerar rogaal celin ah ugu sameeyaan kulankii garabka kale oo la sheegay in uu ka miisaan badnaa koodii hore.

Sidoo kale, kulanka xubnaha xalay ku xerooday Madaxtooyadda ayaa ka duwanaa kuwii hore, waxaana dagaalka Xisbiga la soo galiyey muuqaal ka duwan kii hore ee u dhaxeeyey Hogaanka iyo Guddida fulinta, waxaanu saameeyey Golihii Dhexe illaa xubnihii Xisbiga, kaasoo yeeshay saan saan uu khilaafku ku sii fidi karo hadaan la xakamayn.

Dhinaca kale, marka laga yimaado khilaafka xisbiga waxa soo shaac baxaya ama socda abaabulo kale oo lagaga dareerayo kuwaas oo ay wadaan xisbiyahanadii hore ee Kulmiye iyo kuwii ku soo biiray Doorashadii Golihii deegaanka ee ugu danbeeyey kadib, waxaana jira cabashooyin ka baxsan labada Garab ee Kulmiye isku haya, kuwaas oo la sheegay in loo gudbinayo Guddida Turxaan bixinta Xisbiga Kulmiye.

Kooxaha la saadaalinayo in ay ka haajiraan kulmiye waxa ka mid ah xubnihii iyo siyaasiyiintii kaga soo biiray Xisbul xaakimkii UDUB, kuwaas oo la sheegayo hogaanka Xisbigu inuu laalay qoddobadii iyo mansabyadii lagula heshiiyey oo dhan, waxaanay intii danbe ku jireen Quus iyagoo la’aa meel ay u ciirtaan hase yeeshee imika u hanqal taagaya haddii cabashadooda la dhagaysan waayo in ay markale u diga rogtaan mucaaradka.

Si kasta ha ahaatee, Loolanka siyaasadeed ee Kulmiye ayaan la garanayn halka uu ku biyo shuban doono, wallow aragtiyo kala duwan oo laga bixinayo qaarkood ay sheegayaan in aanu liici doonin inta uu Madaxweyne Siilaanyo talada hayo, halka qaarkood na sheegayaan in uu ka hor burburi doono doorashooyinka soo socda.