Qorshihii Dawladii Somaliland ee 1960-kii W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
219

coomayMaadaama oo xisbigii SNL ku guulaystay kuristii Baaralaamanka tiradii ugu badnayd oo ahayd 20 kursi, waxay taasina suurtagelisay in Guddoomihii xisbiga SNL oo ahaa Sh. Cumar Askar wuxuu toos u noqday M/weynihii ugu horeeyey ee Somaliland yeelato, halka Raysal wasaare uu noqday Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Mudadii ay dawladani xilka haysay way koobnayd waxaanay ahayd bishii Saddexaad ilaa bishii lixaad ee 1960-kii. Dawladii daakhiliga ahayd ee la dhisay wuxuu ugu horeeyey ahaa:

  • Qaabkii loogu hawlgeli lahaa is-raaca iyo midnimada labada qaybood ee Somaliland iyo Soomaaliya.
  • Dejinta qorshe lagu horumarinayo bulshada
  • Ku wareejinta xilalka sar sare ee maamulka dalka shaqaalaha Somaliland ee aqoonta u lahaa jagooyinkaasi
  • Xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya labada baarlamaan ee ka kala dhisnaa labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya

Si qorshaasi afarta qodob ahi u hirgelo, waxay kulano la yeesheen baarlamaanka iyo qaybaha bulshada. Kulna ay yeesheen ayay xukuumadu sheegay inay saluugsan tahay qorshaha ingiriiska ee ahaa in dib loo riixo wakhtiga gobonimada ay qaadanayaan. Waxay isku raaceen in wefti ay ka kooban yihiin wasiirad xukuumadu loo diro dawlada ingiriiska. Ka dib dawladii ingiriiska ayaa ku dhawaaqaday in madax banaanida iyo xoriyada ay siin doonaan 26 juun 1960-ka. Markii weftigii wasiiradu dalka ku soo noqdeen waxa lagu soo dhaweeyey farxad iyo caleemo qoyan. Markii la soo gaadhay 26 juun sannadkii 1960-kii ayay bilaabmatay dabaaldegyo.

Dabaaldegyadii

Xafladdii ugu horaysay waxay bilaabmatay 9:00 aroornimo, waxayna ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Hargaysa istaadyoon, oo waagaasi la odhan jiray “Boolooga”. Xuskan waxa ka soo qaybgalay xukuumaddii Somaliland, shaqaalihii dawlada, madaxdii ururada, culimadii, ganacsatadii iyo dadweynihii reer Hargaysa. Goobtan waxa muusiga ka tumayey koox ingirisku keenay oo la odhan jiray (Scottish Band). Waxa kale oo xuska ka tumayey kooxda Baanboyda (Band Boys). Waxa salaan ka qaatay halkan M/weynihii iyo Raysal wasaarihii dalka.  Xafladani waxay soo xidhantay 2:00 galabnimo.

Xafladdii labaad ee xuska dabaaldegu wuxuu ka dhacay garoonka kubadda cagta oo ku yaallay meesha imika laga dhisay masaajida ibraahin dheere, oo markaasi dambe loo bixiyey xaruntii 26 juun. Xafladan ayaa bilaabmatay 4:30-kii galabnimo socotayna ilaa 12:00 habeenimo.

Xafladdii Calan Saarka

Markii la gaadhay 10:00 habeenimo ayay toos u bilaabmatay xafladdii calan saarku. Waxa khubad dheer goobtan ka jeediyey Raysal wasaare Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo xoghayihii badhasaabka ingiriiska oo la odhan “ P.Carrel”. markay saacadu gaadhay 12:00 habeenimo ayaa la soo dejiyey calankii ingiriiska oo goobta sudhnaa, waxaana gacanta laga saaray xoghayihii badhasaabka ingiriiska. Ka dib waxa la saaray calankii Somaliland. Markaasuu Abawaan C/laahi Suldaan Timacade tiriyey gabaygii caanka ahaa ee la magac baxay “ kaana siib kanna saar”. Waxa kale oo goobtan lagu soo bandhigay heeso iyo ciyaaraha hidaha dhaqanka.

Tartankii Gabayada

Waxa goobta ka dhacay tartan u dhexeeyey abwaano ka kala socday xisbiyadii SNL/USP iyo NUF. Waxa tartamay dhawr iyo toban gabayaa. Aakhirkii waxa kaalinta kowaad galay abwaan Cabdi Iidaan. Cabdi Iidaan wuxuu tiriyey Geeraar caan noqday oo ay ka mid ahaayeen erayadiisa” ilaahow arligeennana mid ammaan lagu joogoon abaaroobin ka yeel”.

Dalalkii Aqoonsaday Somaliland

Markii ay Somaliland ka xorowday gumaysigii ingiriiska ee 26 juun 1960-kii, waxa aqoonsaday dawlado badan, waxa ugu horeeyey, Masar iyo Israa’iil. Intaasi ka dib waxa ku xigay shantii dawladood ee joogtada ku ahaa golaha qaramada midoobay: Faransiiska, Ingiriiska, Maraykanka, Midowgii Soofiyad ka iyo Shiinaha.

27-kii juun 1960-kii wuxuu Baarlamaankii Somaliland ansixiyey sharci loogu gogol xaadhayey is-raaca iyo midnimada labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Cali cabdi coomay

calicoomay@hotmail.com

Suxufi, qoraa ah.

B.A in journalism

Hargaysa, Somaliland

Xigasho:

Taariikhda Ummadda Soomaaliyeed…………. Cali Jaamac Qalinle

British Protectorate Office………………………….Unpublished Paper