Wasiirka Qorshaynta Qaranka oo ka hadlay qorshaha Lacagta Sanduuqa Horumarinta Somaliland.

0
70

“Sanduuqan Wax ku jirra 59 Milyan oo Dollar waxaana lagu maalgalinayaa  Beeraha, Xoolaha, Biyaha, Deeganka, iyo waddooyinka.”Ayuu yidhi Dr.Sacad.

1Hargeysa(Waaheen)Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr.Sacad Cali Shirre ayaa Faahfaahin ka bixiyey Sanduuqa horumarinta Somaliland oo uu sheegay in ay ku jirto lacag qaderkeedu dhan yahay  59Milyan oo Dollar, waxa kale oo uu sheegay in sanduuqaasi ay Somaliland u sameyeen saddex dawladood  oo kala ah Ingiriiska, Denmark iyo Norwey.

Sidaasi waxa uu ku sheegay mar uu maanta hortagay fadhigii golaha wakiilada oo uu shirguddoominayey guddomiyaha  golaha wakiilada Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Cadiraxman cirro).

Fadhigaasi ayaa Xildhibaanada Golaha wakiiladu Su’aalo ka waydiiyeen hanaanka uu u shaqaynayo Sanduuqaasi iyo meesha ay ku baxayso lacagta ku jirta.

 

Wasiirka Qorshaynta ayaa Faahfaahin Dheer ka Bixiyey Ujeedada loo asaasay Sanduuqan iyo lacagta ku jirta, waxaanu yidhi. “Waxaanu ku guuleysanay in sanduuqa la yidhado Sanduuqa Horumarinta Somaliland naloo soo gudbiyo sanad walba wixii laynoogu tallo galay, si aynu markaa Miisaaniyada ugu darsano, taasi oo aynu sanadkan iyo sanadkii horeba miisaniyada ku darsanay wixii laynoogu tallo galay, sanduuqani siddii uu ku yimid haddii aan idiin faahfaahiyo dhaqaalaha wadan soo gaadha ee  dibada uga yimaad waxay u qaybsamaan labba qaybood oo kala  ah deeq Ama  dayn.”Ayuu yidhi.

Isaga oo hadalkiisa sii watan waxa uu yidhi. “ haddii ay deeq tahay waa deeq toos ah, ama waa deeq dadban ama deeq ka timaada sanduuq waa saddexda mid uun deeqda lagu siiya, intii ka horeysay Sanduuqan inaga deeqaheenu waxay ahaayeen, kuwa dadban ee laynoo  soo mariyo hay’adaha samofalka ee caalamiga ah, ama kuwa  Qaramada midoobay maadama aanay jirin deeq toos laynoo siiya, marka deeqdii dadbaneyd waxa ku soo biiray sanduuqa horumarinta Somaliland, runtii sanduuqan waxa iska kaashaday Dawladaha Ingiriiska, Denmark, iyo Norwey oo imika ku soo biirtay, lacagtaasi waxa loogu tallo galay in muddo 4sanno ah la isticmaalo, sanduuqa waxa ku jirra 59Milyan oo Dollar, 34Milyan oo Dollar waxa Bixisay Dawlada Ingiiriska, 20Milyan waxa biyey dawlada Denmerk, illaa 5 Milyan wax bixisay Dawlada Norwey.”Ayuu yidhi Sacad Cali Shiire.

Waxa kale oo uu ka hadlay Qorshayaasha udejisan Sanadkan. “sanadkan waxaanu rajeynaynaa in la isticmaalo wixii lacag loo qorsheyey, sanduuqani waxa uu kaga duwan yahay deeqaha layna siiyo kan inaga layna siyey Akhtiyaarka inagaa leh, wixii baahiyaheen ah aynu ku qabsanaynaa, guddibaan maamulaysa la yidhado Guddida Qorshaynta qaranka oo wasiiro u badan guddidaasan go’aamisa meelaha inoo mudan, sanadkii ina dhaafay waxa la go’aansaday in la maalgaliyo Beeraha, Xoolaha, Biyaha, Deeganka, iyo waddooyinka, marka mashaariicdii sanadkii hore in la isticmaalo ay ahayd waa 11Milyn  oo dollar, sanadkan waxaanu rajeynaa in lacagtii sanadkii hore aan la isticmaalin iyo tan sanadkan in lawada isticmaalo lacagtaasi oo noqonaysa 38 Milyan oo Dollar.”Ayuu yidhi Wasiirku.