Wada Hadaladii Turkiga: Ma Gaboodfal ayaa la inoo Geystay mise Xasuuq?. W/Q: Cali Nuux Ducaale

0
173

Wada hadalkii Somaliland iyo Somalia  ee lagu qabtay Turkiga si qaldan ayaa loo adeegsaay kalmedda “Atrocity” oo macnaheedu yahay gaboodfal halkii laga odhan lahaa Genocide oo ah xasuuq.

Kunkiiba hal lama diiwaan gelin wixii xasuuq dhacay laakiin dhawr an wax ka qoray ayaan halkan ku soo gudbiyey. Waxa majara habaabinta ku shuqul leh Turkiga oo isba xasuuqyo loo haysto oo aan jeclayn in la soo hadal qaado.

Wixii diyaarad maati qaxaysa la raac-raacaysay baas, wixii guri xaas ku jiro madfac ku fadhiistay, wixii umad  wado maraysa BKM dabada loo qabtay yaa xisaabin kara? Xabaalo wadareedyada magaalo walba ku yaalaa maxay galabsadeen hadaanay ahayn isir gumaad?. 21 qof oo sawirkoodu halkan la socdo oo xaafada shacabka inta guryahooda laga soo saaray meydkooda laamiga la dhigay, xasuuq ma tahay?  47 ardayda jaamacada u badnaa ee xeebta gasiira ciida lagu rogey xasuuq ma tahay?

Intaan wada hadalka la sii wadin ha la qirto xasuuqa (Genocide). Sheekadu dad is laayey may ahayn waxayse ahayd dowlad dadkeeda gumaadaysa.

XASUUQA REER XIIREY 1984

 

Shan nin oo ka tirsana qoyska reer Xiirey oo kala ahaa Axmed Cabdilaahi Muuse (Xiirey), Maxamed Axmed Cabdilaahi, Maxamed Jaamac, Laba Suul, Maxamed Maxamuud Ismaaciil, iyo laba nin oo kale ayaa xilli ku beegan September 1984 geed hoostii lagu xukumay oo isla maalintii bartii lagu toogtey. Wuxu reerku degenaa agagaarka Gogolwanaag. Waxa lagu eedeeyey in ay marti geliyeen laba nin oo safar ah kuwaa oo degey kayn reerka ku dhow iyaga oo sheegay in ay sigaar sitaan. Maalintii dambe markii ay ka tageen reer Xiirey ayaa mid ka ah labadii nin oo Mahiigaan la odhan jirey lagu qabtay meel u dhow Caabudla kii kalena wuu baxsaday. Waxana lagu eedeeyey in u hub ay lahayd SNM ku sidey laba awr. Markii la weydiiyey meesha ay u hoydeen habeenkii hore ayuu asteeyey meesha ay u hoydeen. Waxa maxkamada watey janaraal Moorgan, garsoore Cismaan Xasan iyo xeer ilaaliye Yuusuf Dheere. Taliyaha aaggu wuxu ahaa Jaamac Giriin. Nin ka mid ah shanta reer Xiirey oo dhawr cisho ka hor Jidda ka yimid oo Xiirey gabadh ka qabey ayaa maxkamada u sheegay in u qariib yahay oo anu waxba la socon. Waxay maxkamadu is weydiisey waxa laga yeelayo ninka Jidda ka yimid ee qariibkaba ah. Xubin ka tirsan maxkamada ayaa laga sheegay in u yidhi xaajiyada Hilux-ta ah ee u la yimid ayaan qaadan e inaga raaci toogashada. Reerku xoolihii u lahaa nool iyo mood waxa wada qaatay maxkamadii iyo askarteedii la socotey, gurigiina waa la gubey.

 

 

 

    XASAN MUXUMED CIGE (XASAN OOGO)   JUNE 1988

 

June 1988 koox dad ah oo lagu qabtay kantaroolka Hargeysa ee galbeed (Buurta kala jeexan) tii oo u dagaalku dhawr cisho  socdo waxa dadkaa ka mid ahaa Xasan Muxumad Cige oo tagsiile ka ahaan jiray Hargeysa. Waxa loo yaqaanay Xasan Oogo, wuxu ahaa nin aan siyaasad shuqul ku lahayn, Dhaqdhaqaaqa Waddiniga Soomaaliyeed (SNM) u muu riyaaqsanayn. Dadkaasi waxay is yidhaahdeen ka baxa magaalada oo galbeed u baxa, xaggaas oo ay amaan bideen. Waxay isku raaceen dad badan oo xaasas iyo ragba leh. Markii ay gaadheen bar baadhista (Kantrol) waxa joojiyay ciidanka maamulka Siyaad Barre. Carruurtii iyo dumarkii way siidaayeen, ragiina badankiisa way la hadheen. Xasan Oogo waxa la socday walaalkii oo masaajid gale (Xeraw) ahaa, wuxu sitay kutub iskugu jirta Quraan iyo kuwo kale. Xasan Oogo wuxu ahaa nin farxaan ah oo an jeclaa oo tagsigiisa hor dhigan jirey farmasigeyga, December 1985 oo an aroostay ayuu ii shaqayn jirey. Askartii joojisay waxay Xerawgii waydiiyeen wuxu ka shaqeeyo, waxanu sheegay in u arday yahay. Waanay sii daayeen. Laakiin, intii kale oo Xasan Oogo ku jiro dib looma arag. Tirada raggaas lama xaqiijin, waxana loo malaynayaa in lagu xabaalay laagaha kantaroolka u dhow amma la geeyey guriga weyn ee Boqol Jire, kaas oo dadka lagu ururin jirey oo markuu buuxsamoba la faaruqin jirey oo dadka kolba badh la dili jirey. Dadkaas lagu ururiyey guriga badankoodu waxay ahaayeen rag isugu jira kuwa ka tirsan ciidanka dowladda Somaliya oo loo qabsaday Isaaqnimo, iyo kuwo magaalada laga ururiyey oo ah shicib an hubaysanayn, qaar laga keenay Gabiley, Boorame iyo meelo kale. Badanaa waxa la isugu xidhi jirey laba laba, inta la sii kala jeediyo oo labada  dhabar la isu saaro ayaa gar lagu duubi jirey, ka dibna dhulka la jiifin jirey, markaana waxa afarta cidhif qaban jirey 4 nin oo gaadhi weyn oo dabada loo furay ayay saggxadiisa ku tuuri jireen, sida gadbad bariis ah. Waxa hawshaa ku qaybsanaa dilaaga weyn ee Gaashaanle Ducaale Ganaane Cuncun, kaas oo janaraal Maxamed Xaashi Gaani seedigii ahaa kaas oo Ogaadeen ah. Marmar wuxu ku guri jirey gaadhi xaajiyad ah oo u isagu iska lahaa, waxa u geyn jirey laagta weyn ee Malko Durduro oo guriga Taliska Guud ee qaybta 26aad ee ciidanka Soomaaliyeed ka xigta galbeed iyo laago kale oo ku dhowaa meeshaas. Waxa lagu dili jirey xabbadda loo yaqaan ifiso (tracer). Waxa kale oo u kaxaysan jirey gaadhi booyad ah si loo bakhtiiyo marka dadkaa lagu laayey ifisada ay ololaan (gubtaan). Waxana lagu aasi jirey cagaf, sababta dadka loo bakhtiin jirey marka tracer ay ololiso lama garanayo. Dagaal si xun la isugu xasuuqo Soomaali waa lagu arki jirey laakiin dad kuu xidhan oo maxaabiis ah kolba koox isku garbaduub oo xabbad mari waa arxan darro ay sameeyeen Maxamed Siyaad iyo maamulkiisu.

 

 

GOOBJOOGE BERBERA JUNE 1988

 

Warkan waxan ka qoray Yaasiin Muxumed Cilmi 27/5/88. Markii la qabsaday Burco ee ay qabsatay SNM 5 cisho ka dib ayaa la bedelay taliyaha ciidanka degmada Berbera oo ahaa Muuse Bigil waxana lagu bedelay Col. Xuseen Macalin oo ahaa Ogaadeen. Wuxu amar ku bixiyey in bandoo laga dhigo magaalada laga bilaabo 3da galabnimo ilaa 6da aroornimo. Lana toogto wixii lagu arko dibada oo dharcad ah (an ciidan ahayn). 5/6/88 waxa la bixiyey amar danbe oo ah in dadka Berbera dega la kala qayb-qaybiyo oo loo kala qaybiyo Isaaq iyo inta kale oo hub la siiyo wixii an Isaaq ahayn oo kala ahaa Warsangeli, Ugaaslabe, Dhulbahante, Abasguul, Ogaadeen, Majeerteen iyo Hawiye iwm. Hawiyuhu markii dambe hubka wuu diiday. Dadka la siiyey hubka waxa loogu qudbadeeyey in dadka qabsaday Burco iyo Hargeysa ay ku soo socdaan Berbera oo ay layn doonaan wixii an Isaaq ahayn sidaa aawadeed ay hubka haystaan oo ay iska difaacaan Isaaqa. Waxa la bixiyey amar ah in an magaalada wax soo geli kara iyo wax ka bixi kara anu midna jirin taas oo keentay dhibaato badan oo u keentay reer miyigii iyo reer magaalkaba. Dhibatadaas oo ah in dadka reer miyiga uga tegi jirey raashinku magaalada iyaguna waxay magaalada keeni jireen khudrada, caanaha, hilibka iyo duxusha, waanay kala xidhmeen. Waxa u dheeraa reer miyiga tii oo ay ku xeernaayeen qaxooti kala degen Bixin, Biyooley, Adhi cadeys iyo Saba cad kuwaas oo loo hubeeyay sidii loo hubeeyey reer magaalka oo loo fasaxay in ay dhacaan reer miyiga iyo dadka beeralayda ah.

 

Beeraleyda la dhacay waxa ku jirey reer Bixin, Mijacase iyo Biyooley. Goobahaas oo ragii lagu laayey dumarkiina naloogu keenay Berbera, xoolahoodana lala wareegay, sida xoolaha nool baabuurta iyo beerahaba. 26/6/88 waxa yimid degmada Berbera wasiirka gashaandhiga Aadan Gabyow, waxa la soo shiriyey dhamaan dadkii ku noolaa magaalada oo lagu soo shiriyey xarunta xisbiga ee 26ka Juun. Wuxu ka hadlay xaalada nabadgelyada ee gobolada waqooyi wuxuna yidhi ninkii isleh way jiraan Hargeysa iyo Burco wuu khaldanyahay ee midkoodna ma jiro. Waxa lagu garaacay gurhihii madaafiicada B.M-ka iyo hubka culus oo way burbureen dadkiina waa wax guryuhu ku dumeen iyo wax maydkoodu yaallo wadooyinka iyo wax firxaday oo an war laga hayn meel ay jiraan. Markaa dadka Berbera waxa loo sheegayaa in ay ka digtoonaadaan si anay ugu dhicin taas oo kale. Wuxuna ka codsaday wasiirku ciidamada qalabka sida oo ku gadaanaa in ay wixii ay u maleeyaan in ay calool doonayaan SNM ay qabtaan, xidhaana oo hantidoodana la wareegaan. Waxanu bixiyey magacyada kala ah Qudhmis aamusan, Qudhmis hadlaysa iyo mid dagaalamaysa. Intaas oo isku wada mid ah isku midna ha loola dagaalamo. Waxa la bedelay taliyiihii ciidamada Xuseen Macallin oo laga dhigey abaanduule waxana la keenay janaraal la yidhaa Axmed Warsame oo Mareexaan ah.

 

Waxa Berbera laga dhigay saldhiga koowaad ee gobolada woqooyiga oo laga hageyey dagaalka ka socdey waqooyiga oo dhan, waxanu joogey janaralku guryaha Nat Fiish ee kantoroolka agtiisa. Janaraal Axmed Warsame wuxu bixiyey amar cusub oo ah in la ururiyo dhamaan ragga qabiilka Isaaqa waxana lagu guray jeelka Berbera oo caadi ahaan qaada 475 qof, markii lagu ridey halkaa tiro badan oo gaadhaysa 1200 oo rag ah, dumarna waxa ku jirtey Faadumo (Tima Dheer), waxa la geeyayey jeelka qaybta. Dadka lagu tuhmo in ay adduun haystaan jeelka ayaa lagala bixi jirey habeenkii oo la qaawin jirey lana garaaci jirey oo bada lagu ridi jirey oo waliba loo xidhi jirey figta loo yaqaan MIG. Dadka sidaa loo galay waxa ka mid ahaa Faadumo (Tima dheer). Markuu buuxsamay jeelku waxa dadka lugu ururin jiray xerada Hangashta oo halkaa lagu dab-dabri jirey ka dibna loo gudbin jirey godka u dhow gegida diyaaradaha. Ninka la yidhaa Calas ayaa xukumaayay hangashta oo ahayd qolada ururineysey dadka, waxanu si toos ah uga amar qaadan jiray madaxwayne Maxamed Siyaad. Waxanu ahaa Calas qabiilka Mareexaanka ee madaxwaynaha. Wuxu la bixi jiray habeenkii dadka ku xidhan hangashta iyo godka eerboodhka isaga oo  dadkaa geyn jiray meel xeebta eerboodhka ka xigta koonfur oo magaalada u jirta ilaa 15km halkaas oo magaceeda la yidhaa Gumburaha, halkaa ayaa lagu gawrici jiray dadka Isaaqa ah. Mararka qaar waa la toogan jiray tii oo 7 nin inta la isku xidho la sii kala jeedin jiray oo lagu furi jiray qoriga Baroonka, dadka halkaa lagu toogtey amma la gawracay waxa ka mid ahaa:-

 

 

Maxamed Cumar Mushteeg oo ka shaqayn jiray                               Furdada .

Dumush                                                                                                               Kastamka

Saleebaan mooryan                                                                        Tagsiile

Wiil waalan                                                                                         Tagsiile

Bidhiidh                                                                                                Tagsiile

Badhya-cune                                                                                     Adhiile

 

Waxa halkaa lagu dilay dad lagu qiyaasay 500 oo dhalinyaro iyo ganacsato ah, qiyaasaha qaar ayaa tirada intaa ka badiyey. Dhamaadkii bishii todobaad 1988kii waxa dhacay in xaaladu intii ka sii qalafsanaatay iyada oo dadka markii lagula kacay dil iyo gawrac ay isku dayeen in ay ka lugeeyaan habeenkii magaalada, waxa magaalada ku gadaanaa ciidamo ilaalin jiray waxayna ahayd bisha ugu kulul oo kulaylku gaadho 44°c. Waxa halkaa ku dhintay dad badan oo ay ka mid ahaayeen Xirsi Dhiico oo ku haystay hudheel magaalada Berbera iyo nin ka shaqayn jiray xanaanada xoolaha kuwaas oo an anigu u biyeeyay caagadaha biyaha ee ay dhexda ku cabi lahaayeen. Ninkaa waxaa la odhan jiray Muuse Aw Cabdi Shabeel. Aniga oo ah Yaasin Muxumed Cilmi oo jiray 25 sanadood oo ku haystay dukaan Berbera waxan biyaha ugu shubay caagado labadan nin waxay ku dhinteen dhexda markii ay ka dhamaadeen biyihii oo ay ku dhinteen banka Goobaare haraad awgii. Waxay Soomaalidu isku habaari jirtey “Goobaare gabbal kuugu dhac”.

 

Waxa soo galay Berbera markab ka yimid Jidda oo magaciisa la yidhaa Yaara oo siday dad mastaafuris ah oo ay ku jireen rag Isaaq ah oo ah 36 nin. Markii u markabku ku soo xidhay dekeda waxa u tegey Hangashta iyo Nabadsugida markaas oo wixii Isaaq ah markabka dushiisa lagu ka tiinadeeyay waxana la geeyay xerada Hangashta markaas oo wixii ay alaab siteen laga qaatay oo lagu reebay nigis nigis qudha. Habeeno ka dib waxa la geeyay xero dhiigta (Gumburaha) waxase laga tegey 8 nin oo mid kood u mar dambe jidh dil u dhintay oo jeelka ku dhintay. Dadkaa waxa ka mid ahaa kuwo an arag Somaliya muddo ka badan 40 sanadood. Waxa mid walba la waydiiyey qabiiladiisa tii oo la yidhaa abtirso.

 

Ragga an arag Soomaliya mudada ka badan 40 sanadood waxa ka mid ahaa Timacade Cabdi Xaaji Macaash.

 

Waxa kale oo dhacday in lagu ururiyey rag ka shaqayn jiray xerada lagu xanaaneeyo xoolaha dhoofa oo tiradoodu ahayd dhawr iyo labaatan nin. Kuwaas oo ah dhalinyaro, waxa la geeyay Gumburaha oo lagu gawracay laakiin waxa ka soo noqday nin margiga ka gawracan oo hadana nool. Tobankii aroornimo ayaa lagu ururay isaga oo soo gaadhay xaafada Barwaaqo, waxa la waydiiyey sida ay wax u dhaceen waxanu ku jawaabay “aniga oo garbaduuban ayaan kor u eegay ninkii I gawracaayay oo an wajigiisa gartay sidaa darteed wuxu iga daayay mididii waanu iga tegey, kadibna waan soo gurguurtay”. Waxa loola cararay dhakhtarka oo u ka buuxo dad dhaawac ah oo ku dhaawacmay dagaalada waqooyi sida Madheera, Cadaadlay iyo meelaha kale oo ah agagaarka Berbera. Habeenimadkii ayaa lagala baxay dhakhtarka oo xawda laga gooyay. Argagax weyn ayay ku riday dadkii deganaa magaalada arrintaasi. Waxa keeni jirtay dhaawaca diyaarada Somali Airline ee Boyn afar goor habeen kasta iyo diyaarad kale oo ah Shabeelay, iyana waxay keeni jirtay laba jeer ciidan faro badan oo hub culus iyo dirays cusub sita waxanay u badnaayeen qabiilka Hawiyaha kuwaas oo boobi jirey maheradaha ku hadhay magaalada.

 

Waxay faqashtu u bixisay ciidanka SNM saddex magac oo kala ah Raamaale, Indhacase iyo Indhacadde. Labada hore waa niman khatar ah oo laga baqo, Indhacase waxay indhuhu la casaadeen cadho, Raamalena wuxu la raamaystay haleel la’aan oo dagaal ayuu ku jirey muddo dheer. Labadaasi waa laba dagaalka ku baas laakiin ninka 3aad oo ah Indhacadde waa reer miyi an tababar lahayn oo kolka hubka culusi agtiisa ku dhaco anfariira oo indhaha cadeeya oo an dagaal fiican geysan karin lana qaban karo. Markii xaaladu qalafsanaatey waxan ka mid ahaa dadkii dhibaatadu qabsatay waxana ii dheeraa tii oo laygu tuhmey lacag. Waxa I ilaalin jirey oo nabad galyadayda doonayey ninka la yidhaa Cabdi Mahdi Axmed oo seedigay ah oo walaashay qabay oo ah qabiilka Dhulbahantaha oo ka shaqayn jiray warshada sibidhka ee Berbera oo injineer ahaa. Dadka kale ee I ilaalin jirey waxa ka mid ahaa gaashaanle Siciid Isbariije oo aha qabiilka Dhulbahante kaas oo yoomkiiba ii iman jirey 2 jeer oo I hubsan jirey inaan nabad qabo iyo in kale.

 

XASUUQA BURCO DECEMBER 1984

 

Burco waxa December 1984 la ururiyey dad badan kadib markay SNM weerar aaggaa ku qaaday, dadka la qabtay waxa lagu eedeeyey in ay SNM taageereen. 43 qof ayaa dil lagu xukumay oo la dilay tii oo qabashada iyo dilkuba ahaayeen dhawr cisho gudahood, waxa ka mid ahaa tijaar caan ahaa iyo macallimiin.

 

Phone: 063-4176986

Email: Alinuux@hotmail.com

Hargaysa, Somaliland

 

Xigasho

Xog ururin iyo goobjoognimo.