Cismaan hindow talo xumaantaada Hore ayay Udub u eeday

0
131

Cismaan hindow talo xumaantaada
Hore ayay Udub u eeday markii aad tidhi
Kulmiyaa kushubtaye Daahirow haku
Wareejin, W,Q Abdiqani Salaf Kaptanka

ololah3 (1)Taariikhdu waa diiwaan kala saara dadkii xumaa ee dunida soo iyo kuwii wanaagsana ee soomaray, taariikhdu waxay kala hufayta sidoo kale dhacdooyink xumaa iyo kuwii wacnaa ee soo maray dunidan, Cismaan hindi ayaa maanta waxa uu sheegay inuu talo siinayo xisbiga Ucid iyo gudoomiye eng Faysal Cali Waraabe, Hadaba Cismaan hindi haduu moodayo inay dadka reer Somaliland ilaabeen waxa sheegaysa taariikhda waxaanu haystaa shahaadadii dameerxumida siyaasiyiinta Somaliland, kadib markii Cismaan hindi oo ka tirsan xisbigii Kulmiye oo marka mucaarid aha ku biiray si bilaa mabda ah xisbul xaakimkii Udub,

Cismaan hindi mudoyar waxa uu ku sifoobay kuwii ugu musuqa badnaa xisbigii Udub ee ka faraqabsaday hantidii umada, Cismaan waxa uu ka mid aha shaqsiyaadkii faro ku tiriska ahaa ee guul daradii doorashooyinkii madaxtooyada u horseeday Udub, Cismaan wuxu aha ninkii markii Riyaale laga helay doorashadii si cad u dafiray natiijadii doorashada ee waliba kula taliyey Madaxweynihi hore ee Riyaale inaanu ku wareejin kursiga Siilaanyo oo markaa guul aan la dafiri karin kasoo hooyay doorashadii waxaanu ku taliyey Cismaan inuu Riyaale sii haysto kursiga doorashada oo dafiro isagoo rabay inuu wadanka qalalaase ka abuuro lakiin taas waxa ka diiday oo ku gacan saydhay Riyaale oo aha nin aad u caqli badan isagoo eegaya maslaxada dalka si cad u sheegay in laga helay doorashadii waana abaal loo hayo RIyaale,

Cismaan hindi waxa ka hadli naaya qabyaalad sababta uu u wareeray eng Faysal Waraabe na waxay salka ku haysa wasiirka arimaha dibada oo ay isku reer yihiin ayuu  uhadlaya markii uu Faysal ka hadlay siyaasad xumidiisa arimaaha dibada ee Cismaan uma danaynayo Somaliland, Cismaan hindi waxa uu ku caanbaxay fidmida uu kala dhex dhigo bulshada isagoo qandaraas ku qaatay burburintii xisbigii Udub doorashadii dabadeed oo lawada ogaa fidmadii uu kala dhex dhigay xubnihii xisbigaas,

Waxaan halkan ugu bayaaminaya walalkay Cismaan inuu eng Faysal Cali Waraabe yahay halyey qaran oo ku suntay calanka Somaliland waa siyaasiga kaliya ee dantiisa u ilaabay danta guud ee Somaliland waa siyaasiga kaliya ee aan hanti ka urursan siyaasada maanta guri kiro ah Hargeisa oo uu ku dhashay suldaana ka yahay kaga jira halka uu Cismaan hotelka wayn ee Crown ka samaystay hantidii umada intii uu siyaasada ku jiray, Eng Faysal waxa uu haysta kalsooni shacab taariikhdana baal dahaba ayuu kaga jiraa, Gudoomiye nimadana sifo sharciya ayuu ku fadhiyaa markay ka dhamaatana sifo sharciya ayuu uga dagayaa si sharaf badan,

Cismaan hindi waxaan kula talin lahaa inuu ka daayo bulshada reer Hargeisa dhaqan xumida oo waa su,aale Crown ma minaabayt baa mise wa Hotel caadiya? Hadii jawaabtu tahay waa hudheel caadiya kadaa ragan iyo dumarkan aan ilaahay isu banayn ee aad isugu xaraynayso Crown oo quud xalaala shaqayso intaan masaajidada lagaaga soo dareerin, Ugu danbayn adigaa talo u baahane intaad taada hagaajinayso cid danbe hala talin saxaafadana mardanbe ha is keenin hadii kale file shaada ayanu soo hordhigi saxaafada iyo dad waynaha, waxaan kusoo afmeerayaa heestii mujaahid mooge ee halgankii ( hadeer iyo danta guud hawraartu laba ma leh kii halgami lahaa iyo kii kahadhi lahaayee ee hungurigu leexyoow mujaahidkii xalaale huraaya naftiisow taariikhdu way hadhi waanay kala hufmaysaa)

wabilaahi towfiiq

 

Abdiqani Ibrahim Salaf (kaptanka)

realcabdiqani@gmail.com