Ciidamadda Jaandaaran mariiga oo Qareenka Mucaaradka Jabuuti iyo laba Faransiis ah xabsiga u taxaabay

0
95

Cali Sabiix(Waaheen) Mareegta mucaaradka Jabuuti (USN) ayaa baahisay in maanta Ciidanka 1488947_278085742342961_225906329_nJaardaaran maariigu xabsiga dhigeen Qareen Xildhibaan Sakariye C/laahi Cali iyo laba nin oo Faransiis ah oo ay saaxiibo ahaayeen, kuwaas oo ay ku sugnaa magaaladda Cali Sabiix.

Qoraalka ay mareegtu baahisay waxa uu u dhignaa sidan:-

Galabta xilli ay guur sheegtu ku abaarneyd afartii galabnimo taarikhduna ku beegneyd 23 01 2013 waxa loo taxaabey Jeelka magalada Ali-Sabieh Sakariya Cabdillaahi Cali oo ah Qareenka Dalada Mucaaradka Jabuuti ee magaceega lagu soo koobey (USN) iyo sadex qof oo kale oo ay labo tahey Faransiis, kuwaas oo saaxiib dhowna la ahaa Garyaqaan Sakariye iyo nin dhalinyaro reer jabuuti ah, waxaana u taxaabey Jeelka Ciidanka loo yaqaan Jeedaaranka ee rugtisu tahey magaalada Ali-Sabieh.

Sakariye Cabdillahi Cali  waa  Afmaale (Garyaqaan=Lawyer ) una dooda xaquuqda Dalada Mucaaradka Jabuuti ,sidoo kale waxaa u madax ka yahey hay`adda xaquuqda aadamaha ee LDDH ee dalka Jabuuti  sidoo kale waa Xildhibaan ka mid  ah Baarlamaanka  Dalada Mucaaradka Jabuuti, waxa  lagu bar-tilmaameedsadey hawlaha shaqo ee uu u hayo Dalada Mucaaradka Jabuuti oo kaliya, ee ma jiro  danbi kale oo loo heysto ama  la odhan karo waa uu ku muteystay Xabsiga u hadda ku jiro