Badhasaab ku-xigeenka Togdheer oo saldhiga dhexe ee Hargeysa laga sii daayey galabta

0
139

Hargeysa(Waaheen) Badhasaab ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer ee ku xidhnaa saldhiga Dhexe ee Hargeysa ayaa galabta la sii daayey kadib markii laga qaaday damiin.

guuleed 2Wariye ka tirsan Waaheen oo ku sugnaa Saldhiga Dhexe agtiisa ayaa sheegay in uu arkay isaga oo la sii daayey isla markaana waxa uu sheegay markii uu u kuur galay in Damiin lagu sii daayey.

Guuleed Daahir waxa uu xidhnaa muddo dhawr iyo toban cisho ah isagoo laga soo qabtay markii hore Burco, hadana waxa mar kale laga soo qabtay kantaroolka Hargeysa isagoo ku socda Burco.

Intii uu xidhnaa waxa xukuumada loo soo jeediyey baaqyo badan oo lagaga dalbanayey in Xorriyadiisa loo celiyo, hase yeeshee ma cada sii dayntiisan in ay ka danbeeyeen culaysyadaas Xukuumadda ka soo gaadhay baaqyadu.