Labadii Dhaarood iyamaa Dhaboobey: Qalinkii Amiin Khadar.

0
93

Madaxweynaha Somaliland sidii aynu wada arkeyney markii uu xilka qabtay waxa uu dhaar kitaabka quraanka ah ku xagaf siiyey inuu cadaalad  iyo daacadnimo ku shaqeyn doono una xaqsooridoono ku wii doortay iyo mid aan dooranba ,hadaba waxaan laguba darsan inay dhaartan dhaarkale ka horeysey oo ah tii Qoyska ee Gar adag   labadan dhaarood waxa laga doonaayey inuu fuliyo laba buug oo kala duwan midi waa kii cagaarnaa ee Kulmiye ee uu ololaha ku galey  kan kalena waa kii Gar adaga oo in gaar ahi uun ogtey .

BAL HADABA LABADII IYAMAA AGOOMOOBEY.
Sida caadiga ah taa buuga caagaran cidii ay aheyd inay ku ilaaliso waxay ahayd labada gole iyo maxkamada. Halkaa waxa inooga cadaatey inaan dhaartaa lafulin laguna ilaalin haayadihii loo xilsaareyna aaney xilkoodii gudan.
Dhaartii fushey oo ah tan Gar adag waxay leedahay gudi mus dambeeda(COPRA COMMITTEE) oo uu gudoomiye ka yahey Suldaan Saleebaan Maxamuud Aadan,gudidani waa mid firfircoon oo xilkeedii sifiican ugudatey  hadaba waxyaabihii ufuley qeyb kamida ayeynu is yara tusaaleyn .
1-Todobaadkii ugu horeeyey waxay qabatey waxa ka mida Maxjar Berbera ee INDHO DEERO  ayey ku bilowdey inay tidhaa waa sharci.
2- Total oo aaney ka dhex muuqan Gar adag oo la laaley sharciyadeedii taasi uu bixiyey Marxuun Cigaal.
3-Warshadii Sibidhka oo Dahabshiil  lasiiyey oo dadkii dowladii hore ka heystey ogolaanshaha aan la tixgalin oo aad moodo dhaqanka dowladan in aanay sharciba aheyn dowladii ka horeeyey.
4-Doorashadii golaha deegaanku markii ay dhacdey waxa dowladu si indho la aana ay awood usaartey inay maayar ku xigeenka  Berbera  ay keento madaxweynaha beeshiisa nin ka soo jeeda  kolkii dadku rabitaankiisa muujey  si ay ukhalkhaliso dowladu waxay udirtay ilaa heer wasiir iyadoo maqal iyo muuqaalana ah waxay dadka reer Somaliland markhaati ka ahaayeen isku daygii dowladu inay xoog ku meel mariso rabitaankii Gar adag hadaba markii taasi dowlada usuurto galiwaydey wuxu madaxweynuhu si fudeyd ku jiro oo aan milgihiusa iyo ka dowladnimo midna ku fiicnayn ula saftey beeshii uu ka soo jeedey ee waydey maayar ku xigeenka jawaabna wuxuu taa uga dhigey inuu xilkii ka qaado Badhasaabkii iyo magacowga uu xoghayaha dowlada hoose u magacaabey nin beeshiisa ka soo jeeda isagoo adeeg sanaya awoodiisa gacanta ugu jirta oo macnaheedu yahey kanba jooja.
Bal hadaba akhristow waxaad barbar dhigtaa golihii deegaanka Burco markii beesha madaxweynuhu ku guuleysatey Maayar ka Badhaasbkuna uu isla beeshiisa uun ka jeedey sida doorashadii taa ka horeysey ee uu qabtey Riyaale markii ay ku guuleysteen beesha galbeed maayarka waxa uu markiiba saxey miisaankii oo uu badhasaabkii umagacaabey bariga burco nin ka soo jeeda tanse dhag jalaq uma siin cabashadii galbeedka markii ay arintaasi cakirantey ee ay murugtey si uu ubadbaadiyo wuxuu isku bedeley goboladii dalkoo dhan si uu ninkaasi u badbaado waxaanu geeyey Awdal taasi waxay ka mid ahey Axdi Gar adag kale oo fuley.
5- Gudoomiyaha gudiga qandaraasyada waxa loo magacaabey gudoomiyihii qaadhaanada beesha Gar adag oo fadhigiisu ahaanjirey Abudabay Aadan Nugaal si uu qandaraasyada usiiyo dadkii Siilaanyo taageerijirey ee tirsanaayey inay amaaho ku leeyihiin Madaxweynaha mudadii tobanka sano aheyd,halkan idiinku soo qorikarimaayo hasayeeshee qormo gaara ayeynu arintaa ku lafa guri.
Hadaba Dastuurkii Gar adag waxa ku jirey labada shirkadood ee Telesome iyo Qaybta Handling ka ee Shirkada Daalo inay maraan halkii Total waxaan filayaa inaad lawada socotaan maalmihii imika ugu dambeeyey in wasiirka duulistu sheegey inuu heshiis lagaley shirkad loogu yeedhey Al-Carabiya inay qabandoonto shaqooyinkii ay garoomada ka heysey waxaaney Al-carabiya cadeysey inaaney arintan waxba kajirin waana dhaqan cusub oo shirkado sadex xaraf magacyo ka kooban kana diwaan gashan dibadaha laynoo sameysto xaqiiqse ay tahey waxaan ajanabi shaqo ku laheyn .
Waxaan ku soo gabagabeynayaa tix murtiyeedkii ala ha unaxariistee Abwaan Cabdi Iidaan ee uu lahaa

Shanqadha shariiryaha digsiga
shagagaxdii weelka
Sidii wananka loo kala shishlaa
Shiilimaad noqoy
Shansho kama dhadhamin reerku
Waa shay cajaa ib ah
Waxay sheeka baraleydu tahey
Sheeg hadaad garato.
Lasoco qeybaa dambe……