Abwaan Axmed Aw-geedi oo ka tagay shaqadii HAVOYOCO.

0
199

axmed aw geediAniga oo ah Abwaan Ahmed Aw Geedi Moxamuud  waxa  aan dadwaynaha lasocodsiinayaa in aan ka tagay shaqadii HAVOYOCO aan u hayay laga bilaabo maanta oo ah 21 January 2014 sababaha hoose ku qoran awgood.

  1. Sida dad badani la socdaan waxa aan dhawaan soo saaray maanso la magacbaxday  Garbo-diir taas oo ahayd fikirkayga gaar ah taas oo aanan cidna ku mataleyn fikirkooda urur iyo shaqsiyaad gaar ah midnaba
  2. Midda labaad maansadan waxa lala xidhiidhiyey xafiiska aan ka  shaqeeyo ee HAVOYOCO oo runtii  aan waxba kala socon tirinta maansadan shaqana aan ku lahayn  haba yaraatee
  3. Sidaa darteed waxa aan go’aansaday in aan ka tago shaqada aan u hayay xafiiska HAVOYOCO laga bilaabo taariikhda kor ku xusan si aan howlahayga gaar ka ah ugu madax banaanaado.

 

Abwaan Axmed Aw Geddi Maxamuud