Komishanka iyo gudida diwaan galinta keeba ka masuul ah anshax-marinta asxaabta siyaasadda?

0
112

Shirweynaha Xisbi Qaran waxaa la qabanayaa (5 sano) hal mar Waxaana la baahinayaa (60) maalmood ka hor.

muuseWaxaa Xisbiyada somaliland qaarkood La soo darsay xiligan khilaafyo ka dhexeeya kooxo iyo shaqsiyaad xil xusbiga u haya ama xil qaran ku haya magaca xisbiga, Sida Xubno ka mid ah golaha deeganka oo ka mid ah xisbiga Ucid oo Taageeradoodu ku biiriyay xisbiga kulmiye, Iyo Khilaafka La isku mari waayay ee la soo darsay xisbul xaakimka Kulmiye, Arimahan oo u Baahan In Lagu xaliyo ama Lagu saxo Xeerka U yaala oo ah { Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda X.LR 14/ 2000} 

Kani Waa Qodobka Sida Xooga ah ay ugu Muujisan Tahay Kala Xiliga Iyo Cida Ay Hoos Tagayso Xilka Adeegsiga Anshax Marinta Xusbiyada Qaran. 

Qodobka 25aad: Tayaynta iyo habaynta xisbiyada Qaranka

1. Xisbiyada Qaranka ee Doorashada ku guulaystaa waa in ay ku dhaqmaan maa-mul wanaag iyo dimuquraaduayad dhexdooda ah, waana in awooda loo siman yahay. Talada xisbigana waa in mar kasta lagu go’aan qaataa qaabka uu dhigaayo xeer hoosaadka.

2. Shirweynaha Xisbi Qaran waxaa la qabanayaa 5 (shantii sano) hal mar waxaana la baahinayaa lixdan (60) maalmood ka hor.

3. Shirka xisbi ee golaha dhexe waxaa la qabanayaa halkii sanaba mar waxana la baahinayaa 30 casho ka hor.

4. Shir waynaha xisbiga waxa lagu soo dooranaya.

b. Xubnaha hogaanka xisbiga iyo guddida fulinta

t. Xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga

j. Waxaa lagu ansixinayaa barnaamijka iyo xeer-hoosaadka xisbiga.

5. Liiska xubnaha golaha fulinta iyo golaha dhexe ee xisbi iyo nuqul xeer-hoosaadkooda ah waxaa loo gudbinayaa xeer-ilaalinta, komishanka doorashooyinka qaranka iyo gudida diwaan gelinta mudo aan ka badnayn 30 maalmood shirwaynaha ka kib.

6. Hogaanka xisbiga, Guddida fulinta iyo xubin golaha dhexe waxaa xilka qaadistooda soo jeedin kara.

b) 1/3 xubnaha golaha dhexe ee xisbiga.

t) Gudoomiyaha xisbiga.

j) Is-casilaad.

Waxaana cod kala-badh iyo hal ku ansixinaya xubnaha golaha dhexe ee xisbiga.

7. Gudidda diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka ayaa xisbiyada dhexdooda ku ilaalinaya Dimuqraadiyada, iyagoo war bixintooda u soo gudbinaya Golaha Wakiiladda marka loo baahdo.

 

8. Marka mudo xileedka Gudidda diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka uu dhamaado waxaa shaqadooda la wareegaya komishanka doorashooyinka qaranka.

Xeerkani wuxuu awoodaas anshax marinta u siiyay laba hay’adood oo kala ah *Gudida Diwaan Galinta Ururada Iyo Asxaabta Siyaasad Iyo
*Komiishanka Doorashooyinka Qaranka
oo mid waliba ay xili go’an yeelanayso qabashada hawshan sida ku cad xeerkan gudihiisa Xeer No:14
 Halkaas Markaynu Marayno Waxaynu Eegayna Maanta Labadan Hay’adood Midkee Ay U Sugnaatay  Awooda  Anshax Marinta Asxaabtu?
XEER NO:14/ Qodobka 3aad: Faqrada 6aad.
Guddidu waxay xilka haynayaan muddo (2) labo sano ah oo ka bilaabanta maalinta ay Maxakamada sare xilka u dhaariso.
Madaxweynuhuna waa u cusboonaysiin karaa hadii loo baahdo, iyada oo muddo kordhintaasi cusub laga ansixin doono Gollaha Wakiilada.

*Waxa La Dhaariyay Xubnaha Gudida Diwaan Galinta 04-Oct-2011 Taas Oo Ka Dhigan Marka Xeerkan lagu sar-jaro In Mudo xileedkoodii Ku Eega 04-Oc-2013,
Waxaana ay ku sii fadhiyaan Xafiiska Muddodaas   Saayidka ah Dalabka Muddo Kordhin uu U Sameeyay Madaxweynuhu oo aan helin ogolaanshihii Golaha Wakiilada

Xeer M/weyne  sumadiisu ahayd JSL/M/XERM/249-2108/102013, Ku Taariikhaysanaa14 Oct 2013.

{Waxaan go’aansaday In Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka u cusboonaysiiyo muddo xilleed dambe oo ah laba sannadood oo ka

 
Hada Waxa Inoo Muuqata Inay Xiligan aynu ku jirno ay tahay xiligii ay Komiishanka Doorashooyinku Lahaayeen Awooda Anshax Marinta Asxaabta Siyaasada, Maadama oo ay ku egayd mudo-xileedka sharciga ah ee Gudida Diwaan Galintu 04-Oc-2013.
Waxa Mudadaas Intii Intii Ka Danbeysay Soo Baxay Isqabsiyo Dhax Yaala Xusbiyada qaar ka mid ah oo u baahan in ay helaan Cidii kala saari lahayd
Hasa Yeeshe waxa iyaduna Mushkilad ku ah Kalsoonidii Komiishanku ku gudan lahaa waajibkiisa Mudo kordhinta uu madaxweynaha somaliland u sameeyay Gudida Diwaan Galinta ee wali qabyada ah.
Hadaba Waxaa Jirta Baahiyo u baahan jawaab iyo ka go’aan gaadhis degdeg ah oo ay qaado hay’ada awooda u leh Anshax Marinta Xusbi/Xisbiyada.
Taas oo ay haboon tahay inaanay isku halaynta Ay Labada Hay’adood ee Komiishanka Doorashooyinka iyo Gudida Diwaan Gelintu, ay midiba mid ku halaynaysaa  Aanay Sababin Muran Iyo Khilaaf xal u helistiisu raagto oo keena inay Caqabad ku noqoto Doorashooyinka loo mudeeyay sanadka soo socda,
Sidaas Darteed Waxa Aan Ku Dhiiri galinayaa Komiishanka doorashooyinka qaranka Inay Ka Jawaaban Muranada Ka Dhax Taagan xusbiyada Qaranka qaarkood oo ay qabsadaan hawshooda si sharciga waafaqsan.
Guul iyo Gobonimo

Qalinkii:- Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed Hargeysa