Madaxweyne Safarkaaga dhib badan ayuu Shacabku kamutaa ee makufikirtay inaad Madaxtooyo magaalada kabaxsan dhisato? W.Q Abdiqani Salaf Kaptanka

0
112

Madaxweyne ma ogtahay maalinkasta oo aad safar dibada ugu baxayso ama magaalada gudaheedaba aad u baxayso ama aad gobalada dalka ubaxayso marwalba in magaalada laguu salafixidho adigoo aan wali toosin oo inta aad quraacanayso Iyo inta  aad diyaargaroobayso ee aad gurigaaga kasoo baxayso ilaa inta madaarka Hargeisa aad kaduulayso xitaa inta aad saxaafada lahadlayso iyo inta aad kaduulayso magaaladii Hargeisa ciidamo haystaan oo lakala xidho magaalada  wadnaheeda jiha kasta meel lakala maro lawaayo oo baabuurta jidwalba kaxidhmo,

Madaxwene dhibta dadweynaha Reer Hargeisa kaqabsata safaradada waxa kamida dadka oo ka habsaama dhamaan hawl malmeedkoodii Sida  shaqooyinka, Waxbarashada, shirarka, Safarada, dadka balamaha ku leh xafiisyada dowlada ee shaqada uga baahan, taksilaayasha Iyo basaska dad waynaha kala gura oo maalinta nolol maalmeedkoodu saacado badan u xanibmo awgaa, Madaxweyne lamasookoobi Karo dhibta dad waynaha kala duwan kasoo gaadha safaradaada madhalayska ee aan dalku wax ba ka Faa,idin,

Madaxweyne markaan arkay dhibta aan soo sheegay madaama aad degantahay wadnihii magaalada sidii Binu xujaajna jidwalba laguu xidhaayo, waxaan kuugu baaqaya inaad ka fikirto meel magaalada ka Baxsan inaad madaxtooyo kadhisto si a an dadku u dareemin dhibtan hada haysata  ama aanad jidadka oo dhan xidhane aad gaadhigaaga Iyo ka gaadhka ah ku baxdo, shacabkuna Waa kii shalay markaad mucaraadka ahayd aad dhexqaadaysay adigoo bilaa boodhigadhee maantana wax a cidi kuudirsanmaysee ama maalinta aad safrayso fasax kadhig, waxa igu maqaala ah in dad badani maalinta aad safrayso aanay sooba bixin si ay uga raystaan jidadkan laguu xidhayo,

Wabilaahi towfiiq

Allah Mahadleh

Abdiqani Ibrahim Salaf Kaptanka
Realcabdiqani@gmail.com