Nin aan haybtiisa la Aqoonsan Sheekh Muxaadaro galabta ka jeediyey khayriyada agteeda Tooray la dhacday

0
183

Hargeysa(Waaheen) Nin aan la Aqoonsan oo ka mid ah Koox Diimeed-yada wadaadada ah ee breaking newsHargeysa ku sugan ayaa goor salaadii maqrib kadib ah Tooray la dhacday Sheekh Maxamed Haybe kaasoo Muxaadaro ku saabsan Mawliidka Nabiga ka jeediyi fagaaraha Khayriyada ee badhtmaha Hargeysa.

Sheekh Maxamed Haybe ayaa la sheegayaa in uu qabo dhaawac halis ah oo ka soo gaadhay Toorayda uu ninkaasi la dhacay, waxaana la sheegayaa in dhaawiciisii loo qaaday cisbitaalka.

Gacan ka hadal noocan oo kale ah ayaa lagu soo waramaya maalmihii ugu danbaysay dhibaato loogu gaystay sheikh ka qudbadeeyey Masaajid ku yaala Xaafadda Goljano ee Hargeysa, kaasoo ka hadlay Dooda ka taagan Mawliidka Nabiga.

Dgacdooyinkan ayaa ku soo beegmaya maalmaha barakaysan eek u began dhalashadii Nabigeena Suuban Naxarriis iyo Nabad gelyo korkiisa ha ahaatee, hase yeeshee waxa ka muuqda Qudbadaha Culimada Doodo iska soo horjeeda oo kooxiba kooxda kale ama Culimada Masaajidada ka jeedinayso hadalo ay ku sharaxayaan Mawliidka Nabiga, taasoo abuurtay in gacan ka hadaladani ay dhacaan.