Ugaadhsiga Sagaarada Oo Ka Aloosmay Degaannada Ceerigaabo Iyo Qiimeheedu Halkuu Marayo

0
77

Sakaaro2Ceerigaabo(Waaheen) Iyadoo muddooyinkanba degaannada ku xeeran degmada Ceerigaabo ay ka jireen daldalashada khayraadka dabiiciga ah noocyadiisa kala duwan oo dhir iyo dhagaxba aan loo kala aabbe yeelayn ayaa waxa beryahan aloosan ugaadhsiga xayawaanka duurjoogta ah gaar ahaan nooca loo yaqaanno Sagaaada taasoo loo adeegsanayo dhaqaale ay ku bixinayaan shakhsiyaad dhinaca Puntland ka imanaya iyadoo qiimeheeda la kala siisanayo halkii mid ee Sagaaro ah lacag dhan US$ 10.

 Waxayna arrintaasi sababtay in Sagaarada iyo dadka ugaadhsanayaa noqdeen kuwo aragtidu ka dhexayso oo midba midka kale halkuu ka arko ka fiidhsanayo iyadoo khiyaanada lagu qabanayaana tahay habeenkii oo toosh loo adeegsanayo oo halkii ay ku hoyatey Sagaaradii loogu tegayo.

Sikastaba ha ahaatee  xayawaankan duur joogta ah oo xilkeedu saaran yahay ayaanay haddana jirin cid xukuumadda u qaabbilsan ilaalinteeda iyo in ay nabadgelyo halkeeda ku hesho waxayna u muuqataa dhowaan xayawaannadan qaarkood in ay noqon doonaan kuwo ka dabar go’ay dalka.

 

Waaheennews.com/Ceerigaabo Office