Burburka soo waajahay xisbiga ucid yaa u sabab ah ?

0
100

Waxaa maalin walba iska soo daba dhacaya is casilaada xubnihii ugu muhiimsanaa xisbiga mucaaridka ah ee ucid taaso oo u muuqata burbur ku habsaday xisbiga .waxaana sabab u ah qorgudoomiyaha (mulkiilaha) faysal cali waraabe  oo sidaynu  ka warqabno sheegta xisbiga lahaanshihiisa sida uu doonan ka yeela marna lacag qaata tusaale ahaan Jamaal cali xuseen oo la sheegay inuu lacag ka qaatay hadana isku rogay lana filyo mudo dhaw si cadaan ah uga wareejinayo musharaxnimada madaxwaynanimo iyadoo la ogyahay in xisbiga  doorashadii golaha deegaanka uu ilaahay u bixiyay Jamaal cali xuseen  oo badbaadiyay ilaahay ka sakow.

Jamaalna waxaan kula talin lahaa intay goorigoor  tahay inuu ka tashado oo wax ku qaato ragii isaga ka horeeyey walibana  aasaasayaashii bal eeg c/raxmaan ciro iyo ragii la midka ahaa iyo siday ku danbeeyey  iscasilaada imika ee xubnihii muhiimka ahaa eeku hadhayna waa rajo xumo soo food saartay  taageerayaashii xisbig.

Ugu danbayn waxaan leeyahay faysal cali waraabe intaad horumarka wadanka ka socda mucaaridayso xisbigaagau waxa uu marayaa wadadii udub martay  ee xisbiga raga wada ku wareeji,adna siyaasada ka fadhiiso 10sano ayaad waxba ku soo kordhin wayday waxaanad noqotay ma gudbaha siyaasada Somaliland waayo laba jeer ayaad u tartantay jagada madaxwaynanimo waanad wayday .

W/Q :C/salaan Gulied(SAFIIRKA)