Soomaaliya: Xuska maalmaha xajiinta leh

0
145

Shalay doonnideennii,        

Wada koray dadweynuhu,

Hadduu darawalkeedii,

Keligaa deg kugu yidhi,

Waqtigaa is-doorshee,

Maalintaad u deni tahay,

Isagana daruurtiyo,

Dusha sare ka soo tuur.

 

booewwwMaansadii Dir-sooc ee Ibraahin-gadhle, 6/4/1990kii, Jiidihii hore ee halgankii hubeysnaa,

 

16/1/2014ka, Hargeysa,

 

cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

 

Soomaaliya: Xuska maalmaha xajiinta leh

 

Bal maantana aan ku yar nasanno oo xaggaa iyo Xamar u dhaqaajinno. Iyadaba beryaha qaar ayaa la deggenaa, waa se laga soo dhaqaajiyay. Cidhib barako leh ayaa lagaga soo dhuftay markii lagu dhawaaqay la-soo-noqoshadii Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Cadowgeen ha jabo.

 

Qaaddirada waxaynu u naqaannaa markaynu la daallan nahay qayilaaddii shalay ee aynu hamaansiga ku waalanno, qayilaad kalena u diyaar nahay. Soomaaliya, qaaddiro kale ayaa haysa. Waxa haysa qaaddirada dawladaha iyo xukuumadaha. Ciddii timaaddaaba ra’yi kama yeelato nooca dawladda iyo xukuumadda ay doonayaan. Markaas ayay ku meeraystaan 1960kii iyo Dastuurkii xilligaa jiray. Kaas ayay wax walba ku saleeyaan.

 

Iyaga oo aan cilmi-baadhis samayn, waayo-aragnimana ka arradan ayay yidhaahdaan aynu hawlaheenna Dastuurkii 1960kii ku salaynno. Si fudud ayay u yidhaahdeen waxaynu yeelanaynaa Madaxweyne iyo Ra’iisal-wasaare. Laga soo bilaabo Cali-Mahdi, Cabdiqaasim, Cabdillaahi Yuusuf, Sheekh Shariif iyo Xasankan maanta jooga, sidii ayay isu sudhan yihiin. Waxay u haystaan in ay mushkiladdu tahay qofafkan xilalka qabanaya. Salka xaajadu se, waa mid ku jirta Dastuurka. Waa mushkilad dhismaha dawladda ku jirta. Sidaas ayaanay ahaanaysaa ilaa inta ay Dastuurka wax ka beddelayaan.

 

Somaliland dhismaha Madaxweynaha iyo ku-xigeenku waa mid ka timid waayo-aragnimadii hodanka ahayd ee SNM. Waxaynu tusaale u soo qaadanaynaa xilalkii kala ahaa: Guddoomiyaha SNM, Guddoomiyaha Golaha Dhexe, Guddoomiyaha Guddida Fulinta waxa isku hayn jiray qof keliya. Shirweynihii 6aad ee 1990kii, ayaa Guddoomiyihii Golaha Dhexe laga saaray oo loo dhiibay Ibraahin Meygaag oo lagu magacaabay Ibraahim Meygaag Samatar.

 

Shirweynihii Guurtida ee Boorame ee 1993kii waxa la soo dhigay saddex dhisme oo kala ahaa: Madaxweyne iyo Ku-xigeen, Madaxweyne iyo Ra’iisal-wasaare iyo Shan Madaxweyne oo meerto ah. Waxa codkii ugu badnaa helay Madaxweynihii iyo Ku-xigeenkii. Sidaas ayay Somaliland ku caano-maashay waayo awooddii ayaa xaddidan oo la og yahay halka ay taal. Puntland waa sidaas, Geeska Afrikana sidaas ayuu u badan yahay. Soomaaliya ma dareensana waayaha ku xeeran.

 

Qaaddirooyinka Soomaaliya kharribay waxa ka mid ah Xuska Maalmaha Xajiinta leh. Aynu xabbad-qaadno:

 

10/1/2014ka, waxa la sameeyay Xuskii 70-guuradii Ciidanka Bilayska. Waxay ku magacaabaan Ciidanka Bilayska Soomaaliyeed. Ku-ye waxa la aasaasay 1943kii. Xilligaas ilaa 1960kii wuxu u adeegayay dano iyo ujeeddooyin gumeysi oo uu lahaa Talyaanigii. Wax Soomaaliyi tirsato ama tirsan karto ma noqon karo. 1960kii ilaa 1969kii, Ciidankaasi wuxu ahaa oo uu u adeegi jiray dano qoys oo inta badan gacanta ku hayay taladii dalka. Waxa xusuus gaar ah mudan in dhowr iyo lixdankii Maxamuud Jaamac Uuur-doox, wargeys toddobaadle ahaa oo afka Carabiga ku soo bixi jiray lana odhan jiray ‘Maanta’ (Al-yowm) cilmi-baadhis uu sameeyay ku soo bandhigay. Min Seylac ilaa Raas-gambooni taliyayaasha saldhigyadu waxay ahaayeen ama ka soo jeedeen qoyska Taliyihii Ciidanka Bilayska oo ahaa Jeneraal Maxamed Abshir Muuse. Sidii ayaa lagu xidhay Maxamuud Jaamac Uur-doox. Bilayska caynkaas ahaa dadka Soomaaliyeed xus kama mudna.

 

1969kii ilaa burburkii xukuumaddii digtatooriga-qabaliga ah ahayd, Bilaysku waxay u adeegayeen ujeeddooyinka nidaamkii baaddilka ahaa ee horseeday xasuuqa iyo burburka Soomaaliyeed. Waxay ahayd in ay xukuumadda maanta Soomaaliya ka jirtaa samaysato Ciidan Bilays oo u adeega ujeeddoyinka Soomaaliyada cusub, taasina ma dhicin mana soo muuqato. Qaaddiradii ayaa lagu jiraa.

 

23/4/2014ka, waxa la xusay 53-Guuradii Xoogga dalka. Subxaan! Bal tabaalahaa daya. Xoogga dalku waa kee? Ma kii burburiyay ee xasuuqay dalka iyo dadkaba? Ma madaafiicdii Hargeysa iyo magaalooyinka duqaysay ayaa la xusayaa? Ma ciidankii loo adeegsaday Mudug ayaa la xusayaa? Sow kii Hadraawi lahaa:

“Hubka mudug ku talax tegay,

 Alleylehe hubsiimiyo,

 Hakin buu u baahnaa,”

 

Sow tii Gaarriye lahaa:

 

“Aaway walacsankii Mudug,

 Warandacii Nugaaleed,”

 

Dhagartii iyo dhimashadii ay geysteen ciidammadii Xoogga dalku, beryihii dambe waa tii xadka dhaaftay ee galaafatay Geeska Afrika. Ciidammadii burburka caynkaas ah keenay ee la eeday ee la dagaallay ayaa maanta la leeyahay waxa la xusayaa sannad-guuradoodii 53aad. Bal ka warrama! Ma wax kale oo la xuso ayaa la waayay? Bal adba!

 

10/1/2014ka, waxa Soomaaliya lagu xusay sannad-guuradii 44-guuradii Nabadsugidda. Waa wax soo-hadal-qaadkeeduba xun yahay. Ma maqli jirteen: “Findhicil iyo soo-hadal-qaadkiisa ayaa xaaraan ah.” Bal ka warrama? Wuxu ahaan jiray ciidan lagu magacaabi jiray Nabad-sugidda Soomaaliyeed (National Security Service-NSS) oo u qaybsanaa cabbudhinta iyo gumeynta shacbiga Soomaaliyeed. Waa ciidan uu samaystay nidaamkii milletariga ahaa ee Soomaaliya ka talin jiray 1969kii ilaa bilowgii 1991kii. Wuxu ahaan jiray ciidan samaysmay bilowgii 1970kii oo ka dhashay markii la isu geeyay “Special Branch-kii” CID-da iyo Sir-doonkii millateriga.

 

Ciidankaa Naba-sugiddu waa idin ku sheeko intiinnii aan soo gaadhin. Wuxu ahaa ciidan baas oo ku hawlanaa basaasidda dadweynaha, gaar ahaan intii necbayd ama ka soo hor jeeddayba nidaamkii millateriga ahaa. Ciidankaas oo aan tiradiisu xad-beeshay, lacagta ku baxdaana aanay tiro iyo cadad, wuxu ummadda Soomaaliyeed ku beeray sas iyo cabsi aan hore u soo marin oo ilaa maanta aan xusuustooda ka tirmin. Waxay gaadheen heer ay wakiillo iyo basaasiin ku yeeshaan qoysaska iyo xaasaska intooda badan.

 

Waxa lagu beeray oo lagu dhex saydhay hay’ad kasta iyo meel kastaba. Bir-ma-geydo ma jirin. Xataa dugsiyadii, ardaydii iyo macallimiintii ayaan ka badbaadin. Bal ka warrama. Ciidanka caynkaas ahaa inta badan kama shaqayn jirin wax dal iyo dadba dan u ah, bal se wuxu ku hawlanaa dadka neceb ama ka soo hor jeedayba nidaamkaa millateriga ahaa. Hawl-gallada dhagareysnaa ee ay ciidammadaasi fulin jireen, beryihii dambe xuduudda inta uu ka tallaabay ayuu deris iyo dalal shisheeyaba saameeyay. Waxa intaa dheeraa wax la odhan jiray Maxkamadda Badbaadada oo dadka la soo qabto ee la soo eedeeyo la geyn jiray. Xukunkeedu wuxu u badnaa Qodobkii halista ahaa ee 54aad ee xukunkiisu ahaa dilka iyo dacaska qofka la dilayo oo lala wareego.

 

Intaa iskuma uu koobin kadeedkii Oktoobar ee la odhan jiray ‘Kacaanku’, bal se diir baas oo kale ayaa ka hoos dillaacday Nabad-sugiddii. Waxa sidii ugxanta dillaacay: Hangashtii, Guddidii Baadhista ee Xisbigii Hantiwadaagga ahaa, Halgankii Hoose iyo wax ka sii liita oo dadweynaha Soomaaliyeed lagu gumeyn jiray laguna cadaadin jiray.

 

Bal ka warrama nimanka maalmahaa xusaya? Ma kuwaas ayaa Soomaali wanaaggeeda iyo badhaadhaheeda wada.  

 

Timacadde, sow kii lahaa:

 

“Wixii dhacayba nimankaan ku waday, in ay weydiinno,

 Kol hadday u weysatoo, Weliyo loo haysto,

 Waxba yaan wax baynu isu nahay, laygu weyrixinne,

 Ninka weliba sii eegyaa, haw wishiirriyo e’,”

 

Dhammaad. Waa inoo Khamiista dambe iyo Tirsiga 7aad, haddii Eebbe idmo.