Somaliland ha ku Midowdo Waddanka iyo Waddaniyadda

0
78

 

Ummad kasta oo meel wada degta waxa jira waxyaabo (factors) ka dhexeeya oo mideeya. Sidoo kale waxa jira dhiggooda oo ka soo hor jeeda oo kala irdheeya, kala fogeeya, iska hor keena oo ay ku kala taggan yihiin.

 

Arrimaha ool ama deegaan ama dal ama dad midayn kara waxa ka mid ah diin ama caqiido ay aaminsan yihiin oo ku abtirsadaan, kagana duwan yihiin kuwo kale oo ka soo horjeeda oo loo arko inay khatar ku yihiin aamminaadda ooshan. Waxa kale oo ka mid ah khayraad ama deegaan dabiici ah oo ka dhexeeya oo si isku mid ah ay uga wada jirtaan cadaw dibedda kaga yimaadda ama baylah ku timaadda ka-faa’iidaysigiisa. Waxa soo raaca mabda’ ku xardhan maskaxdooda, hoos u xushan quluubtooda, ku suntan jiritaankooda oo meel laga wada arko sida waddaniyadda, calanka iyo ciidda. Qaybtan waxa soo raaci karaa daw ama hilin ama himilo kasta oo ku aroorta maba’aa, ama taakulo iyo tiir u ah sida xisbiyo, naadiyo, golayaal qaran, ciidamada amniga, garsoor dhex ah, iwm.

Firdhiyeyaasha wadajirka ee dhinaca kale ka soo jeeda waxa ka mid ah danaysiga, dulmi-doonka, qabyaaladda, jahliga, qof-ku-duulka, dufan-doonka, islaweynida, aqoon-laalka, sharci-diidka, isu-muuqashada, jinni-boqornimada, isku dhererinta hoggaanka, wixii-dhaqaaqaba-dhab- dheh, diin-darrada, mabda’ la’aanta,waddani-iska-yeelka, xurmo-yaraanta, xarrago-saydhka, iwm.

 

Somaliland, maanta, waxa loo arkaa inay ku badan yihiin qolada dambe. Cuqaashii waxa beddeley maalin-ku-macaash. Culimadii waxa beddeley dhangagaale sida carsaanyada dhinac walba u socda. Samadoonkii waxa beddeley dhanxiir afba wegerta ka yaqaan. Aqoonyahankii waxa beddeley ditoor-beenaad hadduu qalinba qabsado magaca ku murma. Halyeygii waxa beddeley beraan-dagaallamay iyo duuflaal carruurta ku daba gabbada hadhowna qaylo afka qabsada. Damiirlihii waxa beddeley damiirlaawe wixii dumaya iyo wixii duugmaya aan dan ka lahayn, dareenkeedana horeba loogu abuurin. Xikmaddii waxa beddeley xan iyo xuuraan. Wax-qabadkii waxa beddeley ‘waxay ahayd in…’. Xisaabtankii waxa beddely ‘ii xaabi!’.  Hoggaankii iyo kala-dambayntii waxa beddeley keligii-xariif warbaahin bilaash ah helay oo isagu ummadaba kulligood ka toosan. Is-toosintii iyo talo-bixintii waxa beddeley masabid iyo inta-aan-lagu-odhan-ku-dheh. Waddanigii waxa beddeley basaas iyo qaran-dumis weliba ku indho adag.

 

Qarannimadii waxa beddeley qabyaalad. Ma la qaadan karaa?

 

Qaranimada Somaliland iyo aayaheeda waxa u muuqata waxgaradka inay manta ka hadlaan  – magac kastaba ha isku sheegeene – shakhsiyaad iyo kooxo aan diin lagu raaci karin, oo dhaqan lagu raacin oo aqoon iyo cilmi laga arkay lagu raaci karin, oo hoggaamin la soo shirrabey (tijaabiyey) lagu raaci karin, oo aan wax kaleba daayoo Ilaahii abuurtay (SWT) aqoonsanayn waajibaadkiisa. Waxa maanta ka hadla rag dagaalladii sokeeye ee hore u soo naafeeyey Somaliland sannadihii ay curdinka ahayd qabqablayaal ka ahaa oo ku mamay dhiig sokeeye iyo boobka hantidooda. Waxa ka hadla rag aan weli kubkoodu weyso arag oo kaakicinta fidmada hurudda, belo-saadsiga, masabidka iyo aflagaadada Ilaahay xaaraantinimeeyey xalaashaday, sidaana ku ababiya da’yarta u nugul ku-disidda afkaarta (impressionable youth) oggolaanshaha iyo ku-dhiirrashada wax kasta oo xun oo mujtamac baabi’iya.

 

Aflagaadada, masabidka iyo naxliga dadka habeen walba soo buux dhaafiya shaashadaha dadweynaha aanay lacagta kala bixin, ee magac-beenaadyada la baxay, ee Somaliland cadawga kula shuraakoobey, waa kuwa dhiirrigeliya tahriibta. Kuwaasi waa kuwa niyad-jabka abuura. Kuwaasi waa kuwa baaqa nabadgelyo-darrida. Kuwaasi waa kuwa laandheerenimada sheegta iyaga oo xil iyo xurmo weliba ka sugaya ummadda ay iska weyneynayaan. Kuwaasi waa kuwa rajo-xumada koolkooliya. Kuwaasi waa kuwa garsoorka, ciidamada amniga iyo kala-dambaynta u yaqaanna cabbudhin iyo waa-laga-gardaran yahay. Kuwaasi waa kuwa majara-habaabiya dhallinyarada saxaafadda Somaliland u soo kacaysa ee yidhaahda ‘annaga ayaa nalaku kiin iibsadaa!’. Kuwaasi waa kuwa aan is aqoon iyagu ee dhulka ay marayaan u kala sanqadho dembiga ay ka galeen ummadda ee ay og yihiin darteed. Kuwaasi waa kuwa u yaqaanna xurmaynta iyo xishoodka la siiyo dabacsanaan maamul iyo libaaxnimo iyaga u gaar ah. Kuwaasi waa kuwa hoggaanka ummaddu dooratay yidhaahda ha lagu kaco. Kuwaasi waa kuwa yidhaahda sharci ma jiro, bilays ma jiro, garsoor ma jiro, nabadi ma jirto, horumar ma jiro, dawladi ma jirto … annaga uun baa jirna!

 

Waxa maanta Somaliland badbaado u ah kan rajo geliya. Waxa u rajo ah kan waaniya. Waxa u hiil ah kan hoggaamiya. Waxa u dan ah kan horumariya.  Waxa u dan ah kan kaaliya ee la taliya hoggaankiisa si aynaan u garab marin awaamiirta Ilaahay (SWT) iyo dardaarankii Xabiibu Laah Muxamad (CSWS) ee la xidhiidhey ka-dambaynta hoggaanka ummadeed, kan dhaqan iyo kan aqooneedba.

 

Ummadda caafimaadka qabtaa waa ogtahay inay iman doonto maalin aan qofna loo dhaafayn fal-dambiyeed uu ifka ku galay, fidmada iyo belo-abuurkuna ninna kama dahsoona xadka laga gudanayaa inta uu le’eg yahay halkan iyo halkaaba.

 

Somaliland waxa u milgo ah waddaniga ku mideeya dalkiisa waddaniyadda iyo difaaceeda!

 

Wa Billaahi Tawfiiq

 

Jimale Madar

 

Freelance Journalist

Istanbul, Turkey