Xildhibaan Abwaan Jaamac Riyo oo lagu weeraray xarunta Baarlamaanka dhexdiisa

0
124

Hargeysa(Waaheen) nin loo tirinayo  in ay xukuumaddu soo dirtay ayaa goor dhaweyd xarunta Baarlamaanka dhexdiisa jaamacKoob shah ah la beegsaday Xildhibaan Abwaan Jaamac Riyo, kaasoo dhawaabn sameeyey Hees cusub oo uu xukuumadda ku ridayey.

Ninkan oo lagu magacaabo Dugulo ayaa saaka u soo galay xarunta Golaha Guurtidda sidii uu dagaal ugu qaadi lahaa Xildhibaanka, hase yeeshee waxa u suurtogashay in uu Koob shah ah oo uu ka dalbaday maqaaxi Golaha ku dhextaala ku af-rogo, kadib markii uu xildhibaanku kacayna cagaha wax ka da’yey.

Xildhibaanka waxa soo gaadhay kulaylkii Shaah hase yeeshee Go’ uu huwanaa darteed wax khasaare ahi muu gaadhin jidhkiisa, balse weerarka ayaa u muuqda mid maalmahanaba la’la daydayayey, iyadoo aad goob kasta ku arkayso dad Xildhiobaanka ka xun Heesta uu u tiriyey Xukuumadda, kuwaas oo af-lagaado iyo cay u mariya hawada.

Heesta lagu dilayo Xildhibaan Jaamac riyo ayay dadweyne badani soo dhaweeyeen maadaama uu hore Hees tan la mid ah ugu tiriyey Daahir Rayaale, hase yeeshee marna maya dhicin wakhtigii Rayaale in loo weeraro Heestaas hore.

Jaamac Riyo ayay dadweynuhu ka sugayaan in uu soo saaro Heestii uu midhaheeda soo bandhigay, taasoo qaadatay muddo dheer tan iyo maalintii ay suuqa soo gashay, waxaanay dadku iska weydiinayaan sababaha dib u dhigay Heestaasi Laxankeeda.

Tuhuno kala duwan ayaa ku gadaaman Heestaasi maadaama Xidlhibaanku la raagay inkasta oo laga yaabo in la cabsi galiyey.  si kasta ha ahaatee Ninka weeraray Xildhibaanka ayaa la sheegayaa in uu ka soo jeedo beesha barriga Burco.