Ra’iisul wasaaraha Somaliya oo galabta ku dhawaaqaya liiska xubnaha cusub ee golihiisa wasii

0
80

Muqdisho(Waaheen) Raisul wasaaraha xukuumada Somalia C/wali Shiikh Axmed ayaa la sheegayaa inuu galabta ku dhowaaqayo golihiisa wasiirada cusub sida ay sheegayaan warar laagu kalson yahay oo hadda na soo gaaraya. Qaban-qaabo la doonayo in lagu soo magacaabo golaha cusub ee wasiirada ayaa ka socota xarunta maadaxtooyada Somalia ee magaalada Muqdisho.

Inkastoo aan la ogeyn tirada rasmiga ah ee wasiirada lagu dhawaaqayo galabta ayaa haddana waxaa la xaqiijiyey iney ku jiraan dhowr wasiir oo ka mid ahaa xukuumadii la riday dhowaan ee Saacid oo lagu eedeeyey waxqabad la’aanta.

Arintan ayaa soo baxday wax yar ka dib markii maanta Baarlamanka Somalia uu ogolaaday in wasiiradii xukuumadii hore lagu soo daro xukuumada cusub ka dib markii la laalay mowshin arintaas laga keenay.

Magacaabida golaha wasiirada ayaa dhowr jeer dib u dhacday ka dib markii madaxweynaha iyo raisul wasaaraha ay isku maandhaafeen xubnaha lagu soo darayo xukuumada cusub taasoo sababtay in Raisul wasaaruhu uu baarlamanka ka dalbado 10 cisho dheeraad ah in loogu daro xiligi uu ku soo magacaabayo golihiisa wasirada.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaan weli ku dhawaaqin wasiirradii tan iyo markii kalsoonida la siiyay bishii hore, waxaana culeysyada jira ay ka lagu sheegay inay arrintan mooshinka ka mid tahay.