Ardeyda Jaamacada Hargeysa Ka Barata Cilmiga Deegaanka Oo Dhigooda Jaamacadda Camuud Soo Dhaweyn Hargeysa Ugu Sameeyey Iyo Nuxurka Xaflad Ay Ku Maamuuseen

0
88

Hargeysa (Waaheen)Ardeyda Jaamacadda Hargeysa, gaar ahaan kuliyadda barashada cilmiga deegaanka ayaa xalay xaflad aqoon is waydaarsi iyo soo dhawayn iskugu jira u samaysay Ardeyda dhigooda ee Jaamacadda Camuud.

Xafladdan ay ardeyda Jaamacadda Hargeysa ka barta kuliyadda deegaanku u sameeyeen dhigooda Jaamacadda Camuud ka barta cilmiga Deegaanka ayaa ahayd kulan xaflad labada dhinacba ku soo bandhigayeen aqoontooda ay barteen ee ku sabsan barashada cilmiga deegaanka iyo dar daaran ay hormuudka Jaamacadduhu u dirayeen ardeydan masuuliyadda looga fadhiyo ee ku sabsan barashada cilmiga ay ku gudo jiraan.

Xafladda ay ardeyda Jaamacadda Hargeysa ka barta kuliyadda deegaanku u sameeyeen dhigooda Jaamacadda Camuud ayaa ka dhacday hoolka weyn ee Jaamacadda, halkaasi oo ay ka soo qayb galeen marti sharaf badan oo ay ka mid yihiin Wasiirka wasaaradda Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole, Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Prof. Cabdi Xuseen Gaas, Hormuudka Machadka Sayniska Jaamacadda Hargeysa Axmed Maxamed Cadaad, hormuudka Kuliyadda Deegaanka iyo Beeraha Jaamacadda Camuud Prof. Abokor Sh. Cabdi, Prof. Axmed Ibraahim Cawaale, Ardeyda ee Jaamacaddaha Hargeysa iyo Camuud iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Prof. Cabdi Xuseen Gaas oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay horumarka kala duwan ee ay sameeyeen Jaamacaddaha dalku iyo xidhiidhka ka dhaxeeya labada Jaamacadood ee Hargeys iyo Camuud, isaga oo sharaxaad ka bixiyey hiigsiga iyo himilada ay ku midaysan yihiin Jaamacaddaha dalka qaar oo ay hormuud u yihiin Jaamacadda Hargeysa iyo Camuud.

“Hadaanu nahay Jaamacadda Hargeysa waxa Jaamacadda Camuud naga dhaxeeya xidhiidh qoto dheer oo dhinacyo badan oo waxbarashada ah taabanaya, waxaana jira ardey ka tirsan labada jaamacadood oo si wada jir ah Online ugu dhigta Jaamacaddaha kale ee aduunyada iyaga oo jaamacadahooda jooga” ayuu yidhi Profs. Cabdi Xuseen Gaas oo ka hadlayey xidhiidhka ka dhaxeeya Jaamacadda Hargeysa iyo Camuud.

Profs Cabdi Xuseen Gaas Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Jaamacadda Hargeysa, Camuud iyo jaamacado kale oo wadanka ku yaalaa waxa ay wadaan qorshe ay ku doonayaan inay ku horumariyaan waxbarashada, isla markaana samaysteen Jadwal waxbarasho oo isku mid ah (Syllubs), taasi oo aanu qorshaheeda wadna, waxaananu sidoo kale dedaal ugu jirnaa sidii ardeydu si toos ula socon lahaayeen Casharada Jaamacaddaha dunida laga hirgalinayo, taasi oo aanu ku rajo weynahay inay hirgasho marka la furo SOMCABLE oo aanu sugayno inay wax badan naga caawiyaan”

Hormuudka Machadka Sayniska Jaamacadda Hargeysa Profs. Axmed Maxamed Cadaad oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday xidhiidhka Ardeyda Jaamacaddaha iyo muhiimada ay ardeyda u leeyihiin, isaga oo sheegay inay ardeyda oo is dhex gaashaa ay muhiimad badan u leeyihiin korodhsiga aqoontooda iyo bulshada oo ay wax u qabtaan.

Hormuudka Kulliyada Beeraha iyo Deegaanka Jaamacadda Camuud Maxamed Cali Cismaan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay heerarka kala duwan ee ay soo martay Kulliyadda Deegaanka Jaamacadda Camuud iyo hiigsiga ay ku doonayaan inay jiilka ay ka soo saaraan wax qabtaan dhibaatooyinka badan ee loo gaystay deegaankaeena, waxaanu sheegay inay ardeyda ay wax baraan ku rajo weyn yihiin inay deegaanka wax badan ka qabtaan.

Macalin Axmed Ibraahim Cawaale oo ah aqoon yahan deegaan, isla markaana qoray buug ka hadlaya deegaanka oo la yidhaahdo Qaylo dhaan Deegaan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu helo koox ku wehelisa ilaalinta deegaanka, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan helo aqoon yahano igu weheliya ilaalinta deegaanka”.

Ardeyda Jaamacadda Hargeysa iyo Camuud ayaa halkaasi ku soo bandhigay aqoontooda ay barteen iyo waxqabad ay aqoontooda ku dabaqeen oo ay dalka ku soo kordhiyeen.