Maxay Ku Qotontaa Dhex-dhexaadinta Turkiga ee Jamhuuriyada Somaliland iyo Soomaaliya..Q.4aad

0
76
Qormooyinkii hore waxaan ku bayaamiyay isbedel-ka habsocodkii maamulka iyo halka ay ku danbaysay siyaasada Turkiga.Waxa kale oo aan xasuus ahaan taabtay danaha laga leeyahay in Turkiga loo adeegsado wada hadalada Jamhuuriyada Somaliland iyo Soomaaliya.
 
 Qormadana waxa aan is dul taagi doonaa waxa ay kala rumaysan-yihiin siyaasiyan labadan dal ee Jamhuuriyada Somaliland iyo Soomaaliya oo waa hore kala haayiray,ahna laba dal oo walaalo ah balse aan isaqoon-sanayn.Aan ku horeeyo dalka Soomaaliya:
1.Dawlada federaalka iyo shacabka Soomaaliya waxay sida maro boobta ugu dheggan-yahiin Somaliland inay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya.
2.Soomaaliya ma ogola in lagaba wada hadlo gooni isu taaga Somaliland.
3.Soomaaliya waxay ku talo gashay xoog inay ku daydo Somaliland.Waxaanay u adeegsataa gobolka puntland,waana halka ay ku hami-yayso inay Somaliland kaga dhufato.
4.Reer galbeed-kuna daaha dabadiisa sidaa ayuu Soomaaliya kula socdaa hadii lagu guulaysan waayo sasabada iyo salaaxa lagu godlaayo Somaliland.
 
Hadaan dhinaca kale ee Jamhuuriyada Somaliland bidhaamiyana sifaha ay ku socotaa waa sidatan:
1.Go’aanka madax banaanida waxa awood u leh shacabka,waa sida dastuurka ku cad.Shacabku waxa uu rumaysan-yahay in aqoonsiga la gaynayo miiska wada hadalada.
2.Dawlada Somaliland waxay rumaysantahay in iyada loo igmaday.Go’aana keli ka gaadhi karto,cid kasta oo arrinkaa gooni isu taaga lagala hadlaayo.
3.Dawlada Somaliland waxay isu diyaarisay in qodobadii shirkii hore lagu heshiiyay halkii laga sii amba qaado oo aanu ku jirin qodobka ah inay labada dal isaqoon-sadaan.
4.Xisbiyada mucaaridka ah,aqoon-yahka iyo siyaasi-siyiin madax banaani-na waxay ayid-sanyahiin waxa lala tagayo shirka in laga sii wada tashado,lays-lana qaato miiska in lala tago qodobka isaqoonsiga labada dal ee walaalaha ah.
 
La Soco……….
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL