Guddoomiyihii iyo Xoghayihii UCID ee Gabilay oo iscasilay

0
72

Masuuliyiinta Ugu Sarsaraysa Xisbiga ucid Ee Gobolka Gabiley Ayaa Kalsoonidii Kala Laabtey Xisbigaasi Kadib Markii Uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Ku Dhaqaaqey Talaabo Qaran Dumis Ah Sheegayna Inay Kulan gaar Ah La Qaadan Doonaan Dawlada Somaliya Hadii Lagu Dari Waayo Wada Hadalada Somaliland Iyo Somalia.
Masuuliyiintan Kalsoonidoodii Kala Laabtey Xisbiga Ucid Oo Kala Ahaa Gudoomiyaha Iyo Xoghayaha Xisbiga Ee Gobolka Gabiley Oo Ay Weheliyaan Xubno Kamida taageerayaashoodu Oo Shir Jaraa’id Ku Qabtey Gobolka Gabiley Ayaa Sheegay Inay Kalsoonidoodii Kala laabteen Xisbiga Ucid Kadib Markii Uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Ku Dhaqaaqey Talaabo Qaran Dumis Ah Isagoo Sheegay In Ay Si Gaara Ula Kulmi Doonaan Dawlada Somalia Hadii Lagu Dari Waayo Wada hadalada Somaliland Iyo Somalia.

Ugu Horayna Waxaa Shirkaasi jaa’id Ka Hadley Xoghayaha Xisbiga Ee Gobolka Gabiley Aaden Maxamed Xaaji Aaden Isagoo faah-faahiyey Sababaha Ku Kalifey Inay Kalsoonidoodii Kala Laabtaan Xisbiga Ucid Fariina U Direy Musharaxa Jagada Madaxtinimo Ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen Waxaanu Yidhi “Xisbiga Ucid Siyaasada Guud Ee Uu Ku Socdo Oo Aanu U Arkeyno Inuu Somaliya Ku Socdo Faysal Cali Waraabe Waanu Kala Noqonay Kalsoonidii Aanu U Haynay Dhamaantayo Anaga Iyo Inta Nala Socotaaba, Waxaananu Leenahay Wada hadalada Somalia Iyo Somaliland Ee Uu Gudoomiyuhu Ka Hadley Ee Uu Doonayo Inuu tafaraaruq Dalka Ka Sameeyo Cidii Loo Igmaday Ayaa Loo Daba Istaagayaa, Xukuumadana Waanu Ku Garab Taaganahay, Socdaalka Ay Wufuuda Dalku Tageena Waanu Ku Barbar taaganahay Xisbi Nimaduna Sidaa maaha Anaga Iyo Taageerayaashayaduna Waanu Kala Laabanay Xisbiga Ucid Kalsoonidii Aanu U Haynay, Halkii Aanu U Guuri Doonana Waa Mid Aanu Ka Tashan Doono, Jamaal Cali Xuseena Waxaan U Dirayaa Fariin Waxaanan Leeyahay Waxa Inagaga Baxay Tacab Faro Badan Xisbiga Ucid Maaha Inaad Aamusto Ood Xishooto Xisbigana Laguguma Gumaysanayo Xisbiga Tacabaad Galisey Sidanina Si Cod Lagu Helayo Maaha” Ayuu Yidhi Xoghayaha Xisbiga Ee Gobolka Gabiley Md Aaden Maxamed Xaaji Aaden.

Sidoo Kale Waxa Iyaguna Madashaasi Hadalo Kasoo Jeediyey Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ee Gobolka Gabiley Md. C/rashiid Muxumed Qalinle Iyo Xubno Ka mid ah Taageerayaashii Xisbiga Iyaga Oo Dhamaantood Xoojiyey Hadalka Xoghayaha Sheegayna Inay Kalsoonidii Kala laabteen Xisbigaasi Ucid.