184kii xildhibaan ee saxiixay mooshinkii lagu riday dr. saacid (oo maryo dhiig leh kal furtay)

0
95

Mooshinka 2aad ee ay ka doodeen Xildhibaannadu taariikhdu markay ahayd 12-01-2014 oo caiiahayd maalin Axad ah waxa uu ku saabsanaa in aan lagu soo darin Xukuumadda cusub Wasiirradii fashilmay ee ka tirsanaa Xukuumaddii Dr. Saacid.

Mar haddii aynu ku gardarroonnay Ra’iisul wasaarihii hore sifo aan dastuurka waafaqsaneyn-na ku ridnay  Waa inay Golihiisii Wasiirrada ay ka daba tagaan oo aan midna laga soo celin, sidaa ayaa mooshinku ku billowday kuna furantay doodii xildhibaannada, waxaana loo ballamay maalinta talaadada ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 14-01-2014.

Murti ayaa oraneysa (LABADII XAQ DARRO KU HESHIISA XAQQA AYA KU DIRIRAAN)

Qodobada loo cuskaday ridistii Ra’iisulwasaarihii hore waxay kala ahaayeen:-

QODOBKA 69aad farqaddiisa (2) xarafka (E) qodobka 111aad Qodobka 112aad Qodobka 135aad Qodobka 137aad ee dastuurka KMG iyo Qodobka 75aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka, Wasiirradii ka tirsanaa Xukuumaddii Saacidna waxaa loo cuskaday Qodobka 69aad  farqaddiisa 2aad Xarfaha B iyo E, Qodobka 111aad, 112aad iyo  Qodobka 75aad ee Xeer hoosaadka waxayna qodobadaan tilmaamayaan wax qabad la’aanta Xukuumadda. 

Nasiib darro, Mudanaayshu waxay ku qaadeen danbigii Ra’iisulwasaarihii hore maxaa yeelay mooshinka ayaa laga soo abaabulay qasriga madaxtooyada, waxaana mooshinka bar bar socday ballan qaadyo kala ah:- Adiga waxaan ku siinayaa Ra’iisulwasaare, adiga waxaan ku siinayaa wasiir, adiga waxaan ku siinayaa wasiiru-dowle, adiga waxaan ku siinayaa wasiir ku xigeen, adiga waxaan ku siinayaa dhaqaale.

Isku soo wada duub, waa lagu guuleystay ridistii Ra’iisulwasaarihii hore, Waxaase Meesha Ka Baxday Ballan Qaadyadii Uu U Ballan Qaaday Dhagar Qabayaashii Xaq Darrada Ku Riday Dr. Saacid.

Arrintaasi waxay u muuqatay in 184kii mudane la isticmaalay, ka dibna waxay garowsadeen in ay dastuurkii ku xad gudbeen, kuna gafeen Ra’iisulwasaarihii hore, waxayna ku tashadeen mudanayaashu in ay is daba qabtaan oo laga daba geeyo Wasiirradii fashilmay Ra’iisulwasaarohoodii hore, loona fududeeyo Ra’iisulwasaaraha cusub inuu soo xulo xukuumad cusub oo aanay ku jirin WASIIRRADII ABAABULAY SHIRQOOLKA.

Siyaasiyan, waxaan u arkaa inay xal u noqoneyso Baarlamaanka, dibna loogu dhici doonin in si khaldan oo aan waafaqsaneyn dastuurka in lagu rido Ra’iisulwasaare danbe.

Waxay kale oo ay yeelaneysaa RAAD DANBE OO AH IN AAN MADAXWEYNE KU XAD GUDBIN AWOODDA FULINTA SOONA ABAABULIN MUDANAYAAL FULIYA DAN U GAAR AH MADAXWEYNAHA IYO KOOXDIISA YAR EE KU BOHOOBAY INAY TIJAABO GELIYAAN WADDANKA.      

KHABIIR SIYAASI AH