Xildhibaannada Degaanka iyo Ganacsatada Ceerigaabo Oo Qaylo-dhaan ka muujiyey korodhka Cashuurta Badeecadaha Baaqyona u diray Madaxweynaha iyo Wasiirka Maaliyadda.

0
151

000Ceerigaabo(Waaheen) Xildhibaannada Degaanka iyo Ganacsatada Ceerigaabo ayaa shir-jaraa’id oo ay wada jir ugu qabteen magaalada Ceerigaabo waxay halkaas qaylo-dheer ka muujiyeen cashuurta xukuumadda Siilaanyo dhowaan ku kordhiyeen badeecadaha ganacsiga noocyadiisa kala duwan iyo Hakadka ku yimid Ganacsigii Ceerigaabo oo gaadiidkii keeni jirey istaageen Waxayna Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirkiisa Maaliyadda ugu baaqeen in ay arrinta soo gacan geliyaan si deg deg ah.

 “Sababta xannibtey safarrada ganacsiga Ceerigaabo dhawr iyo toban casho waa culayska kaga yimid dhinaca cashuurta oo ay u arkeen ganacsatadu inaanay isku bixin karayn nin awr dabadiis ka degey meel uga toommoon ayuu waayey waxannuna leenahay xadhig qalloocan iyo xamligayagiiba waannu sidnaa mana qaadi karaynee madaxweynaha iyo wasiirrada ku shaqada lihi hawsha hasoo gacan geliyeen”. Sidaas waxa yidhi ganacsade Xasan Doolaal.

“Dad cashuur diid ah ma nihin intayada halkan joogtaana waa intii ka qayb qaadatay dhismaha waddada horena uga qayb qaadan jirtey horumainta gobolka waa dadkii nabadda dhinac taagnaa laakiin waxannu ka cabanynaa cashuur korodhka 100% oo annaga iyo bulshada kaleba noo cuntami weydey mana qaadi kao gobolkayagani waxannu leenahay wasiirka maaliyadda mar labaad iyo mar saddexaad annagu dad cashuur oggol baannu nahay laakiin cashuurta xaggaaga nagaga timid ee 100% ma qaadi karayno waxannuna kaa codsanaynaa inta waddadu nasoo gaadhayso inaad 30% kayagii hore noogu deyso”. “Annagu dekedda Berbera ee laamiga iyo laydhka leh lama mid nihine baabuurkayagu saddex cashuu soo socdaa maalinta 4-aad isagoo taayirrada iyo caqaayadduba qarxeen baannu fadhataysanaa”. Waxa sidaas isaguna yidhi Ganacsade-Calannle

 

“Cashuurta korodhay waxa dhacday baabuur laga qaadi jirey $150 ayaa la weydiiyey $570 ama lagaba qaaday taasi waxay noqotay wax aan la qaadan karayn markii bulshadii iyo maatadii ka qayliyeen ganacsatadiina waxay go’aansatay inaan waxba la keenin inta durufaha noocaas ahi is beddelayaan waxana nagu kalliftey cashuurtan korodhay sidaas awgeed wasiirka maaliyadda waxannu marti uga nahay inuu arrintaas si degdeg ah wax uga qabto”. Sidaas waxa shirkaas ka yidhi Ganacsade-Ismaaciil Yuusuf Maxamed.

 

“Waxannu halkan codsi uga jeedinaynaa madaxweynaha iyo wasiirkiisa maaliyadda waxannu leenahay “Madaxweyne Ceerigaabo waxay ku jirtaa Halkii Carabtu odhan jireen Fereja-laahu qariibe ferejka hortiis yaanay dhiman waayo magaaladii waa xidhan tahay wax baabuur ahina masoo gasho sidaas awgeed waxannu idinka codsanaynaa arrintaas in lasoo fara geliyo”. Ganacsade Ibraahin Yuusuf.

 

“Halkani waa go’doon aan lahayn waddooyin iyo dekedo iyo ganacsi muuqda toonna sidaas awgeed aan  duruuf ahayn gobollada kale wax kale iska daayoo neefafkii ay doonyaha yar yar saari jireen maxjarrada ayaa loo furay sidaas awgeed waxannu leenahay cashuurta korodhay ma qaadi karaane madaxweynaha waxan leeyahay inta aanay waxani innaku gaadhin meel aynaan kazoo celin karayne hoos ha loo eego hana lo soo diro guddi xaaladda daraasad ku samaysa oo xukuumadda ah mana aha dadkani cashuur diid ee waa cashuur bixiyayaal laakiin xamligan la saaray ma qaadi karaan”. Sidaas waxa yidhi Xildhibaan

Cabdi C/laahi (Dalab) golaha degaanka Ceerigaabo ka tirsan oo isaguna shirkaas ka hadlayey.

“Farriinta manta aannu u diaynaa golayaasha qaranka waa duruufta adag ee Ceerigaabo ka taagan waad ogtihiin gobolka intiisa kale sida Badhan Dhahar iyo Laasqoray kiishkooda intay soo iibsadaan ayaa halkooda loogu keenaa Waxannu leenahay Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirkiisa Maaliyadda Cashuurtan lagu kordhiyey Ceerigaabo ma qaadi karto waayo cashuurta awelba waa la bixin jireye sidii degmada Ceerigaabo looga qaadi jirey ee 30% ahayd ha looga qaado”. Xildhibaan-Kable oo isaguna golaha degaanka ka tirsan.

“Baabuurkaygu 12 casho markuu Boosaaso cashuurtan awgeed rarka la taagnaa maalin saddexaad ayaan ku indho adaygay markaan magaalada soo galayna baabuurkaygii waxa la geeyey kastamka ninkii haysteyna waxa la igu yidhi jimcaha masoo koco welina baabuurkaygii meeshii lagu tuuray ayaa taayirradii ku ballaadheen anigiina waa fara madhanahay gobolkana wax badan baannu ka shaqaynayney oo dhibtan oo kale nagalama soo kulmine dawladda waxannu ka codsanaynaa dadkii duruufta iyo dadka kala yiqiin ee gobolka ka shaqayn jiey ha lagu soo celiyo”. Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah milkiilayaasha wata gaadiidka badeecadaha u kala qaada Boossaaso iyo Ceerigaabo.