Wariye Siciid Guraase oo ku geeriyooday Duleedka Addis ababa

0
95

Hawaas(Waaheen) Alla ha u naxariistee waxa caawa geeriyooday Wariye Siciid Guraase oo ka tirsanaan jiray wariyayaasha Wargeysa Waaheen isla markaana Barnaamijyo Taxane ah ku lahaa boggaga Wargeyska kuwaas oo ay akhristayaal kala duwani la socon jireen.

Alla ha u Naxariistee Siciid Guraase waxa toddobaadkan madaxa kaga furmay Dhiig, waxaanu cisbitaalka Hargeysa u jiifay muddo sadex cisho ah, shalay ayaa loo qaaday dhinaca Addis ababa hase yeeshee waxa uu caawa ku geeriyooday magaaladda Hawaas ee duleedka Addis ababa.

Marxuum Siciid Guraase waxa Maydkiisa dib loo soo qaadi doonaa berri, iyadoo lagu aasi doono magaaladda Hargeysa.

Marxmuun Siciid Guraase waxa uu ka mid ahaa Wariyayaashii mihnada saxaafadda ku soo jiray tan iyo intii Somaliland Madax banaanida la soo noqotay, waxaanu ka soo shaqeeyey Wargeyskii ugu horeeyey Somaliland Jamhuuriya, Haatuf, Maalmaha, Waaheen, Xogogaal, iyo Himilo oo uu imika la bilaabay.

Inaa Lilaahi wa inaa Illayhi raajicuun.